Faaidooyinka Guurka Iyo Xanuunada Uu Ka Hortago

Faaidooyinka guurka:

Nebigeenna suuban NNKH wuxuu dhalinta kula taliyay inay guursadaan haddii ay awoodaan, tani waxay na tusaysaa ahmiyadda guurka iyo inaan laga maarmi karin iyo inuu leeyahay faa’idooyin badan, cudurro badanna ka hortag u yahay. Wixii diinteennu inaggu dhiirrageliso xikmad badan ayaa ku jirta.

Siduu Alle SWT ku sheegay quraankiisa, rasuulkane noo cadeeyay Guurku waa shay muhiim u ah nolosha bini’aadanka, wuxuuna isbadal jir iyo nafsi ahaanba ku sameeyaa qofka, waxaana laga helaa daganaansho, kalgacal iyo naxariis qofka ku abuuranto, wuxuu kaga badbaadaa fakarka, kalinnimada iyo kacsanaanta niyadda.

Waxaa hubaal ah gurigii ku dhisan isfahan iyo kalgacal in labada qof ee isla nool ay ka helaan farxad iyo nolol wanaag, tan oo saamayn ku yeelanayso noloshooda iyo hab dhaqankooda guud.

Waxaa jira sababo badan oo qasab ka dhigaya in qofka aad nolosha la wadaagayso si taxadar leh oo caqliyaysan aad u xulato waayo guurka fiican ee jacelyka iyo isfahamka ku dhisan wuxuu u wanaagsan yahay caafimaadka guud ee qofka, halka guurka oo qofka ka xumaada ay sababi karto qalbi jab. Go’aanka guurku waa mid ka mid ah go’aannada ugu waa wayn ee qofka bani-aadamka uu qaato inta uu noolyahay, waayo guurku waxa uu saameeyaa qofka noloshiisa oo dhan, adduunka iyo aakhiridaba.

Waxaad u baahan tahay qof aad isku qalantaan, qiyamka aad wadaagtaan kuna farxad gelin kara, Qofka aad nolosha la wadaagayso si toos ah ayuu u saamayna karaa caafimaadkaaga jireed iyo kan nafsadeed labadaba.

Daraasado la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in guurka iyo caafimaadka wadnaha uu xiriir ka dheexeeyo. Daraasad lagu sameeyay wadanka Sweden ayaa lagu arkay in dumarka aan ku faraxsanayn guurkooda ay kordhiso khatarta ay ugu jiraan wadne xanuunka, daraasad kale waxay tilmaamtay in qofka oo ku jira guur aan xasilooninayn ay taasi labo jibaarto khatarta cudurka sonkorowga. Daraasad kale waxa ay tilmaamtay in guurka farxadda leh oo sare u qaado awoodda difaaca jirka sidaas awgeedka waxa uu hoos u dhigaa khatarta wadne xanuunka. Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen, dumarka xaasleyda ah ee ku nool nolol qoysnimo oo ay saygooda farxad iyo baraare kula nool yihiin, in uu had iyo goor heerka wareegga dhiigoodu uu joogo heerkiisa dabiiciga ah taas oo yaraysa khatarta dhiig karka.

Guurka wuxuu xoojiyaa difaaca jirka wuxuu isbadal ku sameeyaaa nafsiyadda lamaanaha. Dadka isqaba ee isku faraxsan waxaa ku yaraada niyad jabka iyo wawelka, hormoonka u qaabilsan stress-ka ee Cortisol wuu yaraadaa, taasina waxay ka badbaadisaa dhibaatooyin badan. Cortisol badan oo jirku soo daayo waxay daciifisaa awoodda difaaca jirka. Dadka guurka ka daaha waxay u nugul yihiin in stress-ku ku bato taas oo waxyeellayn karta difaaca jirka

Ka hortagga cudurka kansarka

Cilmi baarayaashu waxa sheegeen in gabadha oo yaraanta ku guursata, durbana uur qaadda caruurtana nuujisa waqti ku filan ay ka badbaado kansarka naasaha ee dhaxalka ah. Gabadha haddii qoyskeedu ay dhaxal u leeyihiin kansarka naasaha oo ay guurka ka daahdo waxay khatar ugu jirtaa inuu soo degdego kansarka naasaha.

Ka hortagga balwadaha iyo caadooyinka xun xun:

Guurka oo laga daaho waxay keentaa in dhalinyaradu ay yeeshaan balwado iyagoo ka raadinaya nafis iyo madadaalo, balwadahaas waxaa ka mid ah siigada, qaadka iyo sigaarka. Guurku wuxuu dhalinta ka ilaaliyaa caadooyinka xun iyo balwadaha.

Check Also

cuntooyinka kacsiga raga,

Cunnooyinka Sare U Qaada Hamiga Jinsiga Ee Ragga

Ragga waxaa soo wajihi kara dhibaatooyin kala duwan marka laga hadlayo noloshooda galmada sida cilladaha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *