Waad Guuleysan kartaa…

Waxaad heysataa Hadiyada ugu sareysa Dunida taasoo ah in aad nooshahay, sidaa darteed ma jirto wax aadan qaban karin

Qofna kaama joojin karo in aad riyooto ama hadaf yeelato, adiga keliya ayaa iska joojin kara in aad ka rumeyso.
Guulahaaga waxaa xadidaya kartida iyo awooda aad leedahay.

Aamin Alle. Aamin qofka aad tahay. Aamin waxa aad qaban karto.

Guushu ma aha wax si kadis ah isaga dhaca ama isaga yimaada. Adiga ayay kugu xiran tahay, adiga ayaa ka mas’uul ah.

Ha hilmaamin in aad Guuleysan karto xitaa haddii aad:

  • Isku dayday dhawr jeer hadana fashilantay,
  • Xiriir kaa xumaaday, Xil aad weyday ama Xoolo kaa khasaareen,
  • Xilli dambe aad go’aansatay,
  • Rabto in aad dib isu abaabusho,
  • Aadan hubin halki aad ka bilaabi lahayd,
  • Si kale aad u dhaqmi jirtay,
  • Dhibaato badan horay kuu soo gaartay,

Waad guuleysan kartaa mar kasta, waxaad u baahan tahay keliya Aaminaad, Aqbalid, Go’aansasho, Dadaal iyo doonid badan.

Xusuusnow: Waad ka geesisan tahay sida aad aaminsan tahay, Waad ka qiimo badan tahay sida aad u heysato, Waad ka sareysaa sida dadka kale kuu arkaan, Waad ka xoogan tahay sida aad u muuqato, Waad ka caqli badan tahay sida aad u fakirayso, Aamin Kuna kalsoonow naftaada, Alle talo saaro. Hiigso Han iyo Himilo sare, Yeelo Hal Abuur, Ku dedaal in aad wax micno leh ku soo kordhiso Aduunkan, ugana tagto Dhaxal waara.

Ka faa’iideyso fursadan dahabiga ah ee Nolosha. Ku noolow nolol nadiif ah, Alle ayaa kaa raali ahaanaya In Sha Allaah.

Allaha ku gaarsiiyo Guulaha Nolosha aad Higsaneyso kuna haminayso.

Diyaariye: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *