Sida Loo Dheeraado Iyo Cuntooyinka U Fiican Kordhinta Dhererka & Joogga

Jacaylka uu aadamuhu u qabo dhererka waa arrin laga wada siman yahay rag iyo dumarba. Dadka qaar ayaa walaac ka qaba dhererkooda, waxay dareemaan khajilaad marka la weydiiyo cabbirka dhererkooda, haddii lagu foorjeeyo gaabnidoodana cuqdad ayaa gasha.

Maxaa saamayn ku leh dhererkaaga?

Gaabnida iyo dhererka waa arrin Alle u khaas ah oo hidde ahaan aad waalidkaaga uga dhaxashay.

Daraasado lagu sameeyay caruur mataano ah, saynisyahannadu waxa ku ogaadeen hidde-sideyaasha iyo sida ay u saameeyaan dhererka jirka, taas oo macnaheedu tahay haddii ilmaha mataanaha uu midkood dheer yahay in kan kalana ay u badan tahay in uu dheeraado.

Sida ay daraasaadku tilmaamayaan, ku dhowaad 60% illaa 80% farqiga u dheexaya dhererka dadka waxaa sabab u ah hidde-sideyaasha, halka 20% illaa 40% ay sabab u tahay nafaqadu.

Hormoonka korriinka ee aadamaha oo ka kooban 191 asiidhada amino, waxaa soo saara qanjidhka Bituwitary. Hormoonkani wuxuu door weyn ka qaataa koriimada, qaab dhismeedka jidhka, dheefsiga cunnada iyo cusboonaysiinta unugyada. Hormoonka korriinku wuxu ku shaqo leeyahay koriimada dhammaan nudeyaasha jidhka.

Marka uu qofku u soo dhowaado dhammaadka qaan-gaadhnimada waxaa joogsada koritaanka dhererka. Si kastaba ha ahaatee, cunista cunno caafimaad leh oo la joogteeyo waxay caawin kartaa korodhka joogga qofka.

Hadaba daryeel Magazine waxa uu halkaan ku xusayaa 7 Cunno oo u fiican kordhinta dhererka:

Cuntooyinka u fiican kordhinta dheerarka:

Midhaha raspberries:

Midhahani waxay qani ku yihiin hormoonka “melatonin” kaas oo kordhiya soo saarista hormoonka koriinka. Sida lagu arkay daraasad la sameeyay, melatonin waxa uu ka shaysiiyaa qanjidhka Bituwitary si uu soo saaro hormoonka koriinka ee caawiya kordhinta dhererka. Sidoo kale, miraha raspberries waa il hodan ku ah faytamiin C, manganese iyo ganka loo yaqaanno “dietary fibre”.

Ukunta:

Ukuntu waa cunno kale oo kobcisa soo saarista hormoonka koriinka sababtuna waa maadada “choline” ee ku jirta. Choline-tu waxay muhiim u tahay shaqada unugyada iyo samayska lafaha waxayna caawisaa kordhinta dhererka iyo awoodda qofka. Waxaa kaloo ukunta laga helaa barootiinta noocyadeeda ugu tayada fiican. Barootiintu waa curiye aasaasi u ah dhismaha murqaha iyo nudeyaasha jirka.

Caanaha:

Caanaha waxaa ku badan nafaqooyin jirku uusan ka maarmi karin sida fitamiin A, kalsiyaam, fitamiin E, fitamiin D iyo fitamiin B. Caanaha waxaa ku jira dhammaan 9-ka asiidh ee lagama maarmaanka ah ee “amino”, waana cunno laga helo barootiin dhamaystiran. Asiidhada amino ee ku badan caanaha, waxay door weyn ka ciyaaraan in jirku si dabiici ah u soo saaro hormoonka koriinka ee aadamaha.

Hilibka lo’da iyo digaagga:

Hilibku waa cunno hodan ku ah barootiin. Cunista hilibka lo’da iyo digaagga waxay caawisaa dhisidda nudeyaasha iyo murqaha waxayna dhiirrigelisaa soo saarista hormoonka koriinka ee aadamaha.

Kalluunka dufanka leh:

Kalluunka dufanka leh sida salmoonka iyo tuunaha waxaa ka buuxa barootiin iyo faytamiin D. Sida aan wada ognahay, barootiintu waa dhagaxa aas-aaska u ah dhismaha jirkeenna taas oo caawisa dhismaha nudeyaasha iyo kordhinta dhererka. Kalluunka waxaa ku jira dhammaan asiidhada muhiimka ah ee “amino” kuwaas oo kordhiya hormoonka koriinka.

Digirta sooyada:

Sooyadu waa cunno ay nafaqo ka buuxdo oo kodhin karta dhererka qofka haddii si maalinle ah loo isticmaalo sababtuna waa asiidhka amiino ee loo yaqaanno “L-arginine” ee ku jira Sooyada. Digirtani waxay kordhisaa heerka hormoonka koriinka. Sidoo kale, waxay wanaajisaa cufnaanta lafaha iyo nudeyaasha.

Lawska:

Lawska wuxuu muhiim u yahay koriimada lafaha iyo murqaha maadaama ay ka buuxaan barootiinno kala duwan. Lawsku waxaa kaloo ku jira asiidhka “gamma-aminobutyric” kaas oo dhiirrigeliya in qanjirka Bituwitary uu soo saaro hormoonka koriinka.

Akhriso: 9 Cudur Oo Lawsku Dawo Iyo Ka Hortagba U Yahay

Talooyin guud:

Joogtee jimicsiga:

jimicsigu waxa uu kordhiyaa soo saarista hormoonka koriinka, waxa uu xoojiyaa lafaha waxaana uu wanaajiyaa dheefsiga cunnada.

Iska ilaali waxyaabaha korriinka hoos u dhiga:

Sida sigaarka iyo khamriga oo la xaqiijiyay in korriinka dhererka qofka ay saameeyaan.

Ku dedaal cunno isku-dheelitiran:

Cunno isku-dheellitiran waxaa loola jeedaa, cunnaddii dabooli lahayd dhammaan nafaqada uu qofku u baahan yahay waxayna iskugu jirtaa 5 qaybood oo kala ah; furuutka, khudradda, badarka, caanaha iyo cunnooyinka laga sameeyo iyo barootiinta.

Qaab fadhigaaga iyo socodkaaga sax:

Ha noqon dadka markay fadhiyaan horay u fooraarsado ama markay socdaan goobada isku yeelo, tan waxay keenaysaa in lafdhabartaadu ay qalloocato, kadibna dheerarkaaga uu yaraado.

Seexo hurdo kugu filan:

Daraasado la sameeyay waxaa lagu arkay in qofka oo heli waaya hurdo ku filan ay yareyso heerka hormoonka koriinka.

-Hirsi Ahmed

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *