Waa Maxay Jaceyl?

Goortii gabar yar isugu geyso energy-geeda oo dhan si ay Aabaheed u dhunkato; Taasi waa Jaceyl

Goortii Xaas intay Shaah u kariso Saygeeda ka dibna kabato si ay uga dhadhamiso; Taasi waa Jaceyl

Goortii Hooyo ay siiso wiilkeeda Doolshada “Cake” ugu wanaagsan; Taasi waa Jaceyl

Goortii saaxiibkaa gacanta si adag kuu qabto si qoyaanka wadada aadan ugu siiban/kufin; Taasi waa Jaceyl

Goortii Aabe u kiciyo Qoyskiisa in ay Salaada tukadaan si uu uga badbaadiyo Naar; Taasi waa Jaceyl

Goortii Walaalkaa/Walaashaa ay ku soo wacaan kuna weydiiyaan in aad Nabad tagtay; Taasi waa Jaceyl

Goortii Farah Cawaash waqti badan ku lumiyo si uu ehelka iyo Asxaabta wax fiican ula wadaago; Taasi waa Jaceyl

Jaceylku ma aha Wiil gacanta heysta Gabar oo magaalada la wareegaya, Ma aha wiil iyo Gabar sawiro isla gala subax kasta!

Jaceylku xaqiiqdii waa magac kale oo loo yaqaan “Daryeel”

Jaceylku waa ficil; Is daryeelid, is xushmayn, wada shaqeyn, is caawin, Guri wada dhisid, ubad wada korin

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

sonkorta, mooska, timir,

Waxyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Sonkorta Lagu Beddelan Karo

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay in ay caafimaadka u daran …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *