Waa Maxay Xiiq Dheer (Whooping Cough)?

Xiiq dheer waa infekshan si fudud ku faafa oo ku dhaca qaybta hawa mareenka. Cudurkaan wuxuu leeyahay qufac dheer oo jiidmaya kaasoo bukaanka dhib ku ah, Xiiq dheertu waxay badanaa ku dhacdaa caruurta yar yar iyo dhalinyarada difaaca jirkoodu daciifka yahay.

Cudurkaan wuxuu ahaan jiray dilaa kahor inta aan lasoo saarin tallaalka.

Astaamaha lagu garto xiiq dheerta:

Astaamaha lagu yaqaan xiiq dheertu waxay qofka kasoo muuqdaan ugu yaraan 10 maalmood gudahood. Waxaana kamid ah calaamadahaas;

  • diif sanka ka yimaada
  • sanqada oo xirmata ama caburta
  • indhaha oo casaada biyana kayimaadaan
  • qufac iyo qandho meel dhexaad ah.

Hal ama laba isbuuc kadib waxaa kasii dara calaamadihii marka hore bukaanka kasoo baxay. Xaako adag oo isku dhagan ayaana xirta hawa mareenka taasoo dhib ka dhigta qufaca.

Sidaa daraadeed hadii qufaca uu xilli dheer socdo wuxuu sababi karaa:

  • matag
  • wajiga oo casaan ama buluug noqda
  • daal fara badan
  • neefsashada oo dhib noqota
  • qufaca oo isku badala mid samaynaya cod dheer. Waana taas sababta loogu bixiyay xiiq dheer.

Maxaa sabbaba xiiq dheerta:

Xiiq dheerta waxaa sababa bagteeriya la yiraahdo Bordetella pertussis. Hadii qof qaba cudurkaan uu ku qufaco ama ku hindhiso meel dad kale joogaan wuxuu si sahlan ku qaadsiin karaa cudurka asagoo sii marsiinaay hawada.

Yaa khatar ugu jira xiiq dheerta:

Waxaa la aaminsanyahay in labo sababood awgood uu cudurkaan khatar ugu keeni karo dadka. Mida koowaad dadka markay yaraayeen qaatay tallaalka xiiq dheerta waxaa dhici karta in talaalkii uu jirkooda kabaxay maadaama ay koreen sidaa daraadeed waxay khatar ugu jiri karaan in cudurku mar labaad ku dhaco. Balse tani waxay saamayn ku yeelan kartaa dadka qaarkood.

Mida labaad caruurta aan la talaalin waxay khatar aad u wayn ugu jiraan in xiiq dheertu haleesho.

Waa maxay Dhibaatooyinka ka imaan kara cudurka xiiq dheerta:

Dhalinyarada iyo dadka waawayn badanaa way kasoo kabsadaan cudurkaan balse waxaa jiri kara aafooyin uu cudurku uga tagi karo bukaanka sida; feeraha oo dhaawacma, qabsinka caloosha, xididada dhiiga qaarkood oo dhaawacma.

Caruurta yar yar siiba kuwa da’doodu ka yartahay 6 bilood waxuu cudurkaan u gaysan karaan dhibaatooyin badan sida; niimooniya, neefsashada oo yaraata ama istaagta, nafaqo daro, qallal, iyo dhaawac maskaxiyan ah.

Caruurta kayar 6 bilood ayaa badanaa ah kuwa dhibta ugu badani kasoo gaarto cudurka xiiq dheerta.

Sidee looga hortagi karaa xiiq dheerta:

Qaabka ugu sahlan uguna fiican ee looga hortagi karo xiiq dheerta waa in la qaato tallaalka loo yaqaano pertussis vaccine,  dhakhaatiirtu waxay badanaa ku taliyaan in ilmaha laga talaalo cudurkaan inta uu yaryahay.

Tallaalkan wuxuu yeelan karaa saamayn kale taasoo ah; qandho, madax xanuun, daal, iyo xanuun yar oo laga dareemo meesha irbada lagaaga muday.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *