Sidee Loo Doortaa Cinwaanka Buugga Qalin Jabinta (Thesis)?

Arday badan marka la gaaro sanadka udambeeya ee heerkooda kowaad ee jaamacadda waxay jahawareer kala kulmaan habka ama qaabka ay udooran lahaayen cinwaanka buugooda qalin jabinta.

Aadaba anigo taas kaduulaya ayaan waxaan jecelahay inaan idin lawadaago inta aan khibrad uleeyahy arrinta doorashada cinwaan qancin kara dadka hadhow ku dhagaysan doona adna aad kubaasi karto wax cusubna kusoo kordhin karto.

Haddaba waxaa haboon inaad su’aalahan isweydiiso inta aadan waxba bilaabin:

  1. Maxaan anigu xiiseya? xagee ku wanaagsanahay? dhinacee dhib iga soo wajahayaa hadaan aado? maadoyinkee aad ii soojitay ama aan xiiseynayay markaan xiisada kujiray?
  2. Dhib nuuce ah ayaa kajira maadada ama qaybta(feild) aanbartay? dhankee umuuqda in muhiimada kowaad lasiiyo?

Marka aad su’aalahaan kore aad kajawaabto hadana aad latashato macalimiinta iyo xubnaha kale ee qaybta aad katirsantahay dooro cinwaan aad u aragto inuu yahay midka leh mudnaanta kowaad kadib hadana isweydii su’aalahaan soosocda.

  1. Aqoon intee la eg aan uleeyahay cinwaakan? xageese wax badan oo asaga kusaabsan ka heli karaa?
  2. Maxaan ubaanahay inaan ka ogaado cinwaankan?
  3. Majiraan wax hore oo laga sameeyay cinwaankan aan doortay?

Adigoo su’aalahan si dheer uga jawaabay isla markasna samaynaaya baaritaan iyo aqris badan bal hadana iskuday inaad kuwaan kale miiska soo saarato adigoon daal muujinayn waayo wada dheer aya ku hortaal hadan si ugaaban waayo waad qalin jabin rabtaa.

  • Majiraa qof su’aalahan iiga jawaabi kara ama cinwaankan aan doortay haoray baaritaan uga sameeyay?
  • Ma ubaahanahay inaan baaritan kusameeyo qaababka uu isticmaalay?

Hadaba si aad howsha uguda gasho hadana kuwaan:-

  • Sidee qof uga jawaabi karaa su’aalaha udambeeyay? (methodology)
  • Ma jirtaa xog lagama maarmaan ah o hadda diyaar ah?
  • Maleyahay awood, waqti kufilan, kaalmo, resource si aan uguda galo maadada aan doortay ugana mira dhaliyo?
  • Ma leeyahay xirfad igu filan? haday jawaabtadu tahay maya, sideen isku soodiyaarin karaa si aan madadaaan ama cinwaankan usoo dhamaystiro? haddi aanan awoodin bilaabista cinwankan sideen su’alahaygi kore dib ugu laaban karaa?

Isweydii su’aalahaan ilaa inta aad kahelayoso cinwaanka ugu haboon kuguna haboon adiga. waxaa kaloo haboon inaad iska ilaaliso maadada ama cinwaanada doodaha badan (controversial) kugu keeni kara.

W/Q: Ahmed Ali

qayd2012@gmail.com

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *