Xikmada Maanta ee Qurbo Magazine

Erayadan ay ku jirto xikmada wayn ayaa waxa ay tusaale u yihiin sida wanaagsan ee ku waajibta in uu qofku dadka ula dhaqmo. Erayadana waxa markii hore qoray ninka magaciisa la yiraa Dr. Kent M. Keith, waxaana lagu sii sameeyay dib u fududayn.

Hadba waa kuwan erayadii ee akhris wanaagsan:
Dadku waxa ay inta badan u dhaqmaan si aan macquul ahayn iyo dareen la´an, ayagaana iska fikira. Laakiin iska cafi.

Hadii aad naxariis badan tahay waxa laga yaabaa in ay dadu kuu arkaan qof isagu is jecel oo dan gooni ah leh, sida adiga oo raba in ay ku caawiyaan mustaqbalka. Laakiin iska  ahow qof naxariis badan.

Hadii aad tahay mid guulaysta, waxa aad heli saaxiibo aan daacad ahayn iyo cadow khatar ah. Laakiin ahow mid guulaysta.

Hadii aad tahay qof daacad ah oo wanaagsan waa laga yaabaa in ay dadku ku khayaameeyaan. Laakiin iska  ahow qof daacad ah oo wanaagsan.

Waxa aad sanado aliftay ayaa dadka qaarkood hal habeen ku dumiyaan. Laakiin iska ahow qof wax  alifa.

Hadii aad tahay qof degan oo faraxsan waxa laga yaabaa in dadka qaarkii kaa masayraan. Laakiin iska faraxsanow.

Wanaaga aad manta samaysid bari waa la ilaawayaa. Laakiin sii wad wanaag aad samaysid.

Isku day in aad samaysid inta aad awoodo, koleyba kuma wada filna baahi oo dhan,e.  Laakiin sii wad in aad samaysid inta aad awoodo.

Raga iyo dumarka aadka loo qadariyo waxa had iyo jeer dila rag iyo dumar aan aad loo qadarin.

Ugu dambayna waxa aad samaysid adiga iyo Allah idinka dhaxaysaa. Marnaba waxa aad samaysaa ma ahayn  waxa adiga iyo dadka idinka dhaxeeya.

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *