Talooyin Kaa Caawinaya In Battery-ga Laptop-kaaga In Mudo Ah Ku Hayo

talooyin cimriga battery-ga laptop-kaBattery-ga laptop-ka waa qalab aad u muhiim ah waliba marka uu cusub yahay laptop-ka ama battery-ga wuxuu u baahanyahay in la daryeelo oo laga warqabo halkaan waxaan idin kugu soo gudbineeynaa talooyin ka caawin kara in batter-ga computer-kaada dabka haayo in mudo ah.

Mark uu cusubyahay battery-ga

·         Markaad laptop ama battery cusub soo gado waxaa aad iyo aad loo soo jediyaa in battery-ga uu damba ku jiro mudo dhan 24 saac. Charger-gareeynta 24 saac batter-ga waxeey ka dhigeeysa mid full charge ah isla markaana wuxuu ka caawinayaa in battery-ga noloshiisa dheeraato.

·         F.G: marka uu full charger dhoho waa inaadan sugin ilaa uu battery low ka dhahaayo mar alaalo markuu gaaro rate-ka uu ubaahdo charger-ka inuu qaato ayaa muhiim ah

 

Battery-ga ka bixi computer-ka hadii in mudo aadan isticmaaleeynin

·         Hadii badanaa aad laptop-ka isticmaaleeyso asigoo kujira korontada isla markaana uu yahay full charger ama uusan aheeyn (marka uu batter-ga haleeysanyahay) batter-ga ka saar computer-ka oo si toos ah dabka kasii meesha ugu dhaw.

·         Hadii aadan qorsheeyneeynin inaad laptop-ka isticmaasho wax ka badan bil battery-ga waa inuusan ku sii jirin laptop-ka hadii xitaa computer-ka uu dansanyahay.

·         Marki aad battery-ga computer-ka ku soo celineeyso waxaa muhiim ah inta aad computer-ka isticmaalin ka hor battery-ga charger full ka dhigto.

 

Isticmaal Hibernate

Isticmaalid hibernate isticmaal inta aad isticmaali leheed sleep marki aad hibernate u dirto computer-ka wax dab ah dhan ma isticmaalaayo hadaba hadii aadan isticmaaleynin computer-ka waxaa haboon inaad hibernate y dirto.

 

Computer-ka ka fogee heerkurka

·         Battery-ga iyo computer-ka waxaa u fiican in laga fogeeyo kuleeylka sababtoo ah kuleeylka wuxuu sababa in battery-ga uu dhakhsi dhamaado.

·         Computer-ka si kuleeylka uga ilaaliso qeeybta maraxawada wixi ku aadan ka leexi si kuleeylka computer-ka ku jiro uu banaanka uga soo saaro taas cagsigeeda waxeey keeneeysa in computer-ka uu kuleelka ku laabto.

Check Also

ganacsiga, dhaqaalaha, teknoolajiyad,

Ardayda Waxbarashada Jaamacadaha Bilaabaysaa, Xisaabta Ha Ku Darsadaan Culuumta Teknoolajiyada La Xidhiidha

Teknoolajiayadu, dhaqaalaha dunida maanta waxa ay ku leedahay kaalin aasaasi ah, si joogto ahna u …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *