Xiriir Jaceyl Qof Kaa Fog

Waqtigan eynu ku jirno oo tiknoolojiyada aad u hormartay ayaa waxey noo fududeysay inaa la xariirno asxaab ama ehel qaraad kale ku nool. Inaa barano dad cusub, oo laga yaaba inaa jaceyl u qaadno, haa wa runtey oo dad badan ayey ku dhacdey.

Jaceylkaga haduu daganyahay meel kaa fog oo aadan had iyo goor u safri karin ama aadan awoodin la kulantid, ma sahlana sida aad u wadi laheeyd jaceylkas. Laakinse waxey ku xirantahey sida isku fahantaan oo isku xiriirisaan, qodobadan hoos ku xusan waxey kugu cawinayan inaa si sahlan xiriirkaga ka fog u adkeeysatid.

Kalsooni
Qofka la xiriireysid inaa aamintid waa muhiim, ha kula joogo ama qaarad kale haka joogee. Qofka hadadan aaminin waxa xiriir la sameysa waba qalad oo jaceylka u qaadid meel uu ku dhamanayo waad ka indha tirnaneysa.

Baro asxaabtiisa
Baro asxaabta qofka aad ka heshey inaad xiriir la sameysid, taas waxey ku sahleysa inaad waxyabaha qofkas ka qariyo aad ogaatid iyo dabcigisa bulshanimo, haduu la socdo qof kaleeto iyo xiriiradiisi hore. Ka digtoonow oo isla markiiba asxaabtiisa su’aalo ha la galin ilaa aad hanatid saaxiibtinimadooda.

Xiiriri
Markey kaa qabato oo kaliya ha wicin, ee si joogto ah u waco una xiriir qaabkey doonto ha ahaate. 2-3 jeer kamareda isku shida saa isku aragtaan. Su’aalaha ugu sahlan waxa ka mid ah, maalintaadi see aheyd? Barito maxaad qabani? su’aallo kuwaas la mid ah waxey dareynsiineysa qofka inaad aad uga fakareysid oo aad daneeysid.

Sheeko gaabeey
Iska ilaali inaad la gashid sheeko gaabey (flirting) dadka qeebtood kama helaan sheekoyinka noocaas ah oo waxey la tahay ceeb. Hadaba hubso intadaan falin.

Ha isku adkeyn
Iska ilaali inaad murantan calashaan qof aadan arkeynin maalin kasto waa fududahey saa u kala go’daan. Ereyada qeebtood waxba haka soo qaadin oo ka waani qofka haduu wax xun kugu dhaho, ama qanci hadaad wax isku af garanweysan.

Telefoon wax ima taro
Telefoon oo kaliya yeysaan kaga ekaan, oo wax raaci sida hadyado iyo wax la taaban karo. Waa laga yaaba iney waraaq boostada leyskugu diro aad is leedahey waa laga tagey, laakinsi ogow iney tahey qaab wanaagsan oo qof kugu xasuusan karo. Waxa kaloo sameyn karta inaad ubax baqshada ku ridid, ubax caag ah si uusan u qalalin, baqshad jaceyl ka muuqdana ku rid.

Jaceylkaga ha noolado
Film isla daawada adinkoo hawada ka wada hadlaya, ama musalsal la wada socda saad uga shekeysatan markad is wacdaan. Tan waxey idin sahleysa inaad jaceylkiina aad ku dhinac wadan qiso taasoo xiiso badan u yeeleysa.

Ogow waa adagtahey xiriirka fog, hadaad go’aansatay inaad sameysid u lahow dhabar adeyg iyo kalsooni ciyaarna haka dhigan, ma fiicno inaad qof qalbigiis furtid kana tagtid.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *