Walaasheyda Muslimada ah….

Walaasheyda Muslimada ah…

1. Ha barin gabadhaada sida loo ciyaaro, Bar sida Salaada loo tukado

2. Ha barin sida loo heeso, Bar sida Quraanka loo aqriyo

3. Ha ku qurxin make up badan iyadoo yar, Bar sida la isu asturo oo Xijaab loo xirto

4. Hadii lagu soo waco ama albaabka la soo garaaco ha ku oran “Hooyo ma joogto dhaha” been baad baraysaa in la sheego hadhowna kuma garaaci kartid maxaad been u sheegteen

5. Ha ku hor daawan Musalsal iyo Filimaan hana u oggolaan in ay kula daawato

6. Ha ku hadlin wax kasta marka aad asxaabtaada la sheekaysanayso caruurtaadana ku hor joogaan

7. Ha is oran way yar yihiin wax badana ma fahmayaan ee waxaa rabto ku hor samee, xaqiiqdii way garanayaan, maskaxdooduna way duubaysaa wax kasta xitaa hadii aysan hadli karin

8. Ha ku hor badalin Dharka hana isku hor qaawin mar kasta waxay u qaadanaysaa in ay caadi tahay in sidaa meel kasta lagu sameeyo

9. Iska yaree in aad ku hor isticmaasho Mobile, tablet ama laptop saacado badan, iyaguna waxay bilaabayaan in ay ku ooyaan in ay isticmaalaan mobile

10. Ka dhig gurigaaga hoy Muslim Sunadana looga dhaqmo. Tusaalaha koowaad iyo Dugsiga u horeeya ee gabadhaada waa adiga, sida aad u dhaqanto ayaa saameyn weyn ku yeelanaysaa noloshooda dambe

11. Bar Jaceylka Alle. Tus in aad jeceshahay gabadhaada oo ku kori Jaceyl & naxariis, si aysan Jaceyl been ah banaanka uga raadsan oo loo qaldin

12. Ha u oggolaan in ay Fanaanad ama Atariisho ka dhigtaan ‘role model’ qof ay ku daydaan nolosha, Bar in Dumarki dhawrsanaa ee Taariikhda Islaamka ku xusnaa ay yihiin tusaalaha ugu fiican ee Gabar Muslimad ah ku dayan karto

Xusuusnow: Waa lagu weydiinayaa wax kasta aad barto Gabadhaada Maalinta Khiyaame

Diyaariye: Farah Cawaash

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *