Sababaha Ninkaagu Beenta Kuugu Sheego Iyo Xeelad Aad Uga Goyn Karto

Sidee ula dhaqmaa ninka beenta badan?

Dabeecadaha ugu dhibka badan uguna adag ee gabadhu kala kulmi karto ninkeeda ayaa waxaa ka mid ah beenta badan, wey iskala noolaan kartaa daneecadihiisa kale sida in uu kulul yahay oo xanaaq dhawyahay, haweeneydu waa ay xakamayn kareysaa dabeecadaha ninkeeda waxaan ka ahayn beenta badan sababtoo ah beentu waxay keentaa maraka qaar in xiriirkii soo afjarmo oo guurkii sidaa ku burburo.

Si arrinkaa looga hortago, waxaa lagama maarmaan ah marka hore in gabadhu ogaato sababta ku kalifeyso ninkeeda inuu been u sheego, maxaa yeelay tani waxay kaa caawineysaa inaad xal uheshid su’aashaada ahayd: sideen ula dhaqmaa ninkeyga beenta badan?.

Sababaha keeno inuu ninkaaga been kuu sheego:

Si ay haweeneydu uga maaranto weydinta su’aasha ah sideen ula dhaqmaa ninkeyga beenta badan? waa inay bilowdaa inay si wanaagsan wax uga qabato dhibaatada jirto. Sidaa darteed, waxaa fiican marka hore inay gabadhu ogaato sababaha ku keen karo ninkeeda inuu been usheego.

  • Sababta koobaad waxay noqon kartaa caado uu soo bartay ilaa yaraantiisii, sababo ay kamid tahay inuu had iyo jeer ciqaab adag kala kulmi jiray barbaariyayaashiisii sida waalidkiis, macallimiintiisii iyo ehelkii soo koriyay markasta oo qalad u galo haddii uu runta sheego in la garaaci jiray si darteed uu been u sheegi jiray si aan loo garaacin.
  • Inuu ka cararaayo khilaaf ka imaan karo hadii uu runta sheego. Markan oo kale been ayuu sheegaa si uu uga fogaado inuu lugaha la galo dood, ama inlagu qayliyo gaar ahaan xiliyada uu shaqada kasoo laabto.
  • Inuusan awoodi karin inuu u adkeysto natiijada ka imaan karta qaladaadkiisa, waxaa lala xiriiriyaa midaa in shakhsiyadiisa ay daciif tahay. Sidoo kale dabeecadaan beenta ah waxay ka imaan kartaa in ninka uusan rabin inuu qaado mas’uuliyad maxaa yeelay uma baranin guurka ka hor inuu mas’uuliyadda qaladaadkiisa uu qaato.
  • Waxaa suuro gal ah in ninka uu xaaskiisa aad ujecel-yahay. Sidaa awgeed, wuxuu aaminsan-yahay hadddii uu runta u sheego xaaskiisa ay ku nacayso taasina ay horseedi karto inay xaaskiisa ka fogaato sidaas darteed wuxuu iska dayayaa inuu been ku farxad geliyo halkii haddii uu runta usheego ay caroon lahayd.

Haddaba sidee loola dhaqmaa ninka beenta badan?

Sababo kala duwan ayaa ku kallifi karo ninkaaga in uu been sheego sida kuwa aan kor kusoo xusnay, waxaa muhiim ah in gabadhu barato sababahaasi si ay ugu caawiso in uu ka takhaluso caadadaas xun. Hadaba raac qodobadaan hoos xusan si aad xal u sheshid arrinkaas

Sii xorriyad buuxdo:

Marka uu guriga ka maqanyahay oo uu la joogo asxaabtiisa kadibna ay soo wacdo xaaskiisa, waxaa dhici karto in ninka uu xaaskiisa usheego in uu weli ku sugan-yahay goobta shaqada. Mararka qaar sababtu waxay tahay inuu ninka ogyahay inay xaaskiisa doonayso inuu guriga yimaado islamarka uu shaqada ka soo baxo. Sidaa darteed marabo inuu runta usheego xaaskiisa. Marka, si ay taa ooga fogaato, gabadhu waa inay ku dadaashaa inay siiso ninkeeda xoriyad buuxdo oo ay garato inuu xaq uleeyahay inuu naftiisa kula qaato waqti guriga dibadiisa. Tani waxay dib uso nooleyneysaa dheelitirnaanta xiriirka guurka.

Ula hadal si toos ah:

Marka ay gabadhu ogaato inuu ninkeeda marar badan been sheegayo, ma aha inay is-moogaysiiso arinkaa balse waxaa fiican inay fiiro gaar ah u yeelato. Waxaa u fududeyn karo taa inay ula hadasho ninkeeda qaab deggan oo ay weydiiso sababta ku kalifeyso inuu been sheego isagoo runta awooda. Sidoo kale waa inay gabadhu ka codsato ninkeeda inuu kala hadlo arrimihiisa oo dhan si buuxda oo uusan waxbo qarin, iyadoo xoojineyso in runta iyo xaqiiqada ay farxad geliyaan oo ay ka yeelaan inay si weyn ugu kalsoonaato ninkeeda, beentuna ay ka careysiiso.

Ku tababbar inuu runta sheego:

Haddii gabadhu jawaab u raadinayso su’aasha ah: sideen ula dhaqmaa saygayga beenta badan waxaa muhiim ah inay gabadhu ku qanciso ninkeeda in beentu inay tahay caado xun islamarkaana loo baahan yahay inuu iska gooyo iyaduna ay arrintaa ku garab istaagayso.

Hadday dareento inuu been ugu jawaabaayo su’aasheeda, waa inay tustaa inay ka shakisantahay runtiisa oo ay ku qasabtaa inuu ka laabto beenta uu sheegay. Sidaa awgeed, markuu waqti kasoo wareego wuxuu dareemi doonaa in beenta ay khalad tahay runtuna ay tahay tan ugu fiican.

Waxay sidoo kale gabadhu kula talin kartaa saygeeda inuu kaashado dhakhtar ku takhasusay cilmu-nafsiga (Psychologist), si uu uga caawiyo inuu ka takhaluso caadadaan xun ee been sheegista ah, iyada oo raaceyso talooyinkan ee sida fudud loo fulin karo.

-Hirsi Ahmed

Check Also

qalbiga gabadha, jacayl, gabar,

Furayaasha Qalbiga Gabadha & Sida Jaceyl Loogu Abuuro

Gabadhu abuur ahaan waa xasaasi, waxa aanay jeceshay kalgacal iyo shucuurta naxariista iyo koolkoolinta lihi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *