Siyaabaha Ninku Usoo Jiidan Karo Qalbiga Xaaskiisa

Qormadan waxan kaga hadli doona siyaabaha uu ninka xaaskiisa kusoo jiidan karo , waqtiyada xigana waxan ku eegi doonaa doorka gabadha ay ku hanan karto qalbiga seeygeeda, waana talabooyin aan isleeyahay in ay wax badan tari doonaan lamanayasha nolol wadaaga ah ama kuwa haatan guntiga dhexda kaga xiranaya in ay guri yagleelaan ama ay dhistaan insha’alaah:

1. Hadaba ninyahoow ha isku dayin waligaa inaad xaqirto xaaskaaga, waayo taasi waxay wax u dhimeysaa qalbigeeda, caqligeeda iyo shakhsiyadeeda, waxaana usii dheer inaysan ku cafinayn waligeed xita hadii ay kugu tiraahdo waan ku cafiyay, maxa yeelay dumarka dhaqsi kuma ilaabaan hadii seeygeeda uu wax u dhimo raad ayey ku yeelata, taasina waa in aad ka taxadar lahataa.

2. Xaaskaaga wanaag usamee iydana way kuu wanaag samayn taasina waxaa ka mid ah sida markay xanuunsantahay ama uur leedahay inaad u dabacsanaatid kana caawisid hawsha guriga hana moodin ka caawinta hawsha guriga in ay tahay wax hoos u dhigaya ragganimadaada ama ay waajib ay ku tahay iyada kaliya, ma ogtahay inuu Rasuulka NNKH ahaa markuu gurigiisa joogo mid u adeega xaasaskiisa.

3. Ogow waxa dunida ugu qaalisan xaskaaga agteeda waa in aad ku tiraahdo waan ku jeclahay halka raga qaar ay moodayaan in ay hoos u dhigeyso karaamadiisa iyo ninimadiisa in uu xaaskiisa u jilicsanado balse ogoow xaskaaga in ay kaga baahan tahay in aad u muujiso kalgacal saafi ah.

4. Ha kala bakhaylin hadalada macmacaan ee qalbiga soo jiita sida waxaad tahay iftiinka noloshayda, xita hadii aad ku kala maqnataan howlihiina in aad ku tiraahdo “waan kuu xiisay inta aad iga maqnayd waxa iila mid aheyd sanado”.

5. U hadiyay xaskaaga wax waliba oo aad isleedahay in ay jeclaan karto sida ubax, barafuum, cadar iyo waxi la halmaala, dharka hoosta laga xirto weliba midabada ay jeceshahay, waayo hadayaddu siduu inoo sheegay Nabigeena Muxammad NNKH waxay siyaadisaa jaceylka.

6. Marka aad wada joogtan ama aad wada hadlaysan haku mashquulin gidaarada iyo meelaha kale sida TV, moobeelka iwm, in aad eegto xaskaaga waxey door wayn ka qaadaneysa jaceylka idinka dhaxeeya waxeyna kobcisa kalgacalka iyo raxmada idinka dhexeysa , ha kala bakheylin xaaskaaga inaad eegto, eegmo ay ku jirto kalgacal iyo raxmad.

7. Ha caadeysan in aad mar waliba caraysnaato, daganaan iyo xasilooni muuji hana caroonin, maxa yeelay carada waxay aasaas u tahay kalgacal la’aanta iyo naceybka, hadii ay kugu khaldanto xaaskaga u cudur daar hana seexanin adigo u careysan, waxaadna xasuusataa wanaagii faraha badnaa ee ay kuu gashay.

8. Isku day inaad xaaskaaga amaanto, kuna mahdiso markay wax wanaagsan kuu sameyso, wuxuu yiri nabiga Muxamad NNKH qofkaan ku mahdinin dadka Ilaahay kuma mahdiyo.

9. Iska jir beenta iyo balan xumida sababtoo ah beenta waxay asaas u tahay inay dumiso guryo badan waxana ka dhasha kalsooni daro iyo xumaan balse runta oo la isku sheegaa waxey door muhiim ah ka qadaneysaa is aaminida iyo kalsoni badan oo kalgacal leh in ay idinka dhex dhalato.

10. Ra’yigeeda dhageyso oo ixtiraam ragga uma badna kuwa dhageysta xasaskooda ama talo ka qaata laakiin qasab maaha in aad qaadato taladeeda waa ruux bini’aadam ah way kula xuman karta balse muhiimadu waxa ay tahay in aad dhageysato oo aad si dagan wax isaga dhaadhicisan adigo ku dhahaaya “xabiibti aniga ma ila fiicna arintaas oo saas ayaan u sameyn karin , laakiin kaaga waa ra’yi jira oo waan ixtiraamaya inkasta oo aanan qaadaneyn macanto wan ka xumahay iga raali noqo” dareensii in aad ixtirameyso.

11. Caawi xaaskaaga oo ilowsii daalka waxa muhiim u ah xaaskaga in aad ka war qabto oo aad gacan ku siiso howlaha guriga lama huraan maaha in aad jikada la gasho ama dhulka la masaxdo waxaad ku caawin karta xaaskaaga in aad soo iibiso waxyabaha guriga looga baahan yahay, sidoo kale caruurta in aad la ogaato waxbarashadooda, xitaa in aad u beer laxawsato oo aad ku tiraahdo waad daashay wan ka xumay in aan ku caawin waayo.

ugu dambeeyntii waxan aad u rajeynaya raga Soomaaliyeedoow in aad farxad iyo wanaag intaa ka badan aad siin doontan dhigiina nolasha (xaaskiina) si aad u wadaagtan nolol farxad iyo kalsooni ku dheehan tahay

Check Also

khilaaf, isfahanka lamaanaha,

6 Qaab Oo Ninku Ku Xalin Karo Isfahmi-Waaga U Dhexeeya Isaga Iyo Xaaskiisa

Sababaha ugu badan ee muranka iyo mushkiladaha ka dhex abuura lammaanuhu waa kala duwanaanta aragtida …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *