Xarakaad & Ishaarooyin kuu Sahlaya Inaad Qofka Samaynaya Shucuurtiisa Fahamto

Mar kasta oo aad qof kugu cusub la kulanto waxa aad jeceshay in aad fahamto shakhsiyaddiisa iyo weliba godka ay aragtidiisu ka cabto iyo waxa uu aaminsan yahay, sidoo kale marar badan waxaa dhacda in qofka aad la kulanto, shaqo iyo si shakhsi ah midda ay doontaba ha ahaato ee, aad jeceshay in aad fahamto waxa maskaxdiisa ka dhex guuxaya. Waxaa laga yaabaa in aad is weydiiso, in waxa uu ku leeyahay uu yahay waxa run ahaan maskaxdiisa ku jira, iyo in uu yahay uun hadal uu adiga kugu qancinayo oo runtii ka fog.

Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Russia Today waxa aynu ku eegaynaa dhowr ka mid ah ishaarooyinka haddii aad ku aragto qofka aad la kulansan tahay aad macnaha badan kala dhex bixi karto:

1. Gacmaha iyo lugaha: Haddii aad aragto qofka aad la kulansan tahay oo labada gacmood ama labada lugood is weydaarsaday, waxa ay astaan cad u tahay in qofkani aanu nafsiyan diyaar u ahayn in uu aqbalo aragtida cidda ka soo horjeedda, waana  xarakaad isaga oo aan is ogeyn ay naftiisu cidda kale isagaka soocayso, maskax ahaan, iyo jidh ahaan, kana taxaddarayso in ay la qiirooto arrin aanay diyaar u ahayni n ay aqbasho.

2. Dhoolla caddayn madhan: Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa mar kale caddaysay in qofku marka uu u dhoolla caddaynayo qofka uu la fadhiyo, aanay taasi ka turjumayn shucuurtiisa dhabta ah, ama in uu aqbalay rayiga ka soo horjeeda, laakiin ay tahay keliya in uu qofkan u muujinayo niyad wanaag, ama uu niyadda u dhisayo, marar badanna waxa ay u badan tahayba in uu qofku si badheedh ah u dhoolla caddaynayo isaga oo qofkan ku raalli gelinaya, waxa aanay ka duwan tahay dhoolla caddaynta aanu ku talogelin oo inta badna lagu garto in indhaha hareerahoodu ururaan / coodh-coodh yeeshaan.

3. In qofku uu ku daydo xarakaadka qofka uu la hadlayo: Haddii aad aragto qofka oo ku dayanaya xarakaadka qofka uu la hadlayo, sidiisa gacmaha u dhaq-dhaqaajinaya ama madaxa u lulaya, waxa ay taasi caddayn u tahay in qofkani uu ogol yahay, lana dhacsan yahay aragtida qofkan la hadlaya. Tusaale ahaan waxa ay arrintain aad ah u shaqaysaa marka waxa laga wada xaajoonayaa uu yahay arrin heshiis gelaysa.

4. Qaab istaagga iyo muuqaalka duleed: Calaamadaha jidheed ee muhiimka ah in aad aad ugu fiirsato marka aad qof la kulmayso, gaar ahaan, marka ay barashadu isugu kiin horreyso qofka, waxaa ka mid ah; haddii aad qofka ku aragto sara-joog qumman oo dhabarka uu toosiyey, waxa ay ku tusaysaa awood iyo in uu yahay qof jicil in uu isagu mar kasta gacanta sare yeesho.  Haddii se’ aad aragto qofka oo garbaha inta uu hoos u dhigay, wax yar isa soo xooday, waxa ay ku tusaysaa, in uu yahay qof aan danayn badan lahayn, ama aan qiimaynayn shakhsiyaddaada ama arrinka aad kala hadlayso.

5. Eegmo dheer oo aad ku aragto qofka aad la hadlayso: Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in qofka beenta sheeayaa ama ugu yaraan arrin run ah qarinayaa ay adag tahay in uu si toos ah muddo dheer qofka indhaha u siiyo, isaga oo aan mar keliya hareeraha eegin.sidaa awgeed si aad u dareento niyadda iyo daacadnimada qofka aad la kulmayso waxa ay ku fiican tahay in aad indhaha indhaha u saarto oo aad muddo dheer ku eegto.

6. Qofka oo labada sunne kor u qaadaa waa astaan in aanu arrinka socda ku xasiloonayn: Haddii aad aragto qofka aad la hadlayso oo marka uu hadlayo sunnayaasha kor u qaadaya, waxa ay muujin kartaa in qofkaas aad la hadlaysaa aanu nafsiyan ugu raalli ahayn waxa aad kala hadlayso ama ugu yaraan xaalad aanad ogeyn awgeed aanu nafis u ahayn.

7. Madax lulista badani waa ishaaro taban: Haddii qof uun aad la hadlayso aad aragto isaga oo si aan kala joogsi lahayn madaxa kuugu ishaaraya ama kuugu tilmaamaya wax, waxa ay taasi caddayn u tahay in qofkani uu sakati iyo walbahaar nafsi ah qabo, ama ugu yaraan in uu adiga kaa shakisan yahay, oo tusaale ahaan uu is leeyahay qofkani waxa uu qawadsan yahay awooddaada iyo kartida aad u leedahay in aad fuliso waxa uu kaa rabo.

8. Qoorta oo dhidbanta ama wejiga oo urura: Haddii qofka aad sheekada wadaagaysaan ama kulan muhiim ahi idiin dhexeeyo aad ku aragto isaga oo qoortiisu sida qodinka u dhidban tahay oo aan mar keliya dhinacna u dhaqaajinayn, ama wejigiisa oo xidhan / urursan waxa ay astaan u tahay in uu diiqad nafsi ah ama warwarka iyo qulub qabo, ama ugu yaraan uu sheekada ka dhex arkay wax uu diiday.

Kamaal Marjaan

Facebook page: Kamaal Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *