Wax Ka Ogow Faaidooyinka Caafimaad Ee Baamiyaha

cilmibaadhis ay samaysay Valery Aspenas oo ah haweenay caan ka ah dalka Faransiiska oo ku takhasustay Nafaqada iyo faa’idooyinka cuntada ayaa iftiimisay in Baambiyaha ay ku jiraan maaddooyin badan oo aad ugu fiican caafimaadka qofka.

Daraasaddani waxa ay daahfurtay in Baamiyuhu uu qani ku yahay Faytamiin C, isla markaana uu si weyn u caawiyo isu-dheelli-tirka iyo nidaaminta sonkorta iyo Kalastaroolka jidhka ku jira. Daraasaddu waxa ay sheegtay in maadaama oo asiidhka Folic Acid ku badan yahay Baamiyaha uu yahay khudradaha cunistoodu aad ugu fiican tahay dumarka xilliga ay uurka leeyihiin.

Daraasaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee Sharqal Awsat waxa ay intaas ku dartay in Bamiyuhu uu u fiican yahay caafimaadka kelyaha isla markaana uu maqaarka (Jidhka) kala dagaalamo coodh-coodhka iyo astaamaha gabowga.

-Kamaal Marjaan

Check Also

lalabada aroortii, quraacda subaxdii

Sababaha Keeni Kara Lalabada Ama Yalaalugada La Dareemo Aroortii

Bismillah, Casharkeena maanta wuxuu ku saasbsan yahay arrin ku badan bulshada taasoo ku saabsan lalabada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *