Xanuunka Eernada Xudunta (Umbilical Hernia)

Xudunta waxaa mara xarigga isku xira hooyada iyo uurjiifka, xarigaan wuxuu dhexmaraa godyar oo ku yaala murqaha caloosha, inta badan godkaan wuxuu xirmaa wax yar kadib dhalmada, eernada xudunta waxay timaadaa marka aysan si buuxda uxirmin murqaha caloosha, halkaas oo ay soo riixi karaan mindhiciraha iyo cadadka ku jira caloosha.

Eernada xudunta guud ahaan waa xanuun la’aan mana sababto waxa raaxo la’aan ah. 90% eernada xudunta iyada ayaa iskeed u xiranta, laakin waxaa la aaminsan yahay hadii eernada xudunta aysan xirmin marka dhalaanku uu gaaro 5 sano in loo baahan yahay in qaliin lagu saxo.

Maxaa sababa

Eernada xudunta waxay timaadaa marka godka uu maro xariga isku xira hooyada iyo dhalaanka uusan si buuxda uxirmin marka dhalaanka uu dhasho kadib, eernada xudunta waxay inta badan ku dhacdaa dhalaanka, laakin sidoo kale waxaa lagu arki karaa dadka weyn.

Caruurta dhasha waqtigooda ka hor ama kuwa ku dhasha misaanki loogu tala galay mid ka yar ayaa halis weyn ugu jira iney lasoo deristo eernada xudunta, dadka weyn ayeey ku dhacdaa eernada xudunta hadii cadaadis ama culeys badan lasaaro qeybta tabaryar ee murqaha caloosha, waxyaabaha culeys ama cadaadis saari kara waxaa ka mid ah

  • Buurnaanta
  • Uur joogta ah
  • Uur badan oo mataano ah ama saddex
  • Dareere kabuuxsama gudaha caloosha
  • Qaliin laga maro caloosha
  • Qufac culus oo joogta ah

Waa maxay astaamaha

Badanaa eernada xudunta waxaa lagu arkaa caruurta marka uu cunugu ooynayo, qoslayo ama uu iskala jiidayo si uu u isticmaalo suuliga, calaamada sida yaryar loo arko waa barar ama wax ka soo kuusan agagaarka xudunta, waana astaan aan la arkin marka cunugu uu nasanayo.

Dadka weyn waxaa haleeli karo eernada xudunta, astaamaha waa isku mid, waana arin ubaahan daweyn

Astmaaha hoos ku qoran waxay tilmaami karaan iney xaalada khatar tahay oo ay ubaahan tahay daweyn caafimaad

  • Cunuga waxaa haayo xanuun
  • Cunugu wuu matagayaa
  • Waxa ka soo kuusan xudunta wey jilicsan tahay, barar santahay ama wey midab badal matay

Dhaqaatiirta sidee bey ku ogaan karaan

Dhaqtarka wuxuu sameynayaa wiisito si uu u ogaado in dhalaanka ama cunuga uu haleelay eeranada xudunta, sidoo kale dhaqtarka wuxuu fiirinayaa in sheelada dib loogu riixi karo caloosha iyo in kale, sidoo kale dhaqtar wuxuu wiisiteynayaa cunuga si uu u ogaado in sheelada ay ku siriq santahay xudunta, arintaan waa khatar sababtoo ah, qeybta siriqsan waxaa ka xirmi kara dhiigga.

Sidoo kale dhaqtarka waxaa laga yaabaa in dhaqtarka uu ka qaado raajo ama Ultrasound, si uu uxaqiijiyo ineysan jirin wax dhibaato keeni karo Sdidoo kale waxaa laga yaabaa inuu qaado dhiig si uu u ogaado in infekshan uu jiro iyo in kale

Dhibaatooyinka lala xiriiriyo eernada xudunta

Waa dhif in dhibaatooyin ay ka dhashaan eernada xudunta, hasayeeshee waa mid imaan karto hadii mindhiciraha ay ku siriqmaan sheelada, sababtoo ahaa waxaa yaraan karo dhiig ay heleyso qeybta siriqsan sidaasna wey ku dhiman kartaa, hadii ay dhimato qeybta siriqsan waxaa imaan karo infekshan daran.

La xiriir dhaqtar ama aad goobaha gargaarka degdega ah hadii aad isku aragtid calaamadahaan hadii aad eernada xudunta qabtid

  • Qandho
  • Calool istaag
  • Calool xanuun daran
  • Caloosha oo danqaneysa
  • Matag
  • Kalool soo kuusan ama wareegsan
  • Casaan/guduud ama caloosha oo midab badal ku dhaco

Mala hagaajin karaa eerada xudunta

Qaliin ayaa ah dawo loo soo jeediyo dadka weyn ee qaba eernada xudunta si loo xaqiijiyo ineysan dhibaato ka dhalan sheelada, tan caruurta ayada ayaa iskeed u hagaajisanta, inta aan la dooran qaliin dhaqtarka wuxuu sugayaa eernada inta ay ka noqoneyso mid

  • Wadata xanuun badan
  • Mid ka weyn 1 inji wareegeed
  • Mid aan shuuqin hal sano ka dib
  • Mid aan baabi’in mar hadii dhalaanka uu gaaray 3 ma 4 sano
  • Hadii mindhiciraha ay ku siriqmaan eeranada

Talo:

Guud ahaan tan caruurta iyada ayaa iskeeda u hagaajisanta, hadii aad umaleysid in ubadkaaga uu leeyahay eernada xudunta, fadlan lahadal dhaqtarka caruurta, raadi gargaar degdeg ah hadii ubadkaaga uu xanuun hayo, dadka weyn hadii ay qabaan eernada xudunta waxay ubaahan yihiin daryeel caafimaad

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *