Siyaabaha Khalka Tufaaxa Loogu Qurxiyo Jidhka Iyo Timaha

Kijooyinka guryaheenna waxaa laga helaa cuntooyin iyo walxo kala duwan oo aynu cunto ahaan u isticmaalno laakiin xeeldheereyaashu sheegaan in ay xal u yihiin dhibaatooyin caafimaad oo qofka warwar ku abuura. Warbixin aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera oo iyaduna soo xiganaysay majaladda Santeplusmag ee ka soo baxda dalka Faransiiska ayaa lagu sheegay talooyin la xidhiidha habab kala duwan oo looga faa’iiaysan karo khalka tufaaxa.

TIMAHA:

Dhibco aad u yar oo khalka tufaaxa ah ayaa ku filan in ay timaha qurxiyaan, dhalaal dabiici ahna u sameeyaan. Si aad uga faa’iidaysato laba malqacadood oo khal ah waxa aad ku dartaa litir keliya oo biyo ah, kaddibna timaha oo dhan ku qoo adiga oo sida marka la maydhayo gacanta u marmarinaya. Sida fiicani waa in aad timaha mariso kaddib marka aad shaamboo ku maydho marka koowaad. Waxa ay khubaradu sheegeen in isticmaalka sidan ahi uu timaha u fiican yahay nooc kasta oo ay yihiin engag, dufan iyo caadi.

Maqaarka:

Inta badan waxaa hurdada laga soo toosaa wejiga oo basaas iyo daal ka muuqdaan, si aad nolosha iyo dhalaalka ugu soo celiso waxa aad isticmaali kartaa in aad isku qasto laba malqacadood oo waaweyn oo khalka cad ah iyo caleenta shaaha gaar ahaan Nooca loo yaqaanno ‘Chamomile, labadaas ayaad wejiga ku maydhaysaa.
Haddii aad tahay dadka maqaarkoodu aad u engaganyahayna waxa aad ku dari kartaa biyo yar iyo saliid saytuun si uu maqaarka dux iyo qoyaan ugu sameeyo.

Soo cesho shushubnaantaada:

Dhibco yar oo khal ah ayaa kaa caawin kara in aad miisaanka saayidka ah la dagaalanto. Sababtu waa in khalku uu dedejiyo shaqada dheefsiga cuntada, iyo gubista kalooriyada. Laba malqacadood oo waaweyn oo khal ah ku dar koob biyo cad ah, kaddibna cab 10 daqiiqo ka hor inta aanad cuntada cunin.

Digniin: Haddii aad leedahay calool xanuun ama boog calooleed iska jir in aad isticmaasho khalka tufaaxa.

Bararka:

Khalkha cad iyo khal tufaaxa labaduba waxa ay xakameeyaan in ay biyuhu ku kaydsamaan ama ku hadhaan jidhka. Khalkan waxa aad ku dartaa saliid wax lagu duugo, kaddibna mari gacmaha ama lugaha bararsan, khalku waxa uu ka qayb qaadanayaa yaraynta xanuunka oo uu si dhaqso ah u dejinayo, haddii aad ku duugto meesha soo kuusantayna waa ay ka sii fiicantahay oo guntinta iyo bararka ayaa dhaqso u baaba’aya.

Af-dhaq dabiici ah:

Khalku waxa uu xal u noqon karaa urta aan fiicnayn ee afka oo uu kaxeeyo. Malqacad tufaax ah oo ku dar koob biyo ah si aad isaga yarayso asiidhkiisa, kaddibna ku luqluqo (Afka ku dhaq). Waxa uu si fudud u dilaa bakteeriyada ku jirta afka oo ka mid ah sababaha ugu badan ee xumeeya urta neefta afka.

Midab guurka maqaarka

Khalka waxaa loo isticmaalaa xaaladda ah in midabka dabiiciga ahi uu maqaarka ka tago oo afka Ingiriiska loo yaqaannaa ‘Skin Pigmentation’. Jidhku waxa uu leeyahay maaddo midabayso ah oo loo yaqaanno ‘Melanin’ waxaa sameeyo unugyo maqaarka ku jira waxa aanay soo deysaa midabka uu maqaarku leeyahay ee dabiiciga ah.
Haddii unugyadaasi ay sabab uun u yareeyaan ama u joojiyaan soo deynta maadadda Melanin, waxa dhacda in maqaarka uu ka guuro midabku sida baraska oo kale. Sida oo kale haddii unugyadaasi ay jidhkak u sii daayaan xaddi badan oo maadadan ah waxaa dhacda in jidhku uu madow sida dhuxusha ah yeesho.
Asiidha khalka iyo liin dhanaantu waxa ay ka mid yihiin hababka waxtarka u leh xakamaynta ama yaraynta xaaladdan. Waxa kale oo ay kaxeeyaan raadadka midabka dila ee ka hadha fin doobka ama marka ay qorrax badani qofka ku dhacdo.
Adiga oo cudbi isticmaalaya ayaa aad khalka si khafiif ah u marinaysaa meelaha madowgu ka fuulay jidhka, waxa aad ku deynaysaa 30 daqiiqo kaddibna waad ka maydhaysaa. Waxa se ay u baahan tahay in aad isticmaalka khalka si joogto ah muddo u waddo, laba jeer toddobaad kasta.

FIN DOOBKA

Khalku waxa uu ka mid yahay dawo guriga la tijaabiyey in ay la dagaalami karto fin doobka. Waxa uu qallajiyaa maqaarka oo uu ka saaro dufanka dheeraadka ah ee daboolaya daloollada maqaarka oo haddii ay awdmaan finanka keenaya.

Khal aad biyo yar ku khafiifisay ayaad marinaysaa wejiga meelaha fin doobku ka soo baxay adiga oo adeegsanaya cudbi, kaddibna muddo dhawr daqiiqo ah ayaa aadk u qallininaysaa ka hor inta aanad biyo cad kaga maydhin.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *