Walwalka Badan: Dhibaatooyinkiisa Iyo Hababka Loo Maareeyo

Walwalku  waa xaalad caadi ah oo timaada marka uu bato culeyska iyo damaaciga naftu ku doonayso waxyaabo badan oo ay u aragto muhiim. Walwalku wuxuu yimaadaa marka waxyaabaha naftu doonayso inay ka gun gaarto uu ku adkaado ama heer quus ah ka istaagto qofka.

Warbixino lagu daabacay qaar ka mid ah jornaalada caafimaadka ayaa sheegaya, inbadan oo kamid ah bulshada wadamada horumaray ay la kulmaan xaaladdaan caafimaad. Walwalka ayaa ugu danbeyn keeni kara natiijo ah in qofku uu naftiisa halis galiyo ama uu isdilo.

Marka uu qofku kusuganyahay xaalad walwal ama walaac ah, waxaa maskaxdiisu soo daysaa hormoono kuwaaso jirka intiisa kale u ah awaamiir, hormoonada ayaa ka shaqaynaya sidii looga falcelin lahaa xaaladda walwalka keentay.

Hadii xaaladda walwalka keentay ay meesha ka baxdo jirku waxa uu ku laabanaya heer caadi ah, walwalkuna halkaas ayuu ku ekaanayaa. Balse hadii xaaladda keentay walwalka aysan meesha ka bixin waxaa sii soconaya fariimaha ay maskaxdu soo daynayso kuwaaso keenaya in jirka falcelintiisu badato walwalkuna uu sii ambaqaado.

Khatarro caafimaad ayaa ka dhalan kara walwalka hadii aan la maareeyn, waxaa kamid ah khatarahaas dhiig karka, xanuunada wadnaha, hurdo la’aan, miisaanka oo luma, dheefshiidka oo dhibaatooyin ku yimadan, murugo, xabad xanuun, garaaca wadnaha oo siyaada, qofka oo ka dhex baxa dadka intiisa kale, difaaca jirka oo ay macquul noqoto inuu si qaldan uweeraro unugyada jirka, fahanka oo luma ama daciifa, xanaaq, dulqaad la’aan, in qofka marwalba ka fakaro dhanka xun oo keliya iyo xaaladdo kale.

Waxaa wanaagsan in la maareeyo heerka walwalka si uusan u sababin ama uga sii darin khatarro caafimaad oo hor leh ama jirro.

Walwalka ayaa laga yaabaa inuu gaaro heer aad u sareeya balse waxaa mar walba sahlan in la maareeyo. Qofka walwalku lasoo darso waxaa lagama maarmaan ah inuu yareeyo heerka walwalkiisa si uu uga hortago khatarta ka dhalan karta. Waxaa jira qaabab badan oo la isaga maareyn karo walwalka iyada oo aan dhakhtar loo tagin. Balse hadii ay lagama maarmaan noqoto aragtida dhakhtar waa mid muhiimad balaaran leh . Waxaa kamid ah hababka lagu maareeyo walwalka

Dadka oo la dhexgalo:

Asxaabtaada wanaagsan oo aad badiso ku dhexjirkooda, la sheekaysigooda iyo inay mar walba tallo ku siiyaan ayaa la ogaaday inay tahay hub aan la dhayalsan karin oo lagu maareeyn karo walwalka.

Jimicsiga:

Qofka walwalku hayo waxaa lagama maarmaan ah inuu leeyahay jadwal, kaasoo uu todobaad walba ku samaynayo jimicsi. Jimicsiga ayaa ah hab aad u wanaagsan oo lagu yarayn karo walwalka.

Seexo hurdo kugu filan:

Hurdada la seexdo xili ku filan qofka, ayaa ah mid yareynaysa heerka walwalka, waxaana ay sare u qaadaysaa nasashada jirka iyo masxkaxda labadaba. Waxaa haboon inla hagaajiyo makaanka hurdada si ay hurdadu u noqoto mid raaxo badan oo wax ku ool ah.

Cun cunno dheelitiran:

cunadda u wanaagsan caafimaadka, oo aysan ku badnayn saliida iyo cusbadu, ayaa ah mid siinaysa jirka nafaqo wanaagsan, qudaarta iyo miraha ayaa ah kuwo aad loo amaanay in la joogteeyo xiliga walwalka.

Qofku inuu samaysto jadwal oo uu ku tago meelaha naftiisu jeceshahay oo dalxiiska ah ayaa ah mid u wanaagsan maskaxda, waxaa tan laga helayaa hawo gadisasho iyo inuu yaraado walwalku.

Hadii ay adagtagtahay in la maareeyo walwalka, waxaa lagama maarmaan ah oo aan la fursan karin in loo tago dhakhtar, waxaana inta badan lagu guuleystaa maareeynta walwalka iyadoo la adeegsanyo qaab daaweyn ah.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *