Si Fudud Uga Takhalus Madowga Indhaha Hoostooda Ku Samaysma

Madowga indhaha hoostooda ku samaysma waa cillad ay sheegtaan dad badan, taas oo u ekeysiisa kuwa daallan, da’dooda saxda ahna ka wayn. Nasiib wanaag, waxaa jira dawooyin dabiici ah oo looga takhalusi karo cilladaan, waxaana ka mid ah:

Mask-ha qajaarka iyo baradhada:

Qajaarka iyo baradhada waxay si dabiici ah u caddeeyaan maqaarka, waxayna iftiimiyaan indhaha hoostooda.

Xoq qajaarka ama baradhada, ka miir cabitaanka kadibna mari meelaha madowgu fuulay adigoo adeegsanaya cudbi jilicsan. U daa 15 daqiiqo kadibna ka biyo raaci.

Cabitaanka yaanyada iyo cabitaanka liin dhanaanta:

Yaanyada iyo liin dhanaanta labadaba waa lagu yaqaannaa inay dhalaaliyaan maqaarka. Cabitaan ka samee yaanyo bisil iyo liin dhanaanta. Baaquli nadiif ah ku shub 1 qaaddo oo cabitaanka yaanyada ah iyo 1 qaaddo oo (qaadada yar ee shaaha) oo cabitaanka liin dhanaanta ah. Si fiican iskugu qas.

Mari wajiga adigoo u deynaya muddo 15 illaa 20 daqiiqo ah. Biyo diirran ka raaci.

Saliida lawska iyo jeelka dacarta:

Saliida lawsku waxa ay hodan ku tahay faytamiin E, kaas oo nafaqeeya maqaarka jilicsan ee isha aaggeeda.

Isku dar dhowr dhibcood oo saliida lawska ah iyo jeelka dacarta oo fresh ah, kadibna si tartiib ah ugu daliig indhaha hoostooda. Ku seexo habeenkii si aad u hesho natiijo fiican.

Biyaha ubaxa (rose water) iyo caano:

Mask-ha biyaha ubaxa iyo caanaha waa xal dabiici ah oo yareeya muuqaalka madowga indhaha hoostooda fuula, maqaarka nafaqeeya. Ku bilow inaad isku darto 1 qaaddo biyaha ubaxa ah iyo 1 qaado caano ah.

Adigoo adeegsanaya farahaaga oo nadiif ah ama burush jilicsan mari mask-haan indhaha hoostooda. Marka aad mariso kadib, jiifo oo ku naso muddo 15 illaa 20 daqiiqo ah. Marka uu qallalo, waqtigana uu dhamaado, si dartiib ah wajiga biyo qabow ugu mayr.

Ugu dambeyntii dawooyinkan uu Daryeel Magazine soo gudbiyay waa kuwa dabiici ah, la awoodi karo, diyaarintooduna ay fududahay. Ku darso waxyaabaha aad sida joogtada ah ugu daryeesho jidhkaaga si ay kaaga kaxeeyaan madowga indhaha hoostooda ku samaysma.

Check Also

sida ilkaha loo cadeeyo,

Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Dhoolla caddeyntu waa qeyb shakhsiyadaada ka mid ah balse haddii ilkahaagu ay jaalle ama huruud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *