Xeelado Ninka U Suurtagelinaya Inuu Si Fiican U Qanciyo Haweeneyda

Ragga badan waxay ka walaacsan yihiin sidii ay gogosha ugu qancin lahaayeen xaasaskooda. Waxay rabaan inay si fican uga qosliyaan xaaskooda dhanka gogosha sidaas darteed waxay raadiyaan habab cusub oo kulanka uga dhigu karaan mid dareen macaan oo la xasuusto.

Haddaba tallaabooyinka halkaan ku xusan ayaa kaa dhigaya nin ku fiican kulanka gogosha oo si wacan u qanciya ooridiisa.

Erayo macaan ku xodxodo:

Erayadu waxay abuuri karaan dareemada sidaas awgeed waxaad u baahan tahay inaad ka fikirto wixii aad ku dhihi lahayd xaaskaaga. Ku xodxodo hadallo macmacaan, sida inaad u sheegto siday ugu quruxoon tahay dharka ay xiran tahay, ama inaad u sheegto qeybta kuugu soo jiidhashada badan jirkeeda ama inaad cunto karinteeda ammaanto. U sheeg sida aad ugu waalantahay jaceylkeeda aadna u jeceshahay markasta inaad laabtaada geliso,

Jamee jimicsi si aad u wanaajiso caafimaadkaaga galmada:

Waxaa jiro noocyo badan jimicsiga ka mid ah oo kordhin kara rabitaankaaga galmada. Waxay kaa dhigayaan qof jir ahaan dhisan waxayna kor u qaadayaa caafimaadkaaga galmo iyo hammaadada. Jimicsiyadaan waxaan ka mid ah socodka iyo jimicsiga kegel.
Jimicsiga Kegel wuxuu caawiyaa murqaha minka ka hooseeyo, kaadihaysta iyo malawadkaba in ay adkaadaan, wuxuu wax u taraa ragga iyo dumarka kaadida iyo shahwada ka fakato ama aan xejisan karin. Jimicsiga kegel waxaa lagu daaweeyaa biyo baxa deg dega ah. 

Ku dedaal nadaafadda:

Cadayso, qubayso islamarkaana si carfi. Is-qurxinta iyo iscarfinta waxay wanaajinayaan niyaadada iyo kalsoonidaada, xaaskana way soo jiidanayaan, dumarku aad bey u jecel yihiin udgoonka. Nadaafadda galmadu waxay hoos u dhigaysaa halista xanuunno badan. Waa inaad ku dedaadaashaa nadaafadaada maalin kasta si aadan halis ugu noqon infekshannada.

Samee horudhac:

Galmo aan horudhac lahayn waa sida casho aysan la socon wax la iskaga dejiyo. Horudhacu wuxuu jirka iyo maskaxdaba u diyaariyaa galmo. Dumarka horudhaca ayaa uga muhiimsan galmada, waxay u baahan yihiin in la shumiyo, hab la siiyo la salaaxo si loo loo soo daayo dheecannada subkiya farjiga taas muhiim u ah galmo raaxo leh. Dumarku caadiyan waxay u baahan yihiin waqti ka badan kan raggu ay u baahan si dareenkoodu u kaco.

Waydii waxyaabaha ay jeceshay

Galmada ma ahan wax hal dhinac ah ama hal qof keliya uu samaynayo, waa in labada qof ay kuwada raaxaystaan kuna wada qancaan, sidaas darteed waad inaad ogaatid waxyaabaha ay jeceshahay xaaskaaga iyo qaababka ay ka hesho in loogu raaxeeyo.

U hadiyee dharka hoosta laga xirto:

Ka cajabi xaaskaaga oo iyadoo aan ogayn u soo iibi dharka hoosta laga xirto weliba midabka ay ugu jeceshahay kadibna hadyad uga dhig xilliga galmada. Tani waa mid ka mid ah hababka ugu fiican ee aad kaga cajabin karto xaaskaaga xilliga galmada kulankana aad uga dhigi karto mid wax badan la xasuusnaado

Isku day qaababka kala duwan

Qaababka kala duwan oo galmada loo sameeyaa waxay u yeeshaa dhadhan fiican. Haddii aad hal qaab kaliya u samayn jirtay galmada hadda kadib tijaabi qaabab kale. Waxaa jira qaabab badan oo kordhiya raaxada galmada. Ku dedaal in qaababka aad u samaynayso ay ku faraxsantahay xaaskaaga. Sidoo kale isku day in mararka qaar aad galmada ku samaysaan meelo ka baxsan qolka jiifka oo munaasab ah sida qolka fadhiga haddii aad kaligiiin tihiin.

Dheeree galmada:

Si aad uga hortagto biyo baxa deg dega ah marka aad dareento in biyaha ay kaa imaan rabaan jooji galmada, kadibna dib u biloow. Tani waa farsamo lagu daahiyo biyo baxa, markii aad doontana aad biyo baxayso. Tani waxay kaa dhigaysaa nin ku fiican kulanka gogosha, xaaskaaguna way kugu jeclaanaysaa.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *