9 Tallaabo Oo Muhiim Ah Si Ninku Ugu Guulaysto Qalbiga Ooridiisa

Qoys kasta waxa uu ka kooban yahay laba tiir oo ah kuwa uu ku taagan yahay. Kaas oo haddii mid liico dheeli ku imaan doono hab usocodka nololeed ee qoyskaasi. Labadaa tiir waa ninka iyo gabadha ama aabbaha iyo hooyada.

Sidaa awgeed aabbuhu waa tiirka koowad ee aas’aaska guriga, waa hoggaamiyaha qoyska ee la rabo in uu si wanaagsan u maamulo qoyska iyo dhammaan cid kasta oo uu masuul ka yahay. Kuwaas oo ay ugu horreeyaan marwadiisa iyo ubadka uudhalay. Isaga oo Ilaahay inoo caddaynayana waxa uu yidhi: “Raggu waa hoggaanka dumarka” (Ayadda 34 Suurat al-nisaa)

Haddaba waxan dhamman ragga Somaaliyeed hadiyad uga dhigayaa sagaal ( 9) tallaabo ama talo oo haddii uu ninku isku dayo in uu sameeyo, u suuro galinaya in uu hantiyo qalbiga ooridiisa kuna nooladaan nolosha ta ugu qimaha badan, ee leh guul iyo farxad dhamaystiran.

1. Alle ka cabsi: Cabsida Ilahay iyo ku xidhnaan-shihiisu waa furaha koowad ee qofka gaadhsiiya badhaadhaha adduun iyo ka aakhiraba . Sidaasi daraadeed gurigaaga adduunyo oo ad saldhigiisa koowad ka dhigto, kuna bilawdo cabsida Alle waxa ay keenaysaa in aad si fudud ugu nolaato adduunyada, dhibaatadeedana ka samata baxdo sida uu Ilaahay Qur’aanka inoogu caddeeyay Ilaahay wuxu yidhi. “qofka gurigiisa ku bilaaba cabsida Ilaahay iyo raali ahaanshihisa ayaa ka khayr badan ka ku bilaaba gurigisa wax baaba aya oo dumaya sababna u noqonaya inuu ku hoobto narto Naata” (Ayadda 109 Suurat Al-Baqara)

Sidoo kale Alle ka cabsigu waa sahayda kaliya ee aad leday, taas oo aad kaga bixi karto dhibaatada addunyo iyo cidhiidhiga aakhiro. Sidaa daraadeed waxa haboon in uu ninku aragti dheer u lahaado naftiisa iyo dhamman qoyska uu masuulka ka yahay kuna baraarujiyo mar walaba cibaadada, Ilaahay xuskeeda iyo gudashadeedaba.

2. Dulqaad: Dulqaadkuu waa udub dhexaadka isku haya lamaanaha iyo dhammaan qoyska. Waa qodobka ugu mihiimsan ee aad kaga bixi karto jaranjarada qoyska waanagsan loo maro. Waxaa hubaala marwadaada inaanad kawada helin sida aad doonayso inay kuula waddo hawsha iyo horumarka.

Sidaa awgeed waxa lagaa rabaa in aad u dulqaadato marwadaada kuna illawdo qaladkeeda waxa ka badan ee ay hagaajiso. Sida uu Rasuulku N.N.K.H inoo sheegay dumarka waxa laga sameeyay feedh qaloocda, haddaad is tidhaa toosi waad kala jabin kala jabkeduna waa inad furto. Si kastaba ha ahaate isku day inaad badiso dulqaadka marwalaba si aad uga midho dhalliso guusha mustaqbalkina

3. Dhaqan wanaag: In aad xaaska kula dhaqanto dhaqan wanaagsan waa sida lagaa rabo ee uu kufaray Ilaahay S.W.T

Dhaqanka wanaagsan ee lagaa rabo waxa ka mid ah:

* In aad xaaskaga u fuliso xaqa ay kugu leedahay oo ay ugu horreeyaan meherkeeda iyo biilkeedu.

* In aad ka ilaaliso hadalada qalafsan ee abuuri kara nacaybka.

* Iyo in aanad xaaskaaga ka waji dadbin cidkalena ka door bidin.

* Waxaa muhiima marka aad rabto in aad guursato amaba haddaad xaas leedahay in lagaa rabo, xaasaskaaga in aad u is taagto meeshii ay waalidkeed ugu jireen maxaa yeelay? Xumaan umay quudhayn wanaag iyo sharaf ayay kula noolayd. Adna taa iyo mid ka ballaadhan ayaa laga rabaa madaama aad masuuliyadeeda dusha ku qaadatay adigu. Hadaba si aad xaaskaga wanaag ugashato qalbigeeda waxa wanagsan inaad u noqoto sidan oo kale:

* U muuji naxariista aabbo oo kale

* Xannanada hooyo oo kale

* Kalgacalka walaalkeed oo kale.

4. Jacayl: Jacaylku waa dhismaha guriga, waa tiirarka uu qoysku ku taagan yahay kuwa ugu waa wayn kaalin mug lehna kaga jira jiritaanka qoyska. Sidoo kale waxa la oran kara waxa u kamid yahay xikmadaha loo jideeyay guurka sida Ilaahay Qur’aankiisa inoogu caddeeyay waxa uu yidhi “tilmaamaha kalinimadayda lagu garto waxa kamid ah in aan nafihiina idinka abuuray lammaane aad ku degtaan dhexdiinana wax aan dhigay jacayl dhamays tiran iyo naxariis ma guurto ah” (Ayadda 21 Surat Al-ruum)

Jacaylka ka dhexeeya ninka iyo xaaskiisa waa mid u baahan marwalba kobcin iyo kor uqaadis joogto ah. Haddaba waxa taas kuu suro galinaya adigoo sameeya qodobadan:

· In aanad ka xishoon marwadaada oo aad u sheegto ama dareen siiso in aad jeceshahay oo ay waliba tahay qayb noloshaada ka mid ah

· In aad kula hadasho hadalo kalgacal iyo naxariisi ku dheehan tahay

· In aad u muujiso raalli galin dheeraada isla markaasna aad ixtiraamto hadalladeeda iyo waxqabad yadeda wanaagsan.

· Isku day in aad marwadaada dareen la wadaagto oo aad u dhago nuglaato

· Wax ka ogoow farxadeeda iyo murugadeedaba oo la dareen qaybso xaaskaaga.

Inta iyo kuwo kale oo badan haddii aad isku daydo in aad samayso waxa aad ka gudbaysaa qayb wayn oo noloshaada farxaddeeda caqabad ku ahaan lahayd, waxaanad heli kartaa badhaadhaha noloshaada qayb laxaadle oo ka mid ah.

5. Is qurxin: waxa aan shaki ku jirin in nimanku ay jecel yihin in ay xaasaskoodo qurux bataan oo ay had iyo jeer il quruxsanaadaan. Haddaba waxa in lagu baraarugo mudan in haweenkuna jecel yihin in ay nimankoodu qurux iyo udug lahaadan. Sida uuIlaahay Qur’aanka inoogu sheegay “dumarku waxay idinku leeyihiin wanaagga ad ka donaysaan mid la mid ah” (Ayadda 228 Suut Al-baqara). Sidaa daraadeed isku day in aad badiso nadaafadda jidhkaaga iyo ta maryahaagaba oo ku dadaal cadayga sidu Rasuulku samayn jiray N.N.K.H, si aad xaaskaga uga farxiso una raalli galiso.

6. Hadyad bixin: Hadyaddu waxa ay kamid tahay waxyaabaha ugu waawayn ee qalbiga bini’ aadamka raadka wayn ku sameeya, waxaanay kamid tahay sababaha keena jacayl iyo kalgacayl inuu dhex maro lammaanaha sida uu Rasuulkuba inoo caddeeyay N.N.K.H. “wax isku hadyeeya si aad isku jeclaataan”. Sidaa daraadeed hadyada aad siiso xaaskaga ogow wax ay keenaysa firfircoonaan iyo laabxaadhnaan aad kala kulanto marwadaada. Waxa iyana wanaagsan In aad ogaato wakhtiyada muhiimka ah ee mudan in la siiyo xaaska hadyado oo ay kamid yihin:

· In aad xasuusiso marwadaada maalinkaad is xalaashateen ee uu gurigiinu dhismay

· Xilliyada ay uurka leeday oo ka mid ah wakhtiga dumarku ay u baahanyin In il gaara lagu eego lana xannaaneeyo

Sidoo kale hadyada waxa ku jirta sir wayn oo aanay dadku ka war qabin.oo ah: (marka aad xaaskaga isku yara cadhootan ama uu xanaaq idin dhex maro waa shayga koobad ee soo celinaya farxadinii)

7. Talo wadaag: Talo wadaagu waa qodob aad ugu wanaagsan dhammaan wada dhaqanka bani’aadamka si gaar ahna waxa uu muhiimad balaadhan u leeyahay qoyska wada nool. Sidaa awgeed ninka raba in uu noqdo mudane marawadiisa hanankara waxa wanaagsan in aad kala tashatid oo aad ku sharaftid xaaskaga hab u wadidda nolosha qoyskiina gaar ahaan dajinta miisaniyad sannadeedka qoyskiina maxaa yeelay waxa ay farxad galinaysaa ooridaada. Sidoo kale kala tasho xaaskaaga habka wax soo kordhinta noloshaada iyo sida aad ubadkiina ukorinaysaan.

8. Abaal celin: Waxa soomalida ku yar amaba ay hilmamaan badankoodu waxa loo yaqaano mahad naqa oo kamida furayaasha qalbiga lagu hantiyo. Rasuulku waxa uu yidhi isaga oo inoo sheegaya mahad naqu sida uu u wayn yahay “qofka aan Ilaahay u mahadniqin dadkana uma mahad naqo”. Haddaba cid loo mahadnaqo yaa u mudan?

Marka laga yimado mahadnaqa Ilaahay SWT oo mahad celinta ugu waanagsan inaga mudan cidda ku xigta ee ugu muhiimsan in ay isku mahad naqaan waa lammaanaha wada nool. Ninka waxa laga rabaa in uu abaal celin uga dhigo xaaskiisa markasta oo ay wanaag u samayso mahadnaq uu u isticmalayo hadalo wanaagsan oo qalbigeedu raalli ku noqdo.

9. Dadaal: dadaalku waa kicinta awoodda bani’aadannimo ee xagga waxqabad oo si dhaba looga faa’idaysto. Waana waxyaabaha qoysku ku horumaro waxa lagama maarmaan ah in aad xaaskaaga ugu dadaasho caddaaladda kana ilaaliso wixii nafteeda iyo ehelkeedaba wax u dhimaaya. Sidoo kale waxa wanaagsan oo aad qalbiga oridaadana ku hanan kartaa adiga oo ogaada baahiyaha qoyskaaga gudo iyo dibadba, kuna dadaala sidii aad u dabooli lahayd. In aad ku dadaasho xaaskaagu in ay noqoto ta ugu nolol wanaagsan uguna badhaadaha badan iyo in aad heshaan ujeedadii aad ka lahaydeen guurkiina iyo helitaanka guusha guurkina.

W/Q: Nada Yuusuf Cumar

Umuayuub2011@hotmail.com

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *