Xawaaraha Gaadhiga Waqti Kuuma Badbaadiyo Ee Naftaadu Halligayaa!

Darawal xawaaraha xad dhaafka ahi waa dhagar aad kula kacayso naftaada, iyo nafaha gaadhiga kula saaran ama jidka maraya. Waa dembi aakhiro lagaala xisaabtamayo, adduunkana aanad garawshiyo ku helayn.

Sababta ugu badan ee darawalka ama dadka safraya ku dhiirrigeliya xawaaraha sare, waa in ay doonayaan in waqti u badbaado, in goobta ay u socdaan ay gaadhaan goor hore. Laakiin waxa ay sababtaa in gaadhigu uu shidaal badan isticmaalo, iyo in ay nafo khatar galaan. Waxa aana xusid mudan in waqtiga xawaaraha kuugu badbaadayaa uu yahay mid aad u yar oo aan u qalmin khatartaas.

Tusaale ahaan marka aad u kala safrayso laba magaalo oo isu jira 160 km, haddii aad gaadhiga ku waddo xawaare celcelis ahaan noqonayaa 120 km saacaddii, iyo haddii aad ku socoto 80 km/saacaddii, waqtiga kuu badbaadayaa waxa uu noqonayaa 40 daqiiqo oo keliya.

Haddii xawaaraha aad ku socotaa uu gaadho 100 km/saacaddiina waxaa kuu badbaadayaa waxa uu noqonayaa 16 daqiiqo oo keliya.

Shidaalka:

Dadka qaar baa aaminsan in xawaaraha sare uu shidaal yar qaato, laakiin waxa ay xeeldheereyaashu xaqiijinayaan in aanay sidaas ahayn. Kala badnaanshiyaha shidaalka ay laba gaadhi oo isku mid ahi isticmaalayaan waxa ay ku xidhan tahay qaab samayska, xajmiga ama nooca mishiinka, xaaladda waddada, dabeecadda iyo xirfadda gaadhi wadista ee darawalka, iyo sida oo kale xaaladda badqab iyo caafimaad ee mishiinka iyo guud ahaan gaadhiga.

Si kastaba ha ahaato ee mar kasta oo xawaaraha gaadhigu kordho, shidaalka uu gubayaa waa uu kordhaa, waayo waxaa kordhaya culayska shaqo ee mishiinku uu ku samaynayo xawaaraha sare. Sidaas awgeed waxaa la qiyaasaa mar kasta oo gaadhiga xawaarihiisu uu laban laab kordho in shidaalka uu gubayaa uu kordho. Tusaale ahaan marka uu ku socdo 160 km/saacaddii iyo marka uu ku socdo 80 km/saacaddii farqigu shidaalka uu isticmaalayo waxaa laga filan karaa in uu kordho boqolkiiba 20 illaa 25.

Sida ugu fiican ee shidaalka aad xawaare ugu badbaadin kartaa waa in aanad gaadhiga ku wadin geer culus ama gaabis, sida oo kalana aanad xawaare sare ku wadin ee aad dhexdhexaad u socoto.

Aragga:

Xeeldheereyaasha awoodda aragga ee indhu waxa ay xaqiijiyeen, in xawaaraha uu qofku ku socdo iyo awoodda aragtidiisu ay aad isugu xidhan yihiin, markasta oo xawaaruhu uu kordho in awoodda araggu ay hoos u dhacayso. Waxaa iyaduna jirta waqtiga ay ishu u baahan tahay in ay akhrido, kana go’aan qaadato waxa ay arkayso, iyo xawaaraha uu qofku ku socdaa in ay is diidayaan oo shaygii oo aanay weli ka go’aan qaadan uu gaadhigii gaadhi karo.

Dhinaca kalana xaaladda cimilada, ilayska iyo nooca iftiinka, tusaale ahaan haddii ay qorraxdu iftiimayso, ama hadh iyo hiimse hiimse tahay, iyo haddii laydhka gaadhiga la isticmaalayo. Waxa kale oo aragga saamayn ku leh saxmadda iyo gaadiidka ama noolaha jidka maraya, iyo deegaanku markaas sida uu yahay, tusaale ahaan abaar, cagaar, iwm.

Cabbiradda hoos ka muuqdaa waxa ay ku tusayaan hoos u dhaca aragga ku imanaya mar kasta oo uu xawaaruhu kordho:

  • Haddii aad ku socoto 40 km/s = awoodda araggu waa 100 digrii
  • Haddii aad ku socoto 70 km/s = awoodda araggu waa 75 digrii
  • Haddii aad ku socoto 100 km/s = awoodda araggu waa 45 digrii
  • Haddii aad ku socoto 1300 km/s = awoodda araggu waa 30 digrii
  • Haddii aad ku socoto 140 km/s = awoodda araggu waa 25 digrii

FG:

Waxaa intaas dheer oo khatarta sii badinaya xaaladda indhaha ama aragga ee darawalku marka horeba ku sugantahay, iyada oo inta badan aanay darawalladu kaba warqabin cabbirka indhahooda ee runta ah.

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *