Sidee Nebigu (CSW) Awood u Siiyey Haweenka?

Guusha cajiibka ah ee Nebigu scw ku gaaray himiladiisa waa mid had iyo gooraale taariikhyahannada xiise gelisa. Muslimiin ahaan, ka sokow taageerada awood-weynaha sare, misana waxaan rumaysannahay in arrintani aysan ugu weyneyn wax yar oo ka mid ah astaamahiisa wanaagsan ee hoggaamiyenimo. Xirfaddiisii hoggaamineed ee aan caadiga ahayn darteed, Nebigu scs dadka wuxuu ku dhiirrigeliyey in ay soo raacaan dhambaalka uu sido, oo ay weliba si daacad ah isugu dhiibaan. Wuxuu si isku mid ah ula hadlay rag iyo dumar, yaryar iyo waayeel kala meeqaam duwan. Waxaan jeclaan lahaa in aan xuso qaar ka mid ah haweenka saamaynta leh ee doorka muhiimka ah buuxiyey xilliyadii aadka u qallafsanaa.

Marag-ma-doonto weeye Khadiija oo ahayd xaaskii Nebiga scw inay ahayd qofkii u horreeyey ee qaata diinta Islaamka. Waxaa xusid mudan, [Khadiijo] in ay soo jiiteen ammaanada iyo anshaxa suubban ee Nebiga scw. [Maadaamay ahayd] baayacmushtarad tadhahday, oo leh hanti aad u tiro badan, waxay iska diidday dalabyo guur oo uga yimid rag badan oo meeqaam sare leh. Si kastaba ha noqotee, iyadu waa tii soo jeedisay guur ay la wadaagto Nebiga scw. Khadiija ma ahayn oo keliya qofkii u horreeyey ee qaatay diinta Islaamka; balse waxay kale oo ahayd qoftii u horreeysey ee xoolaheeda oo dhan u dhigta u adeegidda diinta Islaamka. Markii ay Qureysh ku jeesjeesaysay Nebiga oo ay lahayd [Muxammad] waa ninka ugu saboolsan magaalada Maka, ayey [Khadiijo] usoo baxday barxadda Xaramka ee ay Qureysh isugu timi, waxayna tustay inay xoolaheeda oo dhan u hibaysey Muxammad! Khadiija waxay Nebiga u garab istaagtay sidii tiir adag oo taageero ilaa dhammaadka ?iyadoo wax kasta u huraysa diinta Islaamka.

Khadiijo keli kuma ahayn dadka diinta Islaamka awgeed wax wal u huray ee iyana waxaa jirtey Sumayyah (hooyadii Ammar) oo la soo weriyo inay tahay qofkii toddobaad ee doorta Islaamka. Judhii ay Islaamka dooratayba sayidkeedii wuxuu ku soo rogay mawjado ciqaab ah. Waxaa loo soo bandhigay ikhtiyaarka ah inay ka baxdo diinta Islaamka ama dhibaatooyin ay u dul yeelato. Iyadu waxay doorbiday tan dambe, ugu dambeyntiina nafteedii ayey ku weyday. Sidaas ayeyna ku noqotay qof shahiida midkii ugu horreeyay Islaamka.

Tusaalaha ay samaysay Sumayyah waxaa waxaa ku dayday haween ku jira dhammaan martabadaha bulshada oo lahaa duruufo kala duwan. Cumar oo Islaamnimadiisa ka hor caan ku ahaa silcinta bilaa naxariista ah ee Muslimiinta, walaashii waa ay ka hor istaagi jirtay. Ummu-Salamah iyo kuwa kaleba waxay ka mid ahaayeen dufcaddii ugu horreysay ee qaxooti ah oo uu Nebigu u diray dhulka Xabashida, iyaduna waa tan ina siisay qisada la kulankoodii boqorka, iyo sheekada waaya’aragnimadooda Ardul-Xabash.
Qixii Nebiga ee Madiina waxaa loo abaabulay loona fuliyey sidii u fiicnayd. Ma ahayn arrin rag.

Haweenku sidoo kale waxay door muhiim ah ka qaateen sir-ilaalinta, ilaa Asma iyo Aishah wakiil looga dhigay. Waxaa loo xilsaaray oo ay habayn jireen nidaamka safarka, inkasta oo Asmana ku jirtay marxalad xaamilanimo, misana waxay ka hawlgalaysay fiiqa buuro uuna ina rag u bixi karin. Labada gabdhood walow ay hanjabaadi uga timi dhanka Abu Jahal, laakiin labadooduba way diideen inay sheegaan halka ay ku sugan yihiin Nebiga iyo saaxiibbadii. Waxaa la sheegaa in haweenku aysan ragga uga dambayn dhacdooyinka ugu muhiimsan, balse aalaaba ay jiidda hore yihiin. Xitaa waxaa la dhihi karaa inay ka saamayn badnaayeen ragga marka ay arrin fulintii ku dhaqaaqaan; iyagu waxay si daacad ah isugu xilqaamaan arrinta: tani waa xaqiiqo si waadax ah loogu muujiyay sooyaalka taariikhda.

Haddii dib loo eego dhacdooyinkii is daba taxtnaa ilaa hijradii Nebiga ee Madiina, doorkii haweenka Ansaartu wuxuu noqday cadceed aanan sacabo lagu qarin; Nusaybah bint Ka’b, Um Amarah iyo Asma bint ‘Amr waxay ahaayeen jaallayaal qayb ka ahaa heshiiska Caqabah. Waxay sidoo kale ku jireen waardiyihii Islaamka ee Madiina iyaga oo fulinayay adeegyo qiimo leh ?waqtiyada dagaalka iyo nabadda.

Ummu Salamah oo markii hore u hijrootay dhulka Xabashida ayaa door la mid ah ka qaadatay hijradii ilaa Madiina. Waxay sheegtay markii ninkeedu uu u diyaar garoobay inuu Madiina u hijroodo, in iyada wiilkeeda uu saaray buurta. Laakiin tolkeed ayaa xoog ku reebay oo ka hor istaagay ninkeedu inuu kaxeeyo. Markay sidaas la kulantay, beeshii Abu Salamah waxay ku aargoosatay inay wiilkeeda kaxaysato, waxayna ku yiraahdeen haddii aan loo oggolaan inay la baxdo ninkeeda, uma oggolaan doonaan inay sii haysato wiilkooda.

Kala irdhowga saygeeda iyo wiilkeeda awgii Ummu Salamah waxay la kulantay murugo labo jibbaaran. Maalin walba way bixi jirtay oo fadhiisan jirtay halkii ay qoyskeedu ku kala tageen, ooy ku murugoon jirtay. Hal sano ka dib, qaar ka mid ah tolkeeda ayaa dhibsaday dhibaatadeeda waxayna u oggolaadeen inay la midowdo ninkeedii. Wiilkeedii waa la soo celiyey, waxayna isu diyaarisay inay keligeed gaarto safarka halista badan ee Madiina. Laakiin Cuthmaan b. Talhah oo markii dambe muslimay ayaa u naxariistay una fidiyay in ay si ammaan ah u gaadho Madiina.

Dumarku Islaamku maysan ahayn doorsoomayaal ee sida Umm Salamah ayey ahaayeen weriyeyaal, macallimiin iyo wacdiyayaal bulsho.
Iyagu isla markii ay ku qanceen xaqiiqada baaqa Islaamka waxay safka hore ka galeen diin-fidinta. Dhan kale, waxay gacan weyn ka geysteen beddelidda raggooda iyo eheladooda, kuwaas oo badankood cadowga Islaamka ahaa. Waxaa jira tusaale ahaan xaaska Ikrimah b. Abii Jahal, oo isagu jeclaa aabihii Abu Jahal, wuxuu ahaa nin si buuxda uga soo horjeeday Islaamka. Markuu Nebigu soo galay Maka isaga oo guuleystay, Ikrimah xaaskiisa ayaa Islaamtay. Kadib waxay baadi goobtay ninkeedii oo Maka ka qaxay, waxayna ku qancisay inuu Muslimo. Ilaahay mahaddii wuu Islaamay, wuxuuna ahaa nin ku dadaala difaaca dacwada Islaamka; ugu dambaynna wuu ku shahiiday isaga oo Jihaad ku jira.

Safanah bint Hatim sababteeda ayuu ku soo muslimay walaalkeed Adiyy b. Xaatim. Safanah oo maxbuus ahaan loo qaatay lana keenay magaalada Madiina ayaa fursad u heshay inay [shakhsiyadda] Nebiga si dhow u deristo. Waxay si weyn ula dhacday sharaftiisa iyo sida xurmada leh ee uu iyada ula dhaqmay. Markii ay ku laabatay gurigeeda, waxay ku qancisay walaalkeed Adiyy oo la dagaalamayey Nabiga inuu aado Madiina oo ka soo dhargo gobanimada Nebiga scw. Adiyy wuxuu qaatay talada walaashiis; isla markiina wuxuu booqday Nebiga, u kuurgalayna dabeecaddiisa, dabadeed ayuu Islaamnimada qaatay. Adiyy wuxuu qaatay inuu noqdo xiddig hoggaamiya fidinta diinta Islaamka.

Caa’ishah oo ahayd haweeneyda uu jecel yahay Nebiga (NNKH) waxay sheegtay in magaalada Madiina ay haweenku qayb ka ahaayeen dhammaan dhinacyada nolosha bulshada. Waxayna tiri, dumarku waxay ahaayeen kuwo u dhiifoon sidii macallimiinta iyo afhayeennada, iyagoo u ololeyn jirey xuquuqda jinsiyada kala duwan. Magacyadooda oo aad u fara-badan awgeed lama wada xusi karo.

Gabagabadii, hoggaamiye ahaan khusuusiyaadkii qarsoonaa ee guusha Nebiga waxaa ka mid ahaa inuu ragga iyo dumarkaba awood u siiyey inay hormuud u noqdaan halganka Islaamka. Iyagu markhaati uun ma ahayn ee waxay ahaayeen soo-warramayaal ?qaabeeya sheekada taariikhiga ah ee Islaamka. Maanta waxaa laga doonayaa bulshada muslimka ah inay xoojiyaan haweenka iyagoo raacaya ku dayashada Nebiga cs. Haddii aanan sidaa la yeelinna suuragal maaha in Islaamku horay u hinqado.

W/Q: Shaikh Ahmad Kutty
W/T: Madasha Tarjumaadda Hoobaan
Lifaaqa asalka qoraalka: https://cutt.ly/mlUtSWO

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *