Xikmada Maanta Iyo Mahatma Ghandi

xikmada maanta iyo mahatma ghaandiXikmada Maanta Iyo Mahatma Ghandi

Markii uu Gandhi halgamaagii Hindiya dhiganayay Jaamacadda College of London, macalin Ingriis ah oo la odhan jiray Wilson ayaa aad u necbaa.

Maxaa yeelay Gandhi weligii madaxiisa hoos ugama dhigin marka uu isaga la hadlaayo sida aradayda kale. Mar kastana dood iyo dagaal ayaa ka dhaxasay.

Maalin isagoo Prof. Wilson ku qadaynaya hoolka jaamacadda ayuu Gandhi isaguna qadadiisa soo qaatay oo soo ag fadhiistay.

Wilson ayaa ku yidhi “ Gandhi , miyaanad ogayn in Doofaarka iyo shimbirtu aanay meel wax ku wada cunin?”

Gandhi ayaa markiiba si edeb leh u yidhi “ Ha werwerin Profossor, waan duulayaa”. Waana uu ka kacay.

Wilson oo aad Gandhi u necebaa ayaa maalin fasalka dhexdiis ku weydiiyay “ Hadii aad hesho kiish lacag ah iyo Kiisha xikmad ah keebaad qaadan lahayd?” Gandhi ayaa markiiba ku jawaabay kan lacagta ayaan qaadan lahaa.

Wilson ayaa isna ku yidhi “ Anigu xikmada ayaan qaadan lahaa” . Gandhi ayaa ku yidhi qof kastaa waxa ka maqan ee uu u baahan yahay ayuu qaataa. Ujeedaduna waa adiga xikmada ayaa kaa maqan aniga lacagta.

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *