Tana Ma Ogtahay?

Ma ogtahay in fannaankii weynaa ee Ingiriiska u dhashay ee la odhan jiray John Lennon uu rumeysnaa in lambarka 9 uu noloshiisa raad weyn ku lahaa. Isaga iyo willkiisu waxay dhasheen 9kii October. Maamulihiisii ugu horreeyey ee uu yeesho wuxuu kula kulmay kalaabka heesaha ee Cavern ee ku yaal Liverpool 9kii November 1961. Heshiiskii ugu horreeyey ee kambaniga heesaha ee la yidhaahdo EMI uu la saxiixdo waxay ahayd 9kii May 1962 markaas oo ay kooxdiisii soo saartay heesta la yidhaahdo “Love Me Do”.

John Lennon wuxuu la kulmay gabadhiisa Yoko Ono 9kii November 1966. Gurigii ugu horreeyey ee ay iibsadaan wuxuu ku yaallay waddada West 72 ee New York. Lambarkaas 72 (7+2) marka la isku dar wuxuu noqonayaa 9. Markuu ardayga ahaa wuxuu had iyo jeer raaci jiray baska 72 (7+2) oo uu ku tegi jiray Liverpool Arts College.

Wuxuu ka sameeyey heeso “Number 9 Dream” iyo “Revolution 9” heesahaana markuu qoray wuxuu ku qoray 9 Newscastle Road, Wavertree. Waxa la dilay 8 December 1980 oo ahayd habeenimada ay soo 9kii bisha December, haddii la eego farqiga saacadaha ee u dhaxeeya New York iyo magaalada uu ku dhashay ee Liverpool waqtigu wuxuu ahaa 9kii December. Waxa la geeyey meydkiisii Roosevelt Hospital oo ku yaal Waddada Sagaalaad (Ninth Avenue).

Ma ogtahay in keligii taliyii weynaa ee dalka Talyaaniga ee la odhan jiray Bennito Mussolini uu had iyo jeer is-taaban jiray xiniinyaha. Wuxuu aaminsanaa in aan la ilaysanayn haddii uu sidaas sameeyo mar kasta.

Ma ogtahay in Suldaanka Brunei uu leeyahay qasar ka kooban 1788 qol iyo 257 musqul. Xagga hoose ee gurigaasuna waxa ku yaal meel la dhigto baabuurta oo qaadda 150 baabuur.

Ma ogtahay in John F Kennedy la aasay bilaa maskax. Maskaxdiisa waxay luntay muddadii la baadhayey dilkii loo geystay.

Ma ogtahay in nin ina boqor ah oo la yidhaahdo Hamilton (Duke of Hamilton) uu jeclaaday in loo aaso sidii boqortooyadii fircooniyiinta ee Masar oo uu bixiyey lacag dhan £11,000 oo giniga ingiriisiga ah, taasoo lacag badan ahayd berigaas, si loogu soo iibiyo naxashkii fircooniyiinta. Nasiib darro markii uu dhintay 1852kii, waxa la arkay inuu aad ugu dheer yahay naxashka markaa waxa laga jaray lugaha si naxashku u leekaado.

Ma ogtahay in Hitler hooyadii ay u tagtay dakhtar dumarka ilamaha ka soo tuura (abortion doctor) hase ahaatee halkuu lacagta ka qaadan lahaa oo uu ilmaha ka soo tuuri lahaa uu kula taliyey inay ilmaheeda haysato.

Ma ogtahay aabihii shuuciyadda ee la odhan jiray Karl Marx inaanu weligii waddanka ruushka cag dhigin. Wuxuu ku dhashay Jarmalka, wuxuu haddana u guuray Faransiiska, ka dibna wuxuu tegay waddanka ingiriiska.

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *