Waa Maxay Xanuunka Achalasia?

Waa maxay xanuunka Achalasia?

Achalasia waxa weeye xanuun ku dhaca hunguriga qaybtiisa hoose gaar ahaan muruqa kala xidha caloosha iyo hunguriga ee loo yaqaan LES (Lower Esophegeal Sphincter).

Maxaa ka si noqda muruqaas?

Muruqaas loo yaqaan LES waxa uu furmaa marka ay cuntadu dhaafayso waanuu xidhmaa markay dhaafto si aanay Acid calooshu dib ugu soo noqon hunguriga marka uu xanuunkani ku dhaco waxa uu lumiyaa kala bixii uu samaynayay markay cuntadu marayso waxaana uu waayayaa dareemasidayaashii ku keenayay inuu kala baxo .Sababaha keena badankooda lama yaqaan in kamidana waxa keena xanuunno kale oo qofka haya .

Calaamaddaha xanuunkani maxay yihiin ?

Calaamaddaha waxa ka mid ah liqitaanka oo qofka ku adkaada (Disphagia) cuntada iyo biyahaba waxaana mararka qaar dhacda inuu qofku soo celiyo wuxuu cunay wax ka mid ah saacaddo ka bacdi (Regurgitation) laabta oo xanuunta iyo miisaanka qofka uu hoos u dhaca .

Sidee loo baadhaa?

Qalabyada lagu baadho waxa kamid ah tuunbada kamarada wadata ee la yidhaahdo “Endoscopy” sidoo kale X-ray iyo qalab kaloo la yidhaahdo esophageal monometry .

Sidee loo daweeyaa ?

Dawayntu waxay u qaybsantaa qaliin iyo dawo loo qoro qofka ,dawaynta lagu bilaabo ee ugu fiicanni waa in loo sameeyo bukaanka waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (Pneumatc dilation) oo ah tuumbo la galiyo hunguriga hadhawna hawo la galiyo si ay u kala bixiso muruq hoosaadka hunguriga ee ay ku adagtahay inuu kala baxo oo 80-85 % waxtar leh ta labaadna waa in qaliin loo sameeyo sidoo kale waxa lagu mudaa (batulinum toxin) muruqaas si ay u kala bixiso qofka aan rabin (Pneumatic dilation) amaba aanay wax u tarin amaba kuwa aan lagula talin inay qaliin galaan .

Hadaad calaamadahaas isku aragto waxay tahay inaad u tagto dhakhtarka ku takhasusay habdhiska dheefshiidka”Gastroenterologist” .

Dr. Mowliid Kudar

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *