Faa’iidooyinka Cambaha & Cudurada Uu La Dagaalamo

Cambaha waxa uu ka mid yahay furutada ama faakihada ugu macaan uguna nafaqada badan, waxaa loo loo yaqaannaa boqorka furutada, waxa uu leeyahay faa’iidooyin tiro badan oo caafimaad.

Waxa uu cambuhu qani ku yahay barootiin, faybar, fitamiinnada C, A, B6, K iyo maadooyinka folic acid iyo potassium.

Hadaba waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah faaidooyinka cambaha.

Xakamaynta kolestaroolka:

Cambaha waxaa ku jiro fitamiin C, faybar iyo maadada la dhaho “pectin” kuwaas oo caawiya hoos u dhigista heerka kolestaroolka. Cilmi baariyo la sameeyey ayaa isku raaceen in quudashada cuntooyinka uu ku badan yahay faybarku ay hoos u dhigaan xayrta wadnaha iyo xidida fuusha. Cambuhu Waxaa kaloo qani ku yahay maadada potassium oo ka qayb qaadata kantaroolista garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga.

Daawaynta aashitada:

Cambuhu wuxuu hodan ku yahay aashitooyinka loo yaqaanno “tartaric” iyo “malic” kuwaas oo marka ay gudaha u galaan jirka yareeya aashitada jirka, taas oo isu-dheelli-tiraysa dheecaannada jirka. Waxaa jira cuntooyin badiya aashitada caloosha, taas oo dhib ku ah dheefshiidka sidaas darteed waxaa muhiim ah in la yareeyo aashitada, cunista cambaha ayaa yaraysa dhibaatooyinka ay keento aashitada badan ee caloosha sida in jirku uu nafaqada ka nuugi waayo cunnada.

Caawinta dheefshiidka:

Cambaha waxaa ku badan faybar oo ka qayb qaataa caafimaad qabka dheefshiidka, sida ka hortagga calool istaagga iyo ladaagalanka boogaha ku dhasha caloosha iyo mindhicirada, Waxaa kaloo cambaha ku jira dhowr dheecaan burburiye kuwaas oo caawiya burburinta barootiinka iyo sonkorta.

Caafimaadka indhaha:

Cambaha waxaa ku badan fitamiin A, waxa uu caawiyaa kobcinta awoodda aragga indhaha wuxuu la dagaallamaa qallaylka indhaha, wuxuu kaloo caawiyaa indho-beelka habeenkii ee ay Soomaalidu u taqaanno “habeennada”.

Wanaajinta caafimaadka maqaarka:

Sida aan kor ku soo xusnay cambaha waxaa laga helaa fitamiinnada A iyo C kuwaas oo xoojiya caafimaadka maqaarka. Fitamiin C wuxuu caawiyaa soo saarista barootiinta collagen kaas iftiimiya maqaarka dibna u dhiga calaamadaha duqnimada sida in maqaarku kaduud yeesho. Cambuhu wuxuu kaloo u roon yahay tinta, waxa uu ka caawiyaa in jiriddooda ay adkaato.

Awoodda difaaca jirka:

Isku-darka fitamiinnada C, A iyo 25 ka mid ah maadooyinka “carotenoids” ee ku jira cambaha waxay xoojiyaan awoodda hab-dhiska difaaca jirka waxayna ka hortagaan infekshannada. Waxaa kaloo cambaha ku jira folate, Fitamiin K, Fitamiin E iyo dhowr nooc fitamiin B ah kuwaas door wayn ka ciyaara awood siinta difaaca jirka.

Caafimaad qabka wadnaha:

Cambaha waxaa ku jira macdanaha magnesium iyo potassium oo u fiican caafimaadka wadnaha. Magnesium waxay muhiim u tahay murqaha wadnaha iyo xakamaynta dhiig karka.

Akhriso: Qaababka Kor Loogu Qaado Caafimaadka Wadnaha, Cudurrada Ku Dhacana Looga Hortago

Ka hortagga kansarka:

Cambaha waxaa laga helaa walxo loo yaqaanno “polyphenols” kuwaas oo ka hortagga kansarka, waxay baabi’iyaan unugyada kansarka. Sida oo kale, cambaha waxaa ku jira maado la yiraahdo “mangiferin” taas cilmi baarisyo la sameeyay lagu arkay inay ka hortagto kansarka noocyadiisa ku dhaca naasaha iyo malawadka.

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *