Tubta Guusha

1. Awooddaada diyaargarowga iyo dhirbaaxada dagaal oo aad xoojiso

2. Xeeladda iyo tabaha cabsi gelinta cadowgaaga oo aad horumariso

3. Fulaynimada iyo u habraashada cadaawaha oo aad ka fogaato, yeelatana tab iyo xeelad aad kula noolaan karto adiga oo aan baqdin tusin, cabsina la noolayn, xitaa haddii uu kaa awood badanyahay

4. Iskaashiga iyo midnimada bulshadaada dhexdeeda ka jirta oo aad xoojiso, kana shaqayso in ay wadajir wax ku goostaan.

Libaaxa waxaa loo aqoonsanyahay boqorka habardugaag, kumannaan sanno ayaana ay dhaqannada dunida soo maray isku raacsanaayeen in uu yahay hoggaamiyaha Kaynta, laakiin, ma aha xayawaanka ugu weyn duurjoogta ama ugu dhiirran. Waxa se uu kaalintaas ku gaadhay sababahan oo aynnu ka soo xigannay Aljazeera Documentary.

1. Xoog aan laga waaqsan karin: Nabarka iyo qabashada miciyaha libaaxa ayaa la aaminsan yahay in ay yihiin kuwa ugu awoodda badan dhammaan xayawaannada.

2. Reenka (Ci’da) libaaxa ayaa iyaduna aad u xoog badan, cabsi weyn iyo argagaxna ku abuurta noolaha kale. Waxaa la qiyaasaa in awoodda reenkiisu ay gaadhsiisantahay in uu dhego beelayo qofka dhegta loo saaro dhawaqaas.

3. Waxaa iyaduna yaab leh in libaaxa uu ku yar yahay dareenka cabsida iyo fulaynimadu, xitaa marka uu ogyahay in xayawaanka uu waajahayaa uu ka awood badan yahay.

4. Waxa se intaasba ka muhiimsan, in libaaxu aanu kelidii noole ahayn oo qoysas iyo raxan-raxan uu u noolyahay, waxna u ugaadhsado. Xayawaannada la dagaalamaya iyo ugaadhaba waa uu isugu tagaa, taasina waxa ay ka caawisaa in xayawaanada kale oo dhan uu ka adkaado.

Waa sababta uu uga adkaado shabeelka oo isagu ka xeelado iyo tabo sarreeya dhinaca dagaalka, kana bootin dheer marka uu wax weerarayo. Shabeelka dabeecadihiisa waxaa ka mid ah in uu keli noole yahay oo aanu qoys ama raxan jeclayn, iyo in uu iska ururiyo ama gooni u joog ka yahay xayawaannada kale.

Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *