Calaamadaha Sonkorowga Nooca Koobaad Iyo Dadka Halista Ugu Jira

Sonkorowga nooca koobaad waa cudur  haleela ganaca sababana in aan insulin la sameyn , taas oo aan la garanayn sababta keenta, waxaa la fahansan yahay in ay ka dhalatay jawaab celis ka socota difaaaca jirka uu kala garanwaayo unugyadiisa  iyo fayrus soo weeraray jirka. Insulin waa hormoon jirka ka caawinaya in cunadda aad ka hesho tamar sida glucose, sokorta dheeraadka ah waxaa lagu keydiyaa unugyada beerka iyo kuwa murqaha, iyagoo la soo daaya markii loo baahdo.

Maxaa sababa sonkorowga nooca koobaad

Sonkorowga nooca koobaad waa cudur ku dhaca habka difaaaca jirka oo weerara unugyada ganaca kuwaas oo ah unugyada sameeya hormoonka insulin. Qofka qaba sonkorowga nooca koobaad jirkiisa masoo daayo insulin ku filan si loo xakameeyo sonkorta dhiiga.

Sababta keenta in habka difaaca jirka in uu weeraro ma ahan mid la garanaayo ilaa iyo hada .

Astaanta sonkorowga nooca koobaad

Sonkorowga nooca koowaad in qofka laga helo wey ka sahlan tahay tan qofka qaba sonkoroowga nooca labaad.  Calaamadaha soo socda waxay noqon karaan calaamadaha sonkorowga nooca koobaad

  • Gaajo
  • Harraad
  • Daal
  • Aragga oo tashwiish gala
  • Kaadi badan
  • Kabuubyo amaba dareenka oo lugaha ka taga
  • Miisaanka oo waqti gaaban ku luma

Haddii aad qabto mid ama ka badan calaamadahan, waa in aad u tagto dhakhtarkaaga.

Yaa halis ugu jira?

Waxyaabaha khatarta ah amaba keena sonkorowga nooca koobaad  fahanka laga qabo aad ayuu u yar yahay, waa sax in sonkoroowga nooca koowaad uusan ahayn cudur lakala qaado oo taabasho la isugu gudbiya sida hargabka oo kale laakiin waa mid qoto dheer lana xariira in qofka iska baaro hidda hiisa. Hadii aad leedahay qof qoyska ka tirsan oo qaba xaaladaaan, halis ayaad adigana ugu jirtaa, oo waxaa laga yaabaa in hiddahaaga ay ku jirto.

Dadka laga helo sonkoroowga nooca koowaad waxay u dhaxeeyaan da’da 11-14 sano, waxaa dhif ah in laga helo qof 40 kor u dhaafay.

Waxyaabaha saacida helista noocaan ee sokorow waxaa ka mid ah cimilada, oo loo badiya dhulalka qabow. dadka qaba unugyada qaar ayaa ayagana laga yaabaa in ay halis dheeraad ah ugu jiraan helista cudurkaan, taas oo ka dhigan in unugyadaan markii hore loo sameeyay iska caabin uu jirka kaga hortagayaay nooc fayruska kamid ah. sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in fayrus yada qaar ay ka qayb qaataan helista sokorowga noocaan.

Ugu danbeyntii, cunadda isku dheeli tiran waxay qeyb weyn ka ciyaartaa in hoos loo dhigo helista sonkoroowgaan.

 Sidee loo daryeeli karaa?

  • Qorsheynta nooca cunada
  • In la joogteeyo ka warqabka iyo baarista heerka sonkorta ee jirka
  • Jirka oo la dhiso, sida socodka oo la joogteeyo
  • Dawada in waqti lagu qaato
  •  In aad ilaaliso oo aad ka warqabtid balamada aad la ledahay dhaqtarkaaga

Ha ilaawin in sokorowga nooca 1aad la maarayn karo hadii la joogteeyo daaweynta saxda ah.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *