Xeerka 15 Daqiiqo

15 daqiiqo oo maalin kasta ah ayaa kaaga filan in, adiga oo aan dhib dareemin aad si aanad filayn uga midho dhaliso yoolkaaga. Tusaale ahaan 15 daqiiqo oo aad maalin kasta u gaar yeesho waxbarashada iyo diyaargarowga aad naftaada ku horumarinaysaa, waxa ay kuu suurtagelinaysaa in aad sannad gudihii ku aragto isbeddel la taaban karo.

Waxaa la mid ah in maalin kasta aad 15 daqiiqo oo keliya akhrido qoraal dhiirrigelin, xiise ama firfircooni gelinaya maskaxda, sannad gudihii waxa aad isbeddel ku arkaysaa fahamkaaga oo aad u ballaadhanaya iyo maskax furnaan weyn. Haddii aad maalin kasta 15 daqiiqo oo keliya qoraal macne leh oo hal mawduuc ku aaddan samaysana, saddex maalmood ayaad ku qori kartaa maqaal xiise leh, haddii aad sannad ururisana buug ayaad allifi kartaa.

15 daqiiqo waxa aad ku akhriyi kartaa 5 warqadood (10 bog) oo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, Kitaabka loo yaqaanno ‘Almadiina Almunawara’ iyo inta badan ee kutubta Qur’aanku waxa uu ka kooban yahay 604 bog, maalin kasta oo aad 15 daqiiqo akhridaana waxa ay kuu suurtagelinaysaa in laba bilood oo kasta aad mar dhammayso.

Xeerka 15 daqiiqo faa’idadiisu intaas oo keliya ma’aha, balse in maalin kasta aad 15 daqiiqo hawl keliya qabataa waxa ay kobcinaysaa awooddaada go’aan qaadasho, waxa aanay kor u qaadaysaa awoodda aad u leedahay xakamaynta nafta iyo Maaraynta noloshaada gaarka ah.

Maalintu waxa ay ka kooban tahay 1440 daqiiqo, sidaas awgeed 15 daqiiqo waxa ay u dhigantaa in bisha dhan aad hawshaas qabato toddoba iyo badh sacadood oo keliya. Haddii aad sannadka eegtana waxa ay noqonaysaa afar maalmood oo keliya sannadka oo dhan. laakiin daraasado iyo tijaabooyin badan ayaa muujinaya waxtarkiisa.

Xeerka 15 Daqiiqo oo laga qoray buugaag iyo maqaallo tiro badan oo faahfaahin fiican ka bixinaya, waxaa markii ugu horreysay sannadkii 2001 curiyey David Allen oo ah khabiir Maraykan ah oo cilmibaadhiso badan ku sameeyey awoodda waxsoosaar ee qofku yeelan karo.

Buuggiisa ‘Getting Things Done’ ayaa uu ku doodayaa in caqabadda ugu weyn ee waxsoosaarka qofka hor istaagtaa ay tahay dhaqaaqa koowaad iyo ku dhiirrashada, haddii uu taas ka gudbana ay u fududahay in uu sii wado hawshaas uu bilaabay.

Waxa uu ku taliyaa in sida ugu fiican ee waxsoosaarka kor loogu qaadi karaa ay tahay in shaqada loo jejebiy qaybo midkiiba 15 daqiiqo lagu dhammaystiro, tusaale ahaan 15 daqiiqo waxbarasho iyo daraasayn, 15 daqiiqo shaqada guriga, 15 daqiiqo jimicsi iwm.

Allen oo sida oo kale caan ku ah khudbado isla arrintan la xidhiidha oo uu ka jeediyo madalaha caalamiga ah, ayaa buuggiisani uu noqday aragti ama nidaam waxsoosaar, oo caalamiya, kaas oo loo yaqaanno ‘Getting Things Done (GTD)’ waxaana isticmaala malaayiin dad ah, sidao o kalana joogto ayaa loogu sii sameeyaa darasado, buugaag iyo qoraallo kale ama khudbado cilmiyana looga sameeyaa.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *