18 Talo Oo Ku Saabsan Barbaarinta Caruurta

barbaarinta hagaagsan1Caruur barbaarintu waa xirfad ay waaliddiintu is dheer yahiin. Sida xirfadaha kale oo dhan, qofkii barta barbaarinta hagaagsan ee caruurta, waxaa inta badan laga gartaa caruurta uu tarbiyeeyay. Waayo xigmad caan ah ayaa oranaysa: “Qof waxuu bixiyaa, waxuu hayo!”. Sidee ayuu waalid ilmahiisa si wanaagsan ugu barbarian karaa, hadii aanu ogayn ama aqoon waajibka saran?

Caruur badan ayaa maanta ku sugan xaalad aad looga naxo, akhlaaq ahaan, diin ahaan, waxbarasho iyo bulsho ahaanba. Taasna micnaheedu ma ahan in ay ilmahu xumaan ku dhasheen, ee waxay u badan tahay, in ay soo barbaariyeen waalidiin dayacay ilmaha ama kuwo aan aqoon u lahayn barbaarinta haboon ee caruurta. Bulsho xunna ma jirto ee waxaa jiro bulsho ka kooban qoysas aan aqoon u lahayn sida caruurta loo barbaariyo. Dabcan dhalintaa aan la tarbiyadayn waxay mushtamaca ku tahay dhaawac wayn oo khatar ku ah diinta iyo dhismaha bulshadaba.

Halkaan waxaad ka helaysaa oo daryeelmagazine.com kugula wadaagayaa talooyin kaa caawinaya sidii aad u barbaarin lahayd caruur ku korta mabaadi’da Islaamka.
18 TALO

1- Guurso qof diin leh: Talada ugu horaysa ee barbaarinta caruurtu waa inaad marka horeba guursato qof diin leh. Diintu waa waxa ugu muhiimsan ee qof lagu doorto. Abu Hurairah, radiallahu ‘anhu, waxuu wariyay in Rasuulku, sallallaahu ‘alaihi wa sallam, yiri: “Dumar waxaa loo guursadaa afar shay: xoolaheeda, magaca qoyskeeda, quruxdeeda iyo diinteeda. Marka doorta dumarka diinta leh, hadii aydnaan rabin inaad khasaartaan.” [Bukhari iyo Muslim.] Doorashada xaasku dhaqmaya mabaadii’da Islaamku waxuu maalinta ugu horaysaba kula aas-aasayaa guri ku dhisan diinta Islaamka, ilmahuna dhaqan xumo kama baranayaan.

2- U akhrinta buugta iyo u sheekayntu waa muhiim: U bilow inaad ilmaha buugta ciyaalka u akhrido; iyaga oo yarna u sheekayso, si ay luuqadda iyo dhagaysiga u bartaan. Inaad horay ugu bilowdo ayaa aad u haboon. Buug u akhrinta caruurta waxa ay ilmaha iyaga oo aad u yar tusaysaa in waxbarashadu xiiso leedahay, waxayna baranayaan sida wax loo dhagaysto, oo loo qaato waxbarashada. Muhiimnimada wax akhriska waarid walba wuu ogyahay. In caruurta buugta loo akhriyo waa jidka ugu wanaagsan oo ay guul ku gaaraan – aqoon ahaan iyo qof ahaanba.

3- Ciyaartu hal-abuurka iyo fadhiga ayay ilmaha bartaa: Marka ilmahu ciyaar gaaro, ku dhiiri gali inay ku ciyaaraan qalabka kor u qaadaya fakarkooda iyo waxqabadkooda; waxa kaliya oo aad ka taxadartaa in qalabka ciyaartu uu diinta waafaqsan yahay, dhibna aanu u keenayn. Ciyaarsiinta ilmaha waa hadiyad ka mid ah hadiyadaha uu waalidku ilmahiisa siinkaro. Ciyaartu waxay ilmaha ka caawisaa inay yeeshaan hal-abuur, ilmaha way ku dagaan, waxayna galisaa himad ay ku arkaan waxa ay awoodaan.

4- Waxaad ku bilowdaa inay bartaan muhiimadda caabudidda Ilaahay: Waxa ugu wanaagsan ee waaridka Muslimka ah uu ilmahiisa bari karo waa inuu ku adkeeyo ilmaha, laga bilaabo maalinta ay waxkala garan karaan, in Ilaahay (swt) uu yahay kan kaliya oo xaqa lagu caabudo. Tani waa fariinta ugu muhiimsan ee uu Nabigeenu (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) na faray, waana furaha janada.

5- Ilmaha u naxariiso: Naxariistu waxay dhashaa naxariis. Hadii aan ilmaheena u naxariisano, iyaguna dadka kale ayay u naxariisanayaan. Nabigeenu (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) waxuu ahaa tusaalaha ugu wanaagsan ee u naxariisashada ilmaha.

6- Bar tusaaleyaashii geesiyadii Islaamka: Halkii aad Batman iyo Superman uga sheekayn lahayd, uga sheekee geesiyada dhabta ah sida nabiyadii iyo asxaabtii. Sida: Abu Bakr, Umar Ibn Khattab, Osman bin Affan, Ali Bin Abi Talib, dhamaantood Ilaah ha ka raali noqdee, iyo kuwo kale. Usheeg sida hogaamiyeyaasha Muslimku ay u abuureen nabad dhab ah oo aduunka badasha, una qabsadeen qalbiyada Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahaynba.

7- Caruurtu dadka waawayn ha la fariisato:Waxaa haboon in caruurtu ay dadka waawayn ku dhex jiraan, gaar ahaan marka muxaadarooyinka Islaamiga ah la qaadanayo. Nabigu (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee), waxuu inta badan caruurta fariisin jiran safka hore marka uu dadka la hadlayo.


8-  U tus in ilmahu qof muhiim ah yahiin: Arimaha qoyska kala tasho. Ha dareemeen in ay yahiin xubin muhiim ah oo qoyska ka tirsan; qaybna ay ku leeyahiin talada wanaagga iyo horumarka qoyska.
9- Qoysku waa inuu is raaco: marka aad meel aadaysaan, halkii ay ilmahu saaxiibadood la socon lahaayeen, adiga iyo qoyska ha idinla socdeen (waayo inta caruurtu saaxiibadood la socoto, dhaqan xumooyin ayay ka baran karaan). Caruurtaadu ha ku dhexjiraan qoyska iyo saaxiibo wanaagsan oo aad ogtahay in wax xun aanay ka baranayn. Xasuusnow in caruurtaadu ay la midnoqonayso dadka ka agdhow oo ay raac-raacaan. Marka iska jir kuwa ay saaxiibka la yahiin, waxaana sidoo kale muhiim ah inaad ADIGU la socoto caruurtaada.

10- Amaan ilmaha: Amaantu waa arin caruurta aad muhiim ugu ah, khaasatan dadka hortiisa. Caruurtu qabkooda ayaa dhisma marka waaridkood dadka hortiisa ku amaano, waxayna isku dayidoonaan inay wanaaggaa sii wadaan. Hase ahaatee, waa in amaantu ku salaysan tahay dhaqamada Islaamka waafaqsan iyo falalka dhaqan wanaagga ah.

11- Ilamaha ha fadeexayn: Sidoo kale, dadka hortiisa ha ku fadeexayn. Caruurtu qalad way sameeyaan. Mararka qaarkood waxay qalad sameeyaan, iyaga oo isku dayaya inay waaridka raali galiyaan. Hadii aad caruurta u caraysan tahay si khaas ah kaligood ugu sheeg.

12- Isboortiga: Rasuulku (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) waxuu dhiiri galiyay Isboortiyada ay ka midka yahiin dabaasha, orodka iyo fardo-fuulka. Isboortiyada kale ee jirka quweeya, dabcigana dhisa sidoo kale waa wanaagsan yahiin; hase ahaatee, ka taxadar in ayan dhumin anshaxa Islaamka, dhar ku haboon gashadaan, rag iyo dumarna aan la isku dhexdarin.

13- Mas’uuliyad: Kalsooni ku qab in ay caruurtaadu wax qaban karto. Udhiib howlo ku haboon da’da ay ku jiraan. Usheeg inay shaqo muhiim ah kuu qabanayaan, waxaadna arkaysaa iyaga oo isku dayaya inay mar kale ku caawiyaan.

14- Ha halayn: Caruurta si sahlan ayaa loo halayn karaa, hadii la siiyo shay walba oo ay dalbadaan, waxay kaa filayaan inay marwalba waajib kugu tahay in waxay rabaan aad bixiso. Aad uga fakar waxa aad u gadayso. Ka fogow inaad ka badbadiso oo aad galiso raaxo xuduudka dhaafsan. Uwad oo tus qaybaha magaalada ee ay dadka aan cayrta ah ku noolyahiin, si ay u arkaan nimcada ay haystaan.
15- Saaxiibtinimo u dhaqan, laakiin saaxiikood ha noqon: Waxaa inta badan dhacda in reer Galbeedku ay caruurtooda ula dhaqmaan sidii inay saaxiibo yahiin. Islaamka dhexdiisa, taasi macquul ma ahan. Hadii aad waligaa maqashay saaxiibo wada hadlaya, waad garan kartaa waxa ay ka wada hadlaan; hadaba waad ogtahay in sidaasi aanay ahayn sida waaridka iyo ilmahiisu u wada hadli karaan. Adigaa waaridkii ah, waana in ay ku ixtiraamaan, waana inaad taas barto. Saaxiibtinimadu waa inay ku ekaataa in adiga iyo caruurtu ay si kalsooni ah u wada hadli karaan, si ay walwalkooda kuugu sheegtaan ama ay su’aalo kugu waydiiyaan makra ay rabaan.

16 Isla tukada: Ilamaha cibaadada wada sameeya. Marka ay yar yahiin, ha arkaan adiga oo tukanaya. Durbadiiba, waxa aad arkaysaa iyaga oo kugu dayanaya. Salaadda subax u toosi, adinka oo qoys ahna wada tukada (Tani waa mid ay waariddiin badan aanay samayn, waxayna keentay in dhalintu salaaddii iyo cibaadadii ka tagto, waayo, waaridkii ayaa kaligiis salaadda subax masaajidka aadaya, caruurtii oo salaad gaartayna waa iska huruddaa). Uga sheekee waajibnimada iyo abaalmarinta salaaddu leedahay, si ay u ogaadaan muhiimadda.

17- Carrabka ku adkee xalaasha: Ma wanaagsana in marwalba la yiraahdo “kani waa xaaraam, kaasi waa xaaraan”. Inkasta oo lagaa rabo inaad xaaraanta barto, hadana sidoo kale u tilmaan waxa xalaashaa! Si ay u kala gartaan waxa xun iyo waxii ay badalkiisa samayn lahaayeen ee xalaal ah. Islaamka waxaa ka buuxa waxyaabo badan oo xalaal ah, Ilamahaagana u sheeg inay Ilaahay (swt) ugu mahadnaqaan xuduudka uu u gooyay – ee cunada iyo dharka oo kaliya ku ekayn. Usheeg inay mahad ka sheegtaan indhaha ay wax ku arkaan, dhagaha ay wax ku maqlaan, gacmaha iyo lugaha, iyo nimcada ugu wayn oo ah inay Muslim yahiin.
18- Tusaale u noqo: Maadaama aad waarid tahay, waxa aad tahay tusaalaha ugu haboon ee caruurtu ku dayato. Hadii aad waaridkaa si xun ula dhaqanto, caruutaada ka filo inay adigana sidaa oo kale kuula dhaqmayaan. Hadii aad dadka kale aadan xushmayn, caruutaadu way kugu dayanaysaa. Islaamka waxaa ka buuxa waanooyin badan oo xag Rabi (swt) ka yimid oo ku baraya sida caruurta loo barbaariyo. Waxaa waajib waariddiinta saaran ah inay noqdaan Muslimiin wanaagsan, si caruurtoodu ugu dayato. Hadii aadan adigu diinta ku dhaqmin, caruurtaaduna muhiim u arki mayso. Waxay ku noqonaysaa qodobkeenii 6-aad oo ahaa in loo yeelo halyeeyo Muslimiin ah oo ay ku daydaan. Maadaama aad adigu waaridkii tahayna waa in aad noqotaa halyeeygii ugu horeeyay ee ay Islaamka uga daydaan.

GABAGABO
Talooyinkaan aan soo koobnay waa dulmar, laakiin waxaa haboon hadii aad rabtid in ilmahaagu aakhiro iyo aduunkaba ku anfacaan, dad Muslimiin ah oo ay bulshadu wanaag ka sheegtana ay noqdaa, inaad fadlan barato casharada iyo buugta diiniga ah ee tarbiyada caruurta ka hadlaya; waa waajib ku saaran! Ujeedada ilmaha loo dhalayana ma ahan tiro ee waa inay noqdaan kuwo tayoleh, si ay kuu anfacaan aakhiro iyo aduunkaba. Maanta waxaa badan dadka carabka ku dhufta tirada caruurtooda, iyaga oo inta badan hilmaama in tayaduna muhiim tahay! Caruurtu waa amaano Ilaahay (swt) noo dhiibay. Waxaan ku barbaarin karnaa inay noqdaan dad Muslimiin ah oo sharaf leh, ama waan dayici karnaa oo waxaan ka dhigi karnaa dad aan wax qiimo iyo sharaf ah lahayn, oo diinta, bulshada iyo magaca qoyskaagaba fadeexo ku ah. Muhiimnimada waaridku intaas ayay le’eg tahay. Mas’uuliyaddaasi Aabaha iyo hooyadaba waa saaran tahay, oo ma ahan mid hooyada ama aabaha oo kaliya lagu halaynayo. Caruurta ay dhaleen waariddiin tarbiyadda saxda ah yaqaana waxaa la gartaa marka ay bulshada soo dhexgalaan; halka kuwa waaridkood dayacay oo aan wax aadaab ah la barin ay bulshadu ka dayriso…. Hadaba walaal, maanta bilow inaad mas’uuliyadda Ilaahay (swt) ku waydiindoono aad ka soo baxdo! Hadii qoys walba caruurtiisa ku dadaalo, waxaa soo baxaya bulsho hagaagsan, taasina waxay dhalaysaa Ummad Muslimiin ah oo hagaagsan.

“Caruurtu waa nimco Ilaahay ku siiyay ee si wanaagsan u dhowr!”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *