Shan Khalad Oo Waalidku Sameeyaan

Barbaarintu waxay ka mid tahay shaqooyinka nolosha ugu muhiimsan sidoo kalena ugu adag, mar way ugu muhiimsantahayoo wuxuu Alle sw sabab kaa dhigay inaad hooyo iyo aabo aad u noqoto qaar ka mid ah dadkii uu Alle ugu talo galay inay masuul ka noqdaan koonkaan.

Mar kalena waa shaqo adag oo ubadku waa beerkaagii oo dhulka socda oo aad u ogolaatay inuu dhulka socdo, wax sahlan ma ahan markaa. Markaas ayay weliba inta uu yaryahay keliya ma ahane, hooyada iyo aabuhu ilmahooda xittaa 40 sano hadduu gaaro way walwalayaan oo way ka fakarayaan, weli waa beerkoodii oo dhulka socda. Marka waa shaqo dhinac marka laga eegana aad muhiim u ah oo sharaf badan , waadna garanaysaan manzilada iyo booska uu islaamku dhigay waalidka iyo inta xaq uu siiyay, dhanka kale marka laga eego waxaa ka ratibmaya waajibaad aad u tiro badan, waa masuuliyad aad u wayn. Caruur barbaarintu waa shaqo u baahan dedaal badan.

Waxaa jira khaladaad ay waalidku sameeyaan, hadaba muuqaalkaan hoose ka baro 5 khalad oo ay waalidku sameeyaan waxaana soo jeedinayaa ustaad Mubarak Hadi. Si aad iskaga ilaaliso khaladaadkaan soo socda marka hore waxaad u baahan tahay inaad ilmahaan si fiican u fahamto.

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *