Waalid Wadnuhu Qallalay!

Waalidka asal ahaan Ilaahay ayaa naxariis ku beeray, si ay ugu naxariistaan una daryeelaan ubadkooda, waalidku waa kan qada si ubadkiisu u dhergo, waa kan dhib kasta ogolaada si uu dheef ugu helo ubadkiisa, waa kan dhaxanta seexda si uu dugaal u dhigo ubadkiisa, Waalidku waa kan naftiisa u hora siduu Ubadkiisa ku badbaadiyo.. Waalidku waa naftii hure, waa naxariis socota, waa daryeel joogta ah, Ubadkeennu waa Beerkeenna oo dhulka socoda..


Laakiin waxaa nolosha kolalka qaar lagu arkaa in yar oo waalidka qalbigu engegey, meeshii naxariista qallayl iyo dareen xumo iyo daryeel la’aan Ubadkiisa u gashay..Balse kolalka qaar aad ka yaabeyso qofku meesha uu bani aadam nimada kasoo gelayo iska daa waalidnimada.. Waxaa kasii daran markuu arxan darrada ku darsado, dil iyo cadaadis iyo cunfi uu kula dhaqmo ilmaha sidii weer ari cidla ka helay..


Waxaa kaloo iyana yaab leh Aayooyinka (Xaaska Aabaha) qaarkood oo ilmaha ay dhashay iyo kuwa ay aayada u tahay oo Hooyadood dhimatay ama la furay, dantuna badday iney iyada la noolaadaan, oo Rabbigii Abuurtay uga biqin Ilmaha yar ee dantu u keentay, kulana dhaqma eex iyo xin iyo naxariis darro, amase kuba dira odaga qafladda ku jira ee iyadu shukaanta u qabato..

Qisooyinkaan xanuunka badan, wexey mar walba ii sii adkaynayaan xaqiiqada aan ku qancay, mar walbana aan waalidiinta caruurta isu haya aan kula taliyo: Iney Boqol goor ka fiirsadaan Kala tagga iyagoo Ilma u dhexeeyaan, taasoo ka dhigeysa Ilmahaas kuwa dayacma oo ama agoon ama rajo noqda aabohood iyo hooyadood noolyihiin, sababtuna ay ugu badan tahay waalidiin isu sabri waayey oo dantooda keliya ka fekerey, Ilmahan dayaca gaarayana aan waxba dana ka gelayn..waxaan mar walba xusuusiyaa dhibka ay ka cararayaan dhib ka weyn oo ka kharaar iney beerayaan, oo iyagu noqonayaan kuwa ugu horreeya oo dacarteedu dhuunta jeexdo.

War waalidiinta ilmaha ilaahay kala siiyey, Hadii khilaaf soo dhex galo, Rabbigood haka baqaan, Ilmaha u dhexeeya Ha u naxaan, dhaawaca ilmahaas gaari kara iyo dayaca dib ha u eegaan, inta aaney si fudud furiinka ugu boodin.. Hadiiba furiin laga fursan waayana, aad ha uga fiirsadaan sidii ilmaha si wanaagsan loogu wada korsan lahaa, oo loogu heshiin lahaa, oo looga fududayn lahaa dhaawacyada uu kala taggu naftiisa yar u geysanayo..

W/Q: Sheikh Mohamed Idris

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *