7-da Dabeecadood Ee Ay Leeyihiin Dadka Guulaysta

calaamadaha dadka guulaysta
“Lama helo wadaadow waxaan cidi ku hawshoone,

Naftaa loo hantaaqa waxaad hiigso leedahaye”

Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacadde.

Guushu waa himilo iyo hiigsi aad leedahay oo aad gaadho, mana aha mid ku timaadda xaglo laaban, sahal, fikir gaabni, hammi yari iyo samir yaraan toona.

Haddaba guushu waa shay cayiman oo la isla yaqaan, laakiin waxa lagu kala tagsan yahay heerka guusha. Qof waxa guul u ah ayaa qof kale u ah bar bilawga guusha. Bal dhugo isbarbardhiga labadan arday. Mid ahaan, hammigiisa u sarreeya ee waxbarasho waa inuu shahaadada derajada koowaad jaamacadda ka qalinqorto, haddii uu gaadhana ay uga dhigan tahay inuu guul gaadhay; halka ardayga kale hankiisu gaadhsiisan yahay qaadashada derejada jaamacadeed ee ugu sarraysa kana aflaxo. Markaas qaadashada shahaadada koowaad waa irridda uu ka gelayo hammigiisa sare.

Guusha waxa sargooya hanka, hiigsiga iyo hummaagyada mustaqbaleed ee qofku meel dhigtay. Markaas waxay ka dhigantahay, nin waxa guul u ah ayaa mid kale u ah bilawga hayaanka guuleed ee uu hiigsanayo.

Sida caadada ah dadka aad fikir wadaagga tihiin, waxay inta badan kaaga warramaan guul. Haddaba waddada guusha ee qof gaadhsiisa inuu naalloodo isaga oo guulaystay ayaa qof kale inay u mari weydo suurtogal tahay. Waayo waxa jira kala duwaansho badan oo dadka dhexdooda ah.

Hammiyada uu qof ku fikiro na waxa ugu muc weyn, inuu guulaysto if iyo aakhiro ba. Weligaa miyaad aragtay cid leh waxaan rabaa inaan guuldarraysto? Mase la kulantay cid raadinaysa waddada guuldarrada si ay u guuldarraystaan? Jawaabaha su’aalahaasi waa maya. Taas iskaba dhaafe, dadka qaar waxa dhacda inay baadi goobaan waddada ay mareen kuwa guuldarraystay, si ay iskaga ogaadaan oo uga baydhaan jidkay qaadeen. Waxaynnu odhan karnaa taasi waxay ka dhalatay baqasho ay ka baqayaan guuldarrada.

Dadka badankoodu guuldarro way la kulmaan, iyagoo u kala baxa laba; qaar marka ay guulaysan waayaan is dhiiba, nolosha ka dhaca, han iyo hiigsi danbe na yeelan iyo qaar marka ay guuldarraystaan wax ka barta oo ogaada khaladaadka ay sameeyeen si ay u saxaan. Waxayna dardargeliyaan dedaalkooda ku jihaysan inay mar uun guulaystaan. Dedaalkaasna waxay isku dayaan iyagoo ku yididiiloonaya inay guuli u dhow dahay.

Waxa mudan in la tilmaamo sidee loo gaadhi karaa guul? Guusha waxa lagu gaadhi karaa iyadoo la maro wadiiqooyinkan:

·       Dejinta hammi iyo hiigsi.

·       In qofku baadho waxyaabaha uu u baahan yahay inuu sameeyo si uu u guulaysto iyo waxyaabaha ka hor istaagi kara guusha.

·       Waa inuu joogteeyaa oo ku dedaalaa hayaanka uu ugu jiro guusha.

·       Waa inaad hubisaa kolba inaad hayso hilinka iyo toobiyaha aad u marayso guusha.

·       Waa inaad u samirtaa hadimooyinka ku geddaaman jidka guusha oo haddii aad dhib mudato aad u dulqaadato.

·       Waa inaad niyad-samaan iyo talo saarasho Alle aad la timaaddaa.

·       Guusha markaad gaadhana, aad Ilaahay u mahadnaqdaa oo ka dheeraataa kibir, una tafoxaydataa sidii aad guulo kale u dhalin lahayd.

Waxa la isku raacay in guusha dhabta ah ee waaraysaa ay tahay guulaysashada aakhiro iyo raalli ahaanshaha Rabbi. Sida Ilaahay SWT uu Qur’aanka ku sheegay, qofka guusha dhabta ah gaadhay inuu yahay “qofka la dhaafiyo naar ama aan gelin naar, Jannaduna hoy u noqoto, kaas ayaa guulaystay”. Maalinta aakhiro hal miisaan ayaa yaalla oo qof kasta camalladiisii adduunyada lagu miisaamayo. Waxa kaloo Ilaahay SWT tilmaamay nolasha adduunyo inay tahay “mid la qalday”

Muhiimaddu waxa weeyaan, inaad ogaato micnaha iyo ujeeddada aad u nooshahay ee aad adduunyada u joogto. Haddaad u fiirsato dadka nolosha aan fahansanayn waxaad arkaysaa iyaga oo nolosha ka quustay, wax guul ahna ka gaadhin. Tusaale gaaban, dadka gaalada ahi waxay ku doodaan inuu qofku markuu doono nolosha iskaga bixi karo; macnaha is dili karo. Sababta taa keentay waxa weeyaan ka madhnaan iyo fahan waa’ ka haysta ujeeddadii loo abuuray iyo micnaha noloshan adduunyada.

Astaamo ayay leeyihiin dadka guulaysta ama kuwa leh awoodo ay ku guulaysan karaan, waxaana ka mid ah:

1.    Isbeddel Jacayl:Dhammaan dadka raba inay nolosha ka sameeyaan guul, waxay naftooda ku qanciyaan inuu isbeddel waajib yahay. Waxay hoos iyo korba dadka uu codkoodu gaadho ugu sheegaan, in isbeddel loo baahan yahay. Waxa mararka qaar dhacda in laguu arko qof qaldan balse waa wax nolosha ku caadiya. Nabi Muxammed csw, ayaa tusaale fiican kuu ah, iyo dhammaan dadka nolosha horumarka ka sameeyay midkastood noloshiisa baadho.

2.    Hummaag iyo qanaaco isbeddelku nooca uu noqonayo: Dhammaan dadka nolosha ka sameeyey horumarka waxay ku qanacsanaayeen, inay gaadhayaan meel ka fiican halkan ay joogaan. Dhammaan waxay madaxa ku haystaan, sawir ka turjumaya nolosha ay geeddiga ugu jiraan. Waxay markaad la sheekaysato ama akhrido buugta taariikh nololeedkooda ka arkaysaa, riyo wakhti ay soo jeedeen, taas oo adiga kuula muuqata hawo, balse isaga ula muuqata xaqiiq, waana ta dhaxalsiisa ku adkaanta nolosha ay rabaan.

3.    Dedaal iyo karti dheeraad ah: Dhammaan dadka wax soo kordhiyay ee kugu xeeran, hadday noqoto sheekh iyo shariifba, mid kasta wuxuu goostay wixii uu beertay, midkasta wuxuu ku naalloonayaa habeenkiisa iyo maalintiisa intuu gashaday, taasaana rag iyo haweenba kala geeyey cirka iyo dhulka.

4.    Go’aan iyo Xoog saarid: Ma jiro qof meel gaadha oon dadka fikirkiisa ku qancin. Xusuuso dhacdadii cajiibka ahayd ee Suubbanihii CSW lagu yidhi, inaader hubka dhig aan ku siinno waxaad rabto sida Suldaannimo, Xoolo, Haween qurxoon, ee intuu aamusay uu ku yidhi “Wallee haddii Dayaxa iyo Cadceedda midba gacan la ii saarayo inaanan ka tagayn waxa aan ku taaganahay”. Dhammaan dadkii noloshan macnaha ku sameeyey waxay ahaayeen kuwo ku adag waxay rabaan kuna qanacsan fikirkooda nololeed.

5.    Samir iyo Dulqaad:U fiirso dadka wax ah ama aad farta ku fiiqdo ee noloshaada ku xeeran. Meel fog ha aadin. Eeg dadka xidhiidhka tooska ah la leh nolosheenna. Ma jiro qof habeen ku gaadhay nolosha uu gaadhay. Mana jiro qof saacadaha tiriyey, si uu u beddelo nolosha uu rabo balse qof kasta wuxuu huray wakhti dheer isagoo muujiyey samir iyo dulqaad xad dhaaf ah, waana sababta uu Suubbanuhu CSW ugu lahaa Asxaabigii ku yidhi “Alle noo bari in dadkan na ciqaabaya uu naga kaafiyo” “Samra Ilma Yaasirow ballantiinu wa jannee”. Taasi wa macnaha samirka iyo dulqadka.

6.    Xirfadda maamulka wakhtiga:dadkani waxay si wanaagsan u maareeyaan wakhtigooda, iyaga oo uga faa’iidaysanaya qabashada waxyaabaha gaadhsiinaya guusha, waxayna ka fogaadaan luminta wakhtiga.

7.    Iskaashi:Dadka guulaystaa waxa ay si fiican u kaashadaan oo ula tashadaan dadka ku xeeran sida xaasaskooda, saaxiibbadood iyo dadka ay hiigsanayaan.

Nimco Maxamuud Axmed “Nimco Caaggane”

Email: bintucagane@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *