Shaaha Qorfaha Leh: Waxtarkiisa Iyo Cilladaha Uu Uroon Yahay

Shaaha qorfaha leh:

Qorfaha oo ka mid ah dhirta udugga cunnada loo isticmaalo ayaa marka taariikhdiisa dib loo raaco ka mid ah cunnooyinka dawada ahaa muddo qarniyo ah.

Qorfaha waxaa ka buuxa walxo faaido u leh caafimaadka. Hadaba qoraalkaan waxaan soo uruurinay faaidooyinka waa weyn ee laga helo shaaha qorfaha leh, waxaana ka mid ah:

Cune xanuunka:

Qorfuhu waxa uu ka mid yahay dawo dhaqameedka ummado kala duwan oo adduunka ahi muddo qarniyaal ah soo isticmaalayeen. Waxa uu caawiyaa yaraynta kaarka iyo xanuunka ka dhasha cune xanuunka. Waxa aanu si aad ah jirka uga caawiyaa iska caabbinta hargabka. Shaaha qorfaha leh waxaa lagu dejiyaa qufaca, riiraxyada iyo cune xanuunka.

Dejinta sonkorta dhiiga:

Qorfuhu waxa uu ka mid yahay cunnooyinka ugu faaidada badan dhinaca dhimista sonkorta dhiigga. Isticmaalka qorfaha oo la joogteeyaa waxay yaraysaa sonkorta dhiigga, laakiin waxaa waajib ah qofka macaanka qabaa inta uusan qorfaha isticmaalin in uu la tashado dhakhtar takhausus ah, iyo in uusan iskii wax ka beddel ama joojin ugu samayn dawada dhakhtarku u qoro. Qorfaha shaaha ama kafeega ayaa lagu darsadaa.

Cafimaadka wadnaha:

Qorfaha waxaa ku jiro labo maaddo oo la yiraahdo “cinnamaldehyde” iyo “cinnamophilin”, oo hoos u dhigga cadaadiska dhiigga. Dadka joogteeyo isticmaalka qorfaha waxaa la arkay inuu kolestaroolkooda uusan kicin, warbixin lagu soo daabacay bogga shabakadda Mayo clinic waxay sheegtay in in qorfaha uu kala furfuro dufanka xididada fadhiisto.

Caafimaadka maskaxda:

Daraasado caafimaad ayaa daahfurtay in wax yaabaha uu ka kooban yahay geedka qorfuhu ay ka mid yihiin kuwo caafimaadka maskaxda u fiican. Xeeldheerayaasha nafaqada iyo faa’idooyinka cunnada ee arrintan u kuur galay ayaa sheegaya in qorfuhu uu ka hortag fiican u yahay xanuunno badan oo maskaxda ku dhaca sida xanuunka xusuusta lumiya ee Alzheimers, kuwaas oo inta badan soo daahira marka uu qofku weynaado. Qorfuhu wuxuu wanaajiya xasuusta iyo foojignaanta. shaaha ku darso qorfe markaa wax akhrinaysid ama xifdinaysid wuu ku caawin doonaa alle idinkii.

Caado wareerka dumarka:

Qorfaha wuxuu kontroolaa caado wareerka waxaana ku jirto maaddo ka qeyb qaadato arrintaas. Qaado nuskeed oo qorfe shiidan ku darso koob shaah ah oo cab maalin kasta hal waqti ama koob caano ah ku badalo booska shaaha. Shaaha qorfaha leh wuxuu yareeyaa xanuunka caadada la socda.

Caafimaadka mindhirrada:

Qorfaha wuxuu uroon yahay caafimaadka mindhirrada, waxaa la arkay inuu dawo u yahay xanuunka mindhicirrada kacsan (Irritable bowel syndrome). Maadada “cinnamaldehyd” ee ku jirta qorfaha waxay ka hortagta kansarka ku dhaca mindhicirrada waa wayn.

Lafo xanuunka:

Qorfaha wuxuu la dagaallamaa xanuunka roomaatiisamka, waxaa ku jira maadooyinka “cinnamic aldehyde”, “cinnamic acid” iyo “coumarin”, kuwaas oo hoos u dhiga bararka iyo xanuunka kalagoysyada.

Madax xanuunka:

Wax cilmi baarisyo la arkay in qorfuhu uu dawo ka yahay madax xanuunka iyo madax faradka (migraines). Hadii aad leedahay madax xanuun joogto ah, tijaabi shaaha qorfaha leh.

Check Also

xanuunka cirbaha, cirba xanuun, ciribta,

Xanuunka Ciribta Ee Loo Yaqaanno “Heel Spur Syndrome”: Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaali Karo

Xanuun fiiqan oo aad ka dareentid ciribta hoosteeda sidii in musmaar lagugu muday oo kale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *