Sheeko Cajiib ah!

Wiil iyo Gabar ayaa aad isu jeclaa. Waxay ku heshiiyeen inay is guursadaan balse waa la isu diiday, lagana hor istaagay. Maadaama ay filimaan Jaceyl badan daawadeen ayna rumeysteen, waxay go’aansadeen inay Buur dheer iska soo tuuraan oo hal mar isla dhintaan!

Kolki ay buurti dusheeda yimaadeen ayay is yiraahdeen waxaan tirsaneynaa 1, 2, 3 ka dibna waa wada boodeynaa. Markay tiriyeen ayaa wiilki keliya booday, gabadhina go’aansatay inaysan boodin. 10 ilbiriqsi ka dib ayuu wiilki la soo baxay Baarashuud u qarsoonaa ka dibna si tartiib ah dhulki ugu degtay!
Haddaba, yaa wax Khiyaamay labadooda?

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *