Taariikhdaa xusaysa Qof weliba wuxuu galay & wuxuu dhaxal uga tagay Aduunkan

Sheekh Axmed Deedat AUN wuxuu ahaa Caalin isagu wax is baray. Wuxuu caan ku ahaa la doodida baadariyaasha & kuwa diimaha kale haysta, mar kastana wuu ka guuleysan jiray. Wiilkiisa Yuusuf Deedat wuxuu ku tilmaamay, “Libaaxi Masraxa”. Wuxuu qoray in ka badan 20 Buug, in badan oo ka mid ah waxaa loo turjumay luuqado kale.

Dr. Zakir Naik wuxuu ahaa Dhakhtar Qaliinka Wadnaha oo caan ah, wuxuu heystay shaqo fiican laakiin wuu ka tagay wuxuuna ka doortay in uu Diinta u adeego, Dacwada Islaamka dadka gaarsiiyo. Waxaa sidaa sabab u ahaa oo dhiirigeliyay, aadna uu ula dhacay markuu arkay oo daawaday Sheekh Axmed Deedat. 

Maalin Dr. Zakir Naik oo ka hadlaya wuxuu yiri, “Axmed Deedat ayaa Bombay India noogu yimi, anigu waxaan u haysan jiray nin cawaandi ah oo kibir badan sababtoo ah waxaa sheekha dabeecad u ahayd in uu si kulul u hadlo runtana sheego. waxaan fursad u helay in aan la hadlo waxaana ku iri, Adeer maxaa Kibraani u tahay markaad fagaaraha ka hadlayso?”

Wuxuu ugu jawaabay, “Wiilkeygi ma ahi Kibraani waxaan ahay Halgamaa. Waxaa jira Laba Wado oo lagula dagaalamo Shaydaanka; Biyo Barakaysan ama Dab. Anigana waxaan doortay Dabka, kulaylka, in aan kula dagaalamo. Hadii qof ku qaban karo hawshaa Biyaha waa hagaag laakiin anigu waxaan doortay dabka. Wiilkeygi adigu hadii aad doorato Jileec iyo dabacsanaan oo aad natiijo ku gaari karto ku dhaqaaq oo sii wado ”

Dr. Zakir wuxuu yiri, Jawaabtaa uu i siiyay waxay gebi ahaanba bedeshay aragtidayda Sheekh Axmed Deedat, waxaan ahaa nin dhalinyaro ah, waxaana ogaaday in Sheekhu yahay nin aan isla weyni iyo kibir lahayn ee uu yahay nin u go’doomay in uu Xaqa dadka fahansiiyo, beenta iyo waxa aan jirin ee laga dhaadhiciyayna ka saaro. Aniguna maalintaa ayaan go’aan gaaray in aan isagoo kale noqo oo Hab nololeedkaygi bedelo.”

Labadooda muxaadarooyinka ay jeediyeen, Buugta ay qooreen, Doodaha ay ka qeybgaleen, Xarumaha Machadyada ay aasaaseen, Dacwada ay dadka gaarsiiyeen, safarada ay u galeen diinta darteed, waxay sabab u ahaayeen Kumanaan qof oo Muslimay, Diinta Islaamkana ku soo biiray.

Allaha u naxariisto Sheekh Axmed Deedat, Janadana Hoy uga dhigo.

Allaha Cimri dheer iyo caafimad qab siiyo Dr. Zakir Naik.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *