Xikmada Maanta Ee Qurbo Magazine

In  aad ku fikirtid wax wanaagsan ayaa u fiican  jiritaankaaga. Noloshaaduna waxa ay noqonaysaa mid kuu fudud.

Hadaba halkan ka akhirso xikmada maanta!

  • Caawi dadka in ka badan inta ay kaa filayaan. Waliba caawi adiga oo jecel in aad caawisid.
  • Ha rumaysan wax kasta oo aad maqashid! Ha wada isticmaalin waxa aad haysato ee bar kaydso. Hana seexan hurdo badan oo ku seejisa dantaada.
  • Marka aad qof ku dhahaysid waan ku jeclahay, dheh adiga oo ay dhab kaa tahay.
  • Aamin in jacaylku ku dhalan karo qofka arigtada ugu horeysa!
  • Jeclow qof jacayl dhab ah xiiso badan leh. Waxa dhici karta in  qofka aad jeceshahay kaa tago. Taasna waxa aad ku dareemi kartaa nolosha dhabta ah.
  • Dadka meel hakaga dhicin oo ha caayin.
  • Si degan u hadal, laakiin si dhaqso ah u fikir.
  • Hadii uu qof ku waydiiyo su’aal aanad rabin in aad ka jawaabto, u ilka cadee oo waydii: Maxaad u rabtaa in aad arintaa ogaatid?
  • Qofka hindhisa u ducee
  • Isfahmid la’aan yari yay kaa duminin saaxiibtinimo wayn.
  • Marka aad aragtid in aad qalad gashay si dhaqso ah u sax.
  • Marka aad ka jawaabaysid telefoonka ilko cadee, qofka kula hadlayaa waxa uu maqlayaa ilko cadayntaada!
  • Waqti isa sii adiga kuu gooni ah.
  • Soo dhawee fikirka ah in aad isbedali kartid. Laakiin, ha ka tagin waxa aad aaminsantahay.
  • Xusuusnow in ay aamusnaantu mararka qaankood tahay jawaabta ugu wanaagsan.
  • Nooloow nolol wanaagsan oo qiimo leh
  • Marka aad gaboowdo xuuso wanaagii ku soo maray, si aad mar kale uga heshid dareen fiican waqtigii wanaagsanaa ee ku soo maray.
  • Aamin dadka, laakiin albaabka gurigaaga xiro.
  • Waxii aad ogtahay ee faa’iido leh u sheeg dadka kale ha kula qaybsadaan,e. Taasina waxa ay kaa dhigaysaa in aad noqoto qof waligii la xusuusto oo dad badani yaqaanaan.
  • Waligaa ha goynin xiriirka qof ku tusaya wanaag.
  • Sanakiiba u bax meel aanad waligaa arag, ha ahaato wadan kale, magaalo kale, xaafad kale, kayn kale ama duur duur kale.
  • Hadii ay ku soo gasho lacag badan, u maal gali si ay dadka u caawiso inta ay nool yihiin.
  • Isku day in aad baratid sharciyada oo dhan, oo qaarna jebi!

Check Also

halkudhegyo, hadalo xikmad leh

Halkudhegyo Laga Faaidayo Casharro Muhiim Ah Iyo Waayo-aragnimo

Duruufaha adduun ee maalinlaha ah iyo waayoaragnimada qofku korodhsanayaa waa casharo muhiim u ah nolosha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *