Xanuunka Xaniinyo Duubadka Ama Marjiska Xaniinyaha

Xaniinyo duubadka ama marjiska xaniinyaha (Testicular torsion) waa xaalad halis oo degdeg ah waxeyna ubaahantahay wax kaqabasho si loobadbaadiyo xaniinyaha raggu isku laablaabmo sigaar ah xididda dhiigga qaada iyo xariga loo yaqaano spermatic cord, xaaladdaan waxey leedahay xanuun daran iyo barar.

Isku duubanka xiniinta waxa ay hakinaysaa qulqulka dhiigga soo gaara xaniinyaha taas oo horseedaysa in durba bararo xaniinyaha, arintaan hadan dhaqso looga hortagin keenaysa dhaawac xooggan oo gaara xaniinyaha.

Maxaa sababa xiniinyo duubad?

Labada xiniinyo ee ragga waxa ay ku dul fadhiyaan qaab dhismeed ahaan kiishka qooraha loo yaqaan, ee ka hooseeya xubinta galmada ragga, xiniinyaha oo ku dhex jira kiishka waxa jirka kale ku xira xariga loo yaqaano Spermatic cord xariggaan gudahiisa waxaa kujira xididdo, dareemayaal, vas deferens oo ah shahwa sii gudbiye, Pampiniform plexus oo ah aroorayaal yaryar oo isku tagay iyo Tunica vaginalis oo ah xuubka ku dahaaran xiniinyaha. Xiniinya duubadka waxaa loo yaqaanaa marka xariggaan uu isku duuduubmo, ka dibna joojiya qulqulka caadiga ah ee dhiigga siiya xaniinyaha.

Ilmaha yar ayaa ku dhasha mararka qaar xanuunkan xaniinyo duubadka ah, maadama aysan lahayn nudayaasha muhiimka u ah fadhiga xaniinyaha aysan wali samaysmin taas oo ka mid aha sababaha uu kuyimaado xanuunkaan.

Da’da 12-16 jirka ayaa badana wiilasha lagu arkaa xaniinyo duubadka, walaw si guud uusan xanuunkaan caan u ahayeyn.

Waxyaabaha lala xiriiryo in ay keenaan xanuunkan waxaa kamid ah:

  • Dhaawac ama jug xaniinyaha gaarta
  • Aalaamitada badan
  • Qabawga daran,
  • Taariikh hore oo xiniinyo duubad ah.

Dawaynta iyo xalka xaniinyo xanuunka uu keeno waa mid qalliin degdeg ah u baahan si mar kale xaniinyaha loogu dhajiyo kiishka qooraha.

Calaamadaha lagu garto:

Haddii calaamadhan la arko waxaa qasab ah in dhaqso looga jawaabo xanuunka xaniinyaha, si aysan u dhiman unugyada xaniinyaha maadama qulqulka dhiigga hakad ku imaanayo sidaana shaqadii xaniinyaha samaayn kuyeelanayso, calaamadaha waxaa kamid ah:

  • Hal dhinac oo qooraha ah oo si dhaqsa ah ku barara
  • Midabka jismiga qooraha oo doorsooma
  • Labada xaniinyo oo kala waynaada
  • Calool xanuun
  • Lalabbo iyo matag
  • Xummad

Dhaqtarka habdhiska kaadi mareenka ayaa hubinaya jiritaanka xiniinya duubadka hadii bukaanka calaamadaha kor ku xusan qaarkood ama idilkood lagu arko.

Waxa kale ee dhaqtarku samaynayaa baaritaan xaniinyaha iyo qooraha la xiriira isaga oo gacanta ku taabanaya hareeraha xubinka galmada, halkaas oo si rasmi ah lagu xaqiijinayo jiritaanka xanuunka.

Baaritaannada daruuriga ah waxaa kamid ah:

Baarista kaadida si Infekshan looga baaro Ultrasound: Shucaac eegtada uur kujurta ama in la adeegsao baaritaanka loo yaqaan Nuclear medicineBaxnaaninta iyo daweynta xaaladdaan

Waxaa dhici karta in aan qalliin loo baahan xaaladaha qaar, balse badana sida caadiga ah waxaa qasab noqota in duubmidda iyo isdhexgalka uu xaniinyuhu sameeyoqaab si qalliin ah lagu kala fujiyo, fogeeyo kadibna si caadi ah lagu soo celiyo shaqada xiniinta. Afar iyo labaadanka saac ee ugu horreeya ayaa ah fursadda badbaadada xaniinyaha si uusan hawlgab u noqon ama aysan qatarta caafimaad u kordhin.

Haddii ay suurogali waydo in la badbaadiyo xaniinta ama dhaawaca soo gaaray uu waynyahay waxaa la sameeyaa qalliin loo yaqaan orchiectomy oo lagu saaro mid kamid ah xaniinyaha ama labadooda.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *