10 Sababood Oo Keena Caruurtu Inay Waxbarashada Nacaan

waxbarashada caruurtuWaxaa marar badan dhacda in qoysaska iyo macallimiintuba ay ka cawdaan mushkilad dunida aad ugu soo badanaysa oo ah in ardayga yari uu waxbarashada niyadda ka sii jeediyo ama uu dugsiga tegitaankiisaba naco. Qormadan oo aynu soo turjunay waxa ay khubarada arrimahan ku xeel dheeri kaga waramayaa sababaha keeni kara dhibtan, taas oo marka la garto fure u noqon karta in xalkeedana la raadiyo:

– Sababo caafimaad ama nafsiya oo ardayga soo waajaha, kuwaas oo ardayga ka hor istaagaya in uu la saaxiibo ama sheeko iyo ciyaar wadaag la noqdo ardayda wax la dhiganaysa, isaga oo ka cabsi qaba in la xaqiro ama lagu caayo ama ay dhacdaba in lagu caayo ama la xaqiro, taas awgeedna uu nacay in uu uba tago ardaydaas iyo dugsigan ay joogaan.

– Aradayga oo awoodi waaya in uu waqtigiisa uga faa’idaysto waxbarashada iyo haddana waqti firaaqo ah,  iyo isaga oo aan garanayn cid  caawisana waayey habka ugu fiican ee uu duruustiisa u xafidi karo uguna noqon karo, taasina ay ku keento niyad jab iyo in uu aamino in aanu waajibaadka culayskaa leh gudan karin. Ama in uu imtixaanka keeno dhibco ka hooseeya ardayda ay isku fasalka yihiin, taasina ay ku keento cay iyo xaqiraad.

– Carruurta qaar ayaa marka ay da’ cayiman gaadhaan ay ku beerantaa ruux xorriyad doon ah, waxa uu doonaa in uu muujiyo madax bannaanidiisa iyo in caqligiisu hagayo oo aan waalid iyo macallin beddeli karin go’aankiisa, canaadnimadaasina mararka qaarkood ayaa ay keentaa in ilmuhu uu doono inuu ka tago dugsiga.

– Dhiirri-gelin la’aan: Ilmuhu caadi ahaan ma garan karo faa’idooyinka waxbarashadu u leedahay noloshiisa, waxa aanu mar kasta dareemayaa in ay tahay hawl dhibteeda leh, marar badanna kuba culus, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in mar kasta uu waalidka ka helo dhiirri gelin nafsiya iyo in niyadda loogu dhiso in uu ku sii socdo waxbarashada, isla markaana laga caawiyo in uu la qabsado is-bedelladda waxbarashada ee hadba jiho qaadanaya inta waxbarashadu dhammaystirmayso, nafsiyanna u arko in ay tahay hawl fudud oo uu u baahan yahay in uu waqti badan maalin kasta ku qaato.

– Nidaamka iyo siyaasadda dugsiga oo soo dhoweyn waaya ardayga: Dugsiga oo aan lahayn nidaam cilmiyeysan iyo hannaan uu u maro barbaarinta ubadka oo tusaale ahaan sida marar badan dhacda uu dugsigu noqdo goob qallafsanaan badan iyo ciqaab uun lagu yaqaanno, siyaasadda uu ku socdaana tahay in ardayga oo xoog ahaan laga adkaadaa ay tahay habka waxbarasho ee ugu fiican waxa ay keentaa in ardaydu ay nacaan waxbarashada, ama ay ku tagaan niyad jab oo ay taasi ku keento saaqidnimo iyo in marka uu weynaado uu iskaga tago dugsiga.

– Noocyada ciqaabta ee dugsigu ku dhaqmo: Dugsiga oo mara nidaam ciqaabeed aan cilmiyeysnayn ama ardayda u kala aabo yeelayn xaaladahooda nafsiga ah iyo da’dooda, sida in ardayga lagu kallifo in hal laylis ama imtixaan uu dhowr jeer oo is xiga ku noqdo, xataa haddii uu qaldayo, in xiisadaha qaar fasalka dibadda looga saaro, ama in mar kasta ciqaab loogu hanjabaa waxa ay ardayga ku keenaan niyad jab iyo in waxbarashada uu ka qaato in ay tahay ciqaab iyo dagaal aanu u sii adkaysan karayn.

– Kalgacal iyo naxariis la’aan: Haddii ilmuhu uu dugsiga ka arki waayo jawi soo dhoweeya, oo ardayda iyo macallimiintaba ah, isuna arko in aanu dugsiga ka helayn ixtiraam iyo qaddarin waxaa ku dhaca sakati iyo didmo aakhirka nacsiisa dugsiga iyo wax kasta oo ku abtirsada.

– Ilmaha oo dugsiga ka waaya hiwaayaddiisa: Waxaa hubaal ah in ruux kastaa oo uu leeyahay hiwaayad u gaar ah oo uu jecel yahay in uu naftiisa ku maaweeliyo, waxa uu ardaygu u baahan yahay in hiwaayadda xun yaraanta lagaga jaro oo mid wanaagsan loogu beddelo, laakiin haddii uu dugsiga ka dareemo goob aanu ka helayn xarakaad ku filan, ciyaar ku habboon iyo in loo ogol yahay hiwaayaddiisa iyo waxa uu awoodda u leeyahay ama u diyaarsan yahay waxa ay taasi ku keenaysaa niyad jab iyo diiqad badan oo nacsiiya dugsiga.

– Layliska Shaqo guri oo lagu cusleeyo: Ilmaha oo uu dugsigu ku cusleeyo laylisyada shaqo guri ah ee laga rabo, oo uu ardaygu dareemo in aanu helayn waqti firaaqo oo u dhexeeya dugsiga iyo laylisyada shaqo guri waxa ay ku keentaa caajis iyo in uu aakhirka waajibaadkaas u gudan waayo sidii laga rabay, taasina waxa ay dhaxalsiisaa in macallinku ciqaabo, ciqaabtaas oo iyaduna aakhirka sabab u noqota in uu dugsigaba naco.

– Ardayga oo la dhegeysan waayo: Da’ kastaba ha ahaado ee ardaygu waa qof bani’aadam ah oo leh garaad iyo caqli da’diisa ku jaan go’an, waxa uu leeyahay qaab uu u fikirayo iyo aragti uu qabo, amarrada la siinayo, waajibaadka laga rabo iyo waxa loo iibinayo ama ciyaarta loo fasaxayo dhammaan aragti ayaa uu ka leeyahay, sidaa awgeed waxa uu u baahan yahay in marka hore fikirkiisa la dhegeysto waxa ka qaldanna loo toosiyo si xikmadaysan oo aanu jujuub iyo qasab ka dareemayn. Ardayga oo rayigiisa iyo cabashadiisa la dhegeysan waayo, mushkiladihiisana si uu ku qancayo loo raadin waayo iyada oo weliba xal uu ku faraxsan yahay lala doonayo waxa ay abuurtaa in ay kala fogaadaan bulshada dugsiga kula nool, aakhirkana uu jeclaysto in uu ka fogaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *