Sidee La Iskugu Dheeli-Tiraa Shaqada Iyo Nolol Maalmeedka

Hadii aad dareemeysid iney dhib kugu tahay sidi aad uga soo bixi laheyd shaqadaada ganacsi adigoo qabanayaa shaqooyinka kale ee nolosha, ogoo kali kuma tihid arintaas.

Dad badan ayey ku adag tahay sidi ay isugu dheelitiri laheeyeen shaqada iyo nolol maalmeedka, raac qodobadaan si aad dheelitir ugu sameysid waxa aad maalin kasta qabatid iyo nolol wanaagaaga.

  • Sameyso waqti adiga kuu khaas ah

Marka aad qorsheyneysid todobaadkaaga, ku dar xili aad adiga isku qorsheysay si aad ula kulantid asxaabtaada, ama aad waqti ula qaadatid qoyskaaga.

Hadii aad todobaadkaaga uu ku jiro waqti aad u qorsheysay inaad la kulantid lamaanahaaga, waxey noqoneysaa arin aad niyada ku haysid oo aad sugeysid, waana arin kugu qasbi karta inaad xiligaas ka hor iska dhameysid howlaha lagaa sugayo si aadan u baajin balantaas. Arintaan ayaa ah mid kaa caawineyso sidi aad uga faaideysan laheyd waqtigaaga.

Haka mid noqon dadka maalin kasta kaca oo qubeysta kedibna u carara shaqada, wax yar kedibna cabasho ka keena sida aysan u heysan waqti ay wax ku qabsadaan.

  • Jooji shaqooyinka kaa qaada waqtiga iyo enerjiga

Dad badan ayaa waqtigooda ku qasaariya shaqooyin iyo dad aan faa’ido ulaheyn ayaga, sida la qaadashada waqti badan dad ka cabashada iyo xanta badan. Si aad u joojisid diiradda saar sidi aad ku ogaan laheyd shaqooyinka yaryar ee xirfadaada iyo noloshaada aan kor u qaadin, kedibna yaree waqtiga ay kaa cunaan.

Hadii aad yareysid waqtiga aad ku lumisid baraha bulshada waxaa macquul ah inaad xili hore kasoo rawaxdid shaqada, sababtoo ah waa arin aan inta badan sameyno oo naga cuno waqti badan

  • Dib uga fakar waxa aad qabaneysid

Ka fakar iney jirto si kale oo loo qaban karo waxa aad rabtid inaad qabatid ee kaa cunaya waqti badan, sida shaqooyinka guriga. Qudaarta aad rabtid makala balami kartaa qofka gada in xili kasta oo aad u baahan tahay laguugu keeno guriga, dharka aad rabtid in laguu dhaqo ama lagoo feereeyo/kaawiyadeeyo malaguugu keeni karaa guriga marka howshaas laguu qabto?

  • Dhaqaaq

Waxaa inteena badan nagu adag inaan waqti u qoondeyno jimicsiga uu jirkeena u baahan yahay, sababtoo ah waxaa inta badan buuxa jadwalkeena maalin laha, anagoo og in jimicsiga uu kor u qaado enerjiga jirka iyo awooda aan diiradda wax ku saarno.

  • Ogoow nasiino yar waxey lee dahay faa’ido badan

Ha u qaadan inaad u baahan tahay inaad noloshaada ku sameysid isbedel weyn si aad isugu dheeli tirtid noloshaada. Waxaan kugula talineynaa inaad sameysid hadaf caqli gal ah, sida inaad timaadid guriga xili hore ugu yaraan hal jeer todobaad kasta.

Xitaa maalmaha mashquulka badan waxaad naftaada siin kartaa 10 ilaa 15 daqiiqo oo aad ku sameysid waxyaabaha enerjigaaga kor uqaadi kara, sida inaad qubeysatid, akhrisid kutub ama buug, waa inaad waqti yar u qoondeysaa waxyaabaha kor u qaada farxadaada.

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *