Arrimo Kaa Dhigaya Qof Shakhsiyad Wanaagsan Leh

Shakhsiyad wanaagsan1. Marnaba habalan qaadin waxa aadan oofin karayn:

Waa muhiim mararka qaaar in aad naftaada bartaa sida loo yiraahdo
“Maya, ma’ awoodo” waayo waxa aad dareemayso in aadan oofin karayn waxaa habboon in aadan dhihin waan isku dayayaa (waan eegayaa) balse taa baddelkeed waa in aad qofka ku dhahdaa “maya ma awoodo” waayo taasi waxay kaa badbaadin kartaa in aysan sharaftaada waxyeeloobin oo waxa ay kaa dhigaysaa qof lagu kalsoonaan karo hadii uu wax balan qaado.

2. Dulqaad u lahaw hadii laguu soo jeediyo dhaleecayn:

Ulajeedku waxa uu yahay “Hanoqon qof jecel iskaga kaligii in uu tallada bixiyo oo hadii ay dhacdo in isagii lasaxo aan tallada dadka ka dhagaysan” waayo dadku marki ay arkaan in aad tixgelinayso aragtidooda taasi waxay keenaysaa in ay adigana ku qadderiyaan oo ay talada kaa dhagaystaan.

3. Xakameey waxa aad sheegayso:

Ugu horrayn xakameey waxa aad ku hadlayso oo ha isticmaalin erayada xun xun waayo taasi waxa ay sabab unoqon kataa dadku in ay kufududaystaan, teeda kale qofka waxa uu doono sheega wax xumeeyo ma waayo,
Mida labaad hadii ay dhacdo in lagaa caraysiiyo isku’day in aadan luminin daganaashaha oo aadan hadalka kor u qaadan (qaylin) balse taa baddelkeed waa in aad diirada saartaa sidaad u hagaajin lahayd waxa aad ku doodayso.

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *