14 Arrimood Oo Ay Kula Duwanyihiin Xaaskaaga Iyo Gabadhii Hore Ee Aad Xiriirka Lasoo Samaysay

Xaaskaaga, xiriirka jaceyl, haasaawe,Haddii aad xaas leedahay ma garan kartaa waxyaabaha ay ku kala duwanyihiin inantii aad dhallinyarannimadaadii xidhiidh sheeko la samaysay iyo afadaada hadda kula joogta?

Haddii aad wali doob tahay oo aad wali ku jirto kala xulashadii hablaha gayaankaaga ah, maxaad jeclaan lahayd inay gabadha aad guursanaysaa kaga duwanaato tan immika aad la sheekaysato amma xidhiidhka la leedahay? Waxa suurtagal ah in durtaba afkaar badan oo kala duwani maskaxdaada ku soo dhaceen.

Ninku marka uu muddo xaas lahaado ee ay labada qof ka baxaan is-barashadii hore iyo is-ururintii, waxa uu si fiican u sheegi karaa faraqa u dhexeeya gashaantidii uu hore ula soo qaatay wakhti iyo marwadan uu hadda qabo amma la joogo. Haddii aad dumar badan xidhiidho kala duwan la soo yeelatay, safarkii dheeraa ee aad ugu jirtay sidii aad reer u samayn lahayd, waa hubaal inaad xasuusan karto in faraq weyni u dhexeeyo dumarkaas iyo midda aad hadda nolosha la wadaagto, marka laga eego aragtida ay ka qabaan qaab nololeedkiinna, iyo waxyaabaha ay muhiimadda siiyaan.

Haddaba siday doonto ha noqotee, bal ila wadaag afar iyo tobankan qodob ee ay marwalba kaga duwantahay, gashaantidii aad hore xidhiidhka ula soo samaysay.

1.      Inanta aad la sheeko la wadaagtay ma jecla inay barato qoyskiinna, asxaabtaada iyo cidda kale ee xidhiidh dhaw leedihiiin. Adiga kaliya uunbay ku doonaysaa. Gabadha aad guursataa waxay jeceshahay inay barato qoyskaaga iyo asxaabaada, waayo waxay ogtahay iyaga la’aantood inaanad gaadheen halka maanta aad joogto, qofka aad tahayna aanad ahaateen

2.      Inanta aad sheeko wadaagtaan waxa marwalba warwar ku haya siday u gashan lahayd labbiska ugu quruxda badan, mana jecla in mar kaliya ishu qabato iyada oo aan qurxoonayn.  Waxa agteeda qiimo weyn ka leh quruxdeeda duleed. Gabadha aad guursataa, waxay ka fikirtaa oo kaliya siday ninkeeda isugu qurxin lahayd. Xataa haddii aanay samayn is-qurxin samays ah (make-up) waxay aaminsantahay in quruxda dhabta ahi tahay tan dhaqan wanaagga, dabeecad wanaagga iyo dulqaadka.

3.      Inanta aad sheeko wadaag yeelataan waxay inta badan tix-galin gaar ah siisaa mihnaddeeda shaqo iyo higsigeeda nololeed, kuwaas oo ay ka horraysiiso xidhiidhkiinna gaarka ah, qorsheheeda mustaqbal ee maskaxdeeda ku sawiranna kama mid tihid. Gabadha aad guursataa waxa ay ahmiyad iyo danayn u haysaa xirfaddaad shaqo iyo hammigaaga nololeed, sida ay ugu hayso keedaba. Waxa kale oo ay ogtahay inaad yool leedahay waxaanay kaala shaqaysaa sidii aad wada jir ugu gaadhi lahaydeen yoolkaa isaga ah, yoolkaagu waa yoolkeeda.

4.      Inanta aad la sheekaysataa waxay qiimaysaa dhaqaalaha aad ku tari kartaa inta uu leegyahay. Gabadha aad guursataa waxay ka fikirtaa oo ay ku dadaalaysaa sidii ay kuula samayn lahayd dhaqaale aad leedihiin. Waxay aaminsantahay far kaliyi fool ma dhaqdo.

5.      Inanta aad la sheekaysataa waxay aaminsantahay inay wax walba taqaan. Gabadha aad guursataana waxay diyaar u tahay inay wax barato, mar walbana wax cusub nolosha ka barato.

6.      Inanta aad sheeko wadaag leedihiin waxay ka baqataa inay kuu sheegto oo kula wadaagto dareennadeeda hoose iyo sireheeda u gaarka ah. Gabadha aad guursataa waxay kula wadaagtaa dareennadeeda hoose iyo waxyaabaha u gaarka ah. Waxay ogtahay in daacadnimadu tahay shayga ugu qaalisan ee ay kugu kasaban karto.

7.      Inanta aad la sheekaysataakama hesho guurka iyo carruur la dhalo, xataa hadday ogtahay inay maruun dhali doonto. Gabadha aad guursataa waxay jeceshahay inay carruur dhasho iyo inay nolosha qoska kula bilawdo.

8.      Inanta aad la xidhiidh la wadaagtaa waxay muujisaa hadba meesha ay u qurux badan tahay. Gabadha aad guursataa si fiican ayaa ay isku asturtaa, waayo waxay ogtahay in jidhkeeda uu xaq u leeyahay oo kaliya inuu arko ninkeedu.

9.      Inanta sheeko idinka dhaxaysaa waxay ka khajishaa oo ay ka biyo-diiddaa inay hadyad kuu keento ama cunto macaan kuu soo kariso oo kuu keento. Gabadha aad guursataa waxay ku hammidaa sidii ay cunto dhadhan leh oo ku qancisa kuugu Karin lahayd. Waxay ogtahay in waddada loo maro qalbiga ninkeedu ay tahay calooshiisa.

10. Inanta aad xidhiidh la yeelato waxa warwar ku haya illaa inta aad sii wada socon kartaan iyo sidii ay kuu ilaashan lahayd. Gabadha aad guursataa iskuma mashquuliso sidii ay kuu ilaalin lahayd, waayo waxay ogtahay inaad u dooratay inaad mustaqbal la wadaagto

11.Inanta aad la sheekaysatay ma oggola tanaasul, haddiiba qalad kaa dhaco. Gabadha aad guursataa waxay marwalba doorbiddaa tanaasul iyo u kaadin. Waxay u aragtaa anaasulku inuu lagama maarmaan u yahay qoyskiinna.

12.Inanta aad la sheekaysataa waxay kugula socotaa hadba inta aad u soo jeeddo, haddii mashquul ku haleeo waxay u arkaysaa inaad si farsamaysan u eryayso. Gabadha aad guursataa waxay ka jawaaabtaa kalgacalka aad u qabto, waxaanay ku dadaashaa sidii ay kuugu muujin lahayd jacaylka, taageerada iyo tix-galinta aad u baahantahay ama ka rabto.

13.Inanta aad xidhiidh la samaysatay waxay isku daydaa inay ku badasho, iyada oo ku barbardhigaysa keedii hore.Gabadha aad guursataa waxay kugu oggoshahay qofka aad tahay iyo sida aad tahay, kumana barbardhigto ninkii ay hore ula soo wadaagtay xidhiidh. Waxay aaminsantahay inaad tahay qofka ugu wanaagsan. Qof kalena aanay baddali Karin si kasta oo ay iskugu daydo.

14.Inanta aad la sheekaysatay waxay marwalba u baahantahay maaweelin iyo inaad wax cusub u sheegto.Gabadha aad guursataa waa qof aad wax walaba wadaagtaan, farxad, naxdin, murugo, hawl wada qabataan, amaba aydaan waxbaba wada qaban, haddana aad sidaa raalli iskaga tihiin.

La soco…. Faraqa u dhexeeya ninka sheeko idin dhex martay iyo kan aad is guursateen.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Warsame

B.A in Journalism and Mass communication

E-mail: cbdrxmngeni@yahoo.com

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *