5-ta Nooc Ee Ka Midka Ah Dadka Kugu Caawin Kara Inaad Ku Guulaysato Ganacsigaaga Bilowga Ah

Marka aad bilowdo ganacsi yar waxa ugu horeeya ee aad hesho waa xoriyad aysan jirin cid kuu Talisa , madax kaa koraysa, shaqaale kula siman. Waxa aad tahay ruux u madax banaan go’aan kiisa, laakiin waxa jira 5 Nooc oo dad ah oo aadan ka maarmin. Way fiican tahay in taladaada aa kali u noqoto laakiin hadana in aad kaligaa noqoto oo cid aad talo, garab, xariir iyo kalsooni aad ka hesho aad wayso waa ciriiri ama madax wareer.

Waxa aad u baahan tahay in aad hesho 5 taan nooc ee dad ka ah si aad ugu guulaysato ganacsigaaga bilowga ah. Waxan kamid ah kuwan soo socda.

1. WAAYO ARAG QANACSIYADA YAR-YAR.
Qabiirada ganacsiyada yar-yar ee hore waxa aad ka helaysaa qibrad, talo iyo waayo aragnimo badan oo ay ku ururiyeen muddo sanadyo ah. Waxa aad maraysaa wadadii ay mareen oo kale, marka si fiican ayey aqoon durugsan iyo qibrad ugu leeyihiin wadadaas. Waxa aad ka heli kartaa xog iyo farsamo ka qiime badan malaayiin lacag ah. Waayo nimadu waxa lagu soo maray dhib badan iyo qasaare, kuwaa oo aad doonayso in aadan ku celin adigu mar dambe. In aad hesho halka jarta laga boodo.

2. SHURAAKO WANAAGSAN:

Marka aad bilowdo ganacsi cusub waxaa wanaagsan in aad hesho qof shirko kula noqda oo aamin ah. Helida shuraako wanaagsan oo aamin ah waa ay adag tahay, laakiin hadana waa lagama maarmaan. Sidoo kale shirkado kale oo aad xog iyo kaalmo kaleba wadaagtaan. Marka aad heso shuraako wanaagsan oo aamin ah waxaa sii kordhaya awooda iyo kalsoonida shirkada bilowga ah.

3. SHAQAALE AAMIN AH:
Shaqaalaha aamin ka ahi waa lugaha ay kusocon doonto shirka daadu. Waxa ay dhaqaajin doonaan hawl maalmeed ka shirkada.Hogaamiyaha kaliya ma wadi karo shirkada. Waxa aad u baahan tahay in aad hesho shaqaale aamin ah, hawl kar ah, aqoon fiican u leh shaqada ay qaban doonaan, la isku halayn karo, lagu aamino shaqada, taana waxaa horseedi kara in aad abuurto jawi leh dhaqan suuban ee siyaasada shirkada iyo in aad raadiso qof kasta taariikh nololeed kiisa inta aadan shaqaalayn kahor.

4. SAAXIIBADA AAD KASBATO:

Saaxiiba daada hore iyo kuwa aad baro marka aad bilowdo shirkad ama ganacsi cusub waa muhiim. Xariir ka wanaagsan waxa uu horsed u noqon karaa in aad hesho caawinaada aa u baahato marka arrin dhib badan ku hor istaagto. Iska ilaali in aad cadow abuurato, xitaa hadii mar lagu xumeeyo ha jarin xiriir ka ganacsi maalin lagama maarmaan ah ayaa suurto gal ah in aad u baahato. Ilaali xiriir ka gaar ahaan aad la leedahay saaxiibada ganacsi oo dan wayn ay iskaga kiin xiran tahay. Ma jirto shirkad ama ganacsi kaligii istaagi kara meel. Waa in aad leedahay meelo badan oo aad ku tiirsato marka ay baahi timaado.

5. QOYS KA:

Dhawr xiriir ka qoys ka sida xaaska, caruurta, waalid ka iyo walaalaha.. qoys kaaga ka dhigo mid aad la wadaagto dareen kaaga.Ha noqon kaligaa, yeelo wheel kula wadaaga fikir ka, dhib ka , farxada, iwm.

5taan nooc ee dad ka ahi waxa ay horseed u yihiin horumarka ganacsigaaga.

ABDULKADIR ( INDHO )

Check Also

suuqgeynta

Xeeladaha Suuqgeynta Ee Ay Ganacsatadu Isticmaasho

Qofka bani’aadamka ah dhaqankiisa iyo go’aankiisaba waxaa si aanu dareemayn saamayn ugu yeesha, hadba deegaanka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *