Sidee La Iskaga Daaweyn Karaa Injirta (Lice)?

Injirta waa dulin aan noolaan karin aadanaha la’aantiis waayo waxay u baahan yihiin dhiiga aadanaha, mana awoodaan inay ku noolaadaan meel aan aadanaha jirkiisa ahayn.

Injirtu maahan sida cayayaanka kale, malahan baalal ay ku duusho lakin waxay leeyihiin 6 lugood oo meesha ugu danbaysa ku leh qodobo ay timaha ama dharka dadka ku qabsadaan.

Injirtu waxay ku dhici kartaa ama ku samaysmi kartaa qof walba lakin waxay u badantahay ciyaalka. Waxaa muhiim ah inaad ogaatid in waskhda, qubays la’aanta ama nadaafad daradu keento injirta madaxa ama tan jirka.

Injirtu waxay ku faaftaa si tar tartiib ah iyadoo iskaga gudbaysa qof qof, sababta ay ciyaalka ugu badantahay ayaa ah, caruurtu badanaa waxay jecelyihiin inay iska ag dhawaadaan sidaa daraadeed hadii mid caruurta kamida qabo waxaa injirta u fuduaanaysa inay ka tilowdo madaxa hal cunug ilaa kan ugu danbeeya, sidoo kale hadii caruurtu isla hurdaan waa sahal inay iskaga gudubto injirtu. Sidoo kale hadii la wada isticmaalo alaabaha gaarka ah sida, shanlooyinka, dharka, go’yaasha sariiraha waxaas oo dhan waa sahal in lays kugu gudbiyo injirta.

Injirta mideeda dhadig waxay maalin walba ku dhashaa madaxa qofka 3-4 ukumood ayadoo ukumaheeda dhigaysa masaafo isku jirta 4 millimitir, kadibna ukuntu waxay ku koraysaa hal isbuuc.

Injirtu waxay quudataa dhiiga aadanaha ayagoo isticmaalaya miciyahooda kadibna waxay soo daayaan dheecaan ka ilaalinaya dhiiga qofka inuu xinjiroobo, sidoo kale wuxuu dheecaankaas u sahlayaa injirta inay dhiiga si sahlan ku dhuuqdo.

Maalinkasta shan ama lix jeer ayay injirtu qofka ka dhuuqdaa dhiigiisa.

Sidee iskaga dhamayn kartaa injirta?

Waxaa jira waxyaalo badan oo aad samayn karto si’aad iskaga dhamayso dulinkan kugu dul nool

Waxaana kamid ah;

  • Kudhaq dharkaaga biyo kulul kadibna u daa ilaa cabaar si ay u dhimato
  • Badal go’yaasha sariiraha
  • U sheeg cuurta inay joojiyaan isla isticmaalka alaabaha la iskugu gudbiyo injirta
  • Ku dhaq madaxaaga biyo qandiiran oo saabuun ama shaambo leh sifiicana u xog madaxa si aad ukumaha ay madaxaaga dhigtay uga saartid madaxa
  • Hadii roog kuu yaalo ama fadhi kuu yaalo u isticmaal qalabka boorka looga qaado kadibna sifiican uga qaad boorka iyo qashinkaba.

Waa maxay khatarta ay leedahay ama keeni karto injirtu?

Injirtu waxay leedahay khataro dhawr ah oo hadaan laga hortagin dhib keeni kara;

Marka laga soo tago in ay ceeb iyo foolxumo u keento dadka qaba waxay kaloo keentaa cuduro dhawr ah sida, cudurada maqaarka qaarkood, xajiinta, iyo infekshanada qaarkood.

Injirtu waxay kaloo awoodaa inay dadka ukala gudbiso cudurada qaarkood.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *