6 Dariiqo Oo Aad Ku Xoojin Karto Xusuustaada

Culimada dhinaca cilmu-nafsiga ee caalamku waxay maalinba ta xigta sii daah qaadayaan dariiqooyin cusub oo aadamaha jidhkiisu awood ugu leeyahay inuu daweeyo ama buuxiyo waxyaabaha uu tebayo ruuxa bani’aadamka ah ee caafimaadka qaba.

Halkan waxaa uu daryeelmagazine.com idiinkugu hayaa lix dariiqo oo lagu xoojin karo xusuustaada isla markaana aan maskaxda dib ugu soo celin karto waxyaabihii iyo wakhtiyadii ku dhaafay, dariiqooyinkan oo ah kuwo ay soo bandhigeen culimada cilmi nafsigu.

1: Dariiqada koobaad

waxaad xoog isugu duubtaa gacantaada midig adigoo ku xoojinaya, taasoo la aaminsan yahay inay tahay dariiqada ugu muhiimsan uguna saamaynta balaadhan ee lagula soo noqdo xasuustii waxyaabahii ku dhaafay, iyadoo culimada cilmu nafsigu isku raacsan yihiin in gacanta midig oo sida feedhka la isugu duubo ka dibna la xoojiyo ay maskaxda ka caawinayso soo celinta xusuustii ka baxday.

2. Dariiqada Labaad

dariiqada labaad ee aad ku xoojin karto xasuustaada waa inaad seexato, iyadoo faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee hurdada laga helaa ay ka mid yihiin inaad dib u xasuusato waxyaabihii kugu wareegsanaa ee aad maqashay xiligii maalinimada ama duruustii aad maanta soo dhigatay IWM

3. Dariiqada sadexaad

Dariiqada sadexaad ee aad ku soo ceshan karto xusuusta waxyaabahii ku dhaafay waa adiga oo lugeeya oo socda in masaafo ah, iyadoo ay isku xidhan yihiin hadba socodka qofka aadamaha ah iyo xasuustiisu, isla markaana masaafo sadex KM ah oo uu maalin walba qofku lugeeyo ay door weyn ka qaadanayso in xasuustiisu hagaagsanaato mar kasta oo da’diisu ay sii weynaato.

4. Dariiqada Afraad

Dariiqada afraad ee kuu sahlaysa inaad la soo noqoto ama xoojiso xusuustaada waa adiga oo joojiya ama hakiya cabista sigaarka, iyadoo guud ahan culimada cilmu nafsigu isku raacsan yihiin in Cabitaanka sigaarku uu waxyeeleeyo qaybta xasuusta ee maskaxda qofka bani’aadamka ah.

5. Dariiqada shanaad

Hoos u dhigga miisaanka jidhkaaga ayaa kaa caawinaya in xasuustaadu si wanaagsan u shaqayso, iyadoo dhamaan tijaabooyinkii la sameeyey ay ka soo baxeen saamayn uu miisaanka qofku ku leeyahay xasuustiisa.

6. dariiqada lixaad

Dariiqada lixaad ee aynu halkan ku soo bandhigayno ee kaa caawin karta in ay isbedel wanaagsani ku yimaado qaybta xasuusta aadamaha ayaa ah in uu iska laabo oo iska xidho Computer-ka

isticmaalka Computer-ka ayaa qofka ku keena inuu dareenkiisa oo dhan wada siiyo shaqada uu ku hayo ee ku qabsanayo Computer-ka taasoo keenta in maskaxda qofku mashquul badan samayso, sidaa darteed culimadu waxay ku talinayaan in mar kasta oo qofku iska yareeyo isticmaalka Computer-ka ay maskaxdiisu helayso nasasho iyo deganaan taasina ay dhabbaha u xaadhayso in uu xasuusto waxyaabo badan oo uu soo dhaafay.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *