4-ta Nooc Ee Shaqaalaha Ugu Dhibta Badan Iyo Sida Loo Xaliyo

Hadii aad madax ka tahay shirkad , shaqaale badan uu kula shaqeeyo waa hubaal in aad aragto shaqaale dhib badan oo ay adag tahay in aad la shaqayso. Waxa aan halkan ku sooqaadanayaa 4 nooc ee shaqaalaha ugu dhib ka badan iyo sida loo xaliyo. Hadii aadan xaalin dhibka shaqaalahaa waxa u noqonayaa sida cudur faafa oo saameeya shaqaalaha intiisa kale. Waxa aad muhiim u ah inta aysan ku faafin cudur ka ay qabaan shaqaalaha intiisa kale in aad ka hor tagto, u digto , fursad aad siiso in ay is badal sameeyaan hadiise aysan dhincin aad shaqada ka cayriso.

1. SHAQAALE AAN ILAALIN WAQTIGA. Shaqaale soo daaha oo aan ilaalin waqtiga. Tusaale shaqadu waxa ay bilaabataa 8:00 a.m subaxnimo qof kanna waxa uu yimaadaa 8:15 a.m inta badan. Ma ahan mar ama laban, laakiin daahid joogto ah inta badan iyo sidoo kale marka shaqada laga baxayo uu hormaro tasaale hadii shaqadu istaagto 5:00 p.m , wax qof kan uu baxaa 4:20 p.m, oo waxa uu ka hormaraa shaqaalaha kale. Labada dhanba waa isku mid. Soo daahid iyo Hor bixid. Waxa

Dad ka qaar kii ma fahamsana qiimaha waqtiga, qaarna waxa ay ka tahay ogaal mas’uuliyad daro ah. Marka hore kala saar waxa qof kan uu aamin san yahay.

XAL:

Marka 2aad. ee qof kan uu soo daaho, kulan la qaado oo waydii sababta uu u soo daahay. Waxaa hubaal ah in qof kani kuu sheegi doonoo cudur-daar sabab kasta ha ahaadee.Mar kasta dad ku ma waayaan mar-marsiiyo. Ka aqbal laakiin si faah-faahsan ugu sharax muhiimada waqtigu u leeyahay shaqada iyo shaqaalaha la shaqaynaya iyo in ay cadaalad daro tahay in shaqaalaha qaar soo daaho, kuwo kalena mar hore yimaadaan oo shaqdii ay sii wadaan, isku mushaarna ay qaataan. Sida dad ka la shaqaynaya ay shaqadu ugu adkaanayso marka qof kii la shaqaynayey uu maqan yahay.

Marka 3aad. Waxa aan u kala qaadaynaa (A ) iyo (B).
A- Hadii qof kan uu og yahay muhiimda waqtiga, masuuliyad darana ay ka tahay soo daahidan, Waxa aad ka badashaa shaqada uu hayo adiga oo gaynaya shaqo hoose ( HOOS U DHIGID ) oo ka mas’uuliyad yar, kana lacag yar. Tani waxa ay tusaale cad u tahay go’aan qaadashadaada iyo qiimaha waqtiga uu shirkada u leeyahay. Waxaa suurto gal ah in qof kani isbadal dhanka imaanshaha ah sameeyo oo laga dareemo in uu waqtiga ilaaliyo taas oo keenaysa marka muddada imtixaan ka ( 3 ilaa 4 bilood) kadib dib loogu celiyo shaqadiisi hore.
B- Hadii qof kan uusan fahamsanay muhiimada waqtiga u dir guriga hal ilaa 3 maalin si uu uga soo fakaro in uu shaqayn karo oo uu waqtiga ilaalin karo iyo in kale. Wax kale haku samayn. Muddada uu maqan yahay waxaa badan in uu isla hadlo kaliguu oo go’aan sado in uu waqtiga ilaaliyo. Mudda uu maqan yahay u xisaabi lacagtii uu shaqayn lahaa oo sii.

Marka 4aad. Qof ka ( A) ee og muhiimada waqtiga laakiin ogaal u soo daahaya, waxaa muhiimsan in aad shaqada ka cayriso, sababta oo ah ma samaynayo wax isbadal ah in sidaa loo daayana ma ahan cadaalad , waxana lumaya kala dambaynta iyo maamulka shaqaalaha.
Qofka (B) marka afraad shaqo hoose gee. Xilka qaadis ku samee oo hoos u rid. Hadii uu mar shanaad soo daaho, shaqada ka cayri.
fiiro gaar ah: Hadii ay jirto xaalad ama daruuf dabiici ah ee qofka u diidaysa in uu waqtiga ilaaliyo sii muddo uu ku xaliyo dhib kaa jira.

2. U DAMBEEYE. Waa shaqaale aan marna howsha dhamayn. Dabaadi, markasta hawsha la dibdhaca, jecel in shaqaalaha kale qabtaan shaqadiisa. Qof marka dhab ahaan loo eego ah culays iyo qasaare ku ah ganacsiga oo aan wax soosaar hufan lahayn.

XAL:

U qabo waqti go’an sida 2 bilood oo uu ku qabto hawl cayiman iyo shaqo gaar ah. Hadii uu kasoo bixi waayo shaqada ka cayri. Xusuuso ganacsi ma ahan meel dad ka lagu caawiyo ee waa goob shaqo oo shirkad kasta kaga horumarto shirkadaha kale wax soosaar ka shaqaalaha. Shirkaduhu waa ay bixiyaan caawinaad ay siiyaan dad ka sabool ah oo baahan shaqo la’aan ama curyaanimo intaba, laakiin shaqaalaha shirkadu waa in uu noqdo kuwa kasoo baxa shaqada loo igmado ama boos ka baneeya si loogu badalo qof diyaar u ah in uu hawshiisa ku qabto waqtiga loogu tala galay.

3. GOONI SOCOD AH.

Waa shaqaale isku arka in shaqaalaha intiisa kale uu ka aqoon iyo caqli badan yahay oo hadana gooni socod ah. Inta badana ku hadla waxyaabo shaqaalaha kale aan ku haboonayn ama ka caraysiiya. Taas oo abuuri karta nacayb iyo kala fogaasho soo dhex gashaha shaqaalaha shirkada.
Waqtigan casriga shirkadaha caalamku waxa ay ku shaqeeyaan “WADA SHAQAYN”, taas oo la ogaaday in wax soosaar ka ugu badan ee shaqaaluhu uu ku xiran yahay wada shaqayn ta. “ far kaliya fool ma dhaqdo”. Ma jiro qof kaligiis isku filan. Waa in shaqaalahu yahay mid la shaqeeya shaqaalaha kale marka ay timaado mashaariic wadaag ah loo wada qabto si niyad iyo hagar la’aan ah.
XAL:
Qof ka nuucan ah kuma haboona in uu ka shaqeeyo shirkada tartan ganacsi ku jirta. Iska cayri shaqaalaha dabeecadan leh sababta oo ah wax soosaar fiican ma lahan.

4. KUU SHEEKEEYE , KAA SHEEKEEYA.

Waa shaqaale caan ku ah isku dirka iyo xanka oo mar kasta kuu soo gala xafiis ka isagoo kaaga sheekaynaya shaqaalaha kale. Shaqaale mar kasta cabanaya oo dhib sheegta. Qof jecel in markasta dad ka kale ceeb kooda iyo dacwo ka sheegta. Waa qof sifaysan eed sheegasho joogto ah aan laga gar bixin, aan garta qaadan. Raali galin aqbalin, oo mar kasta wax laga soo tagay hal keedi kasii wada.

XAL:
Udiga shaqaalahan in mar dambe uusan hadal kuu keenin. U sheeg waxa aad u baahan tahay oo kaliya in ay tahay in uu shaqadiisa qabto iyo hadii sharciga kambaniga la jabiyo in la ogaado, laakiin aan loo baahnayn in shaqaalaha kale uu ka sheekeeyo iyo in uu joojiyo eed sheegashada faraha badanoo uu dad ka la shaqeeyo. Hadii uusan isbadal samay, iska cayri shaqaalaha nuucan ah.

Noocyada shaqaalaha dhib ka badan kuma koobna 4 tan nooc oo kaliya ee waxaa jira noocyo

W/Q: ABDULKADIR A. ADAN

Check Also

suuqgeynta

Xeeladaha Suuqgeynta Ee Ay Ganacsatadu Isticmaasho

Qofka bani’aadamka ah dhaqankiisa iyo go’aankiisaba waxaa si aanu dareemayn saamayn ugu yeesha, hadba deegaanka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *