VIDEO: Wiil Somali Ah Oo Gacantiisa Ku Naqshadeeya Boorsooyinka Xarragada

Waa qeyb cusub oo ka mid ah barnaamijka Integration ee ay daadihiso wariye Hodan Nalayeh,  Show-gaan Shaah iyo Sheeko oo aad u xiisa badan ayaa lagu soo bandhigay qodobo kala duwan waxaana ka mid ah, Wiil dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Omar Munie kaasoo naqshadeeya noocyada kala duwan ee Boorsooyinka sida kuwa iskuulka oo si casri ah loo sameeyay kuwa moobeelada la gashto iyo kuwa xarragada oo tayadoodu aad u sarrayso.

xarrago

Omar Munie ayaa sheegay in aabihiis kabaha ku samayn jiray magaalada Roma ee dalka talyaaniga. Wiilkaan ayaa sheegay inuu jeclaa oo uu ku riyoon jiray inuu noqdo naqshadeeye caalami ah, haatana waxaa ku uu  gaaray horumar  la taaban karo.

omarmunie

Wiilkaan ayaa soo dhigtay school lagu barto xarrada (fashion school) waxaana u hadda haysta dukaan wayn oo lagu magacaabo “Omar Munie Clothing” oo ku yaal wadanka Holland si online ahna caalamkoo dhan looga iibsan karo alaabta.

 

Check Also

hal-abuur, ganacsi, ganacsigaaga

4 Qaab Oo Hal-Abuurku U Caawin Karo Ganacsigaaga

Hal-abuurku wuxuu muhiim u yahay in shirkaddaadu horumar ka samayso jawi ganacsiyeedka maanta ee tartankiisu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *