Sababaha Ay U Wanaagsan Tahay In La Kaadiyo Galmada Kadib

Xiriirka caafimaadka leh ee ninka iyo xaaskiisa waxa uu ka bilowdaa nolol galmo oo caafimaad leh. Waxaa lagama marmaan ah in labada qof ee isqaba ay ilaaliyaan caafimaadka iyo nadaafadda xubnahooda taranka si ay ugu raaxaystaan nolol galmo oo caafimaad leh.

Caafimaad xumo la soo derista xubnaha taranka ee lammaanahaaga waxay saamayn ku yeelan kartaa caafimaadkaaga. Haddii infekshan uu ku dhaco xubnaha taranka ee lammanahaaga, adigana waxaad halis ugu jiraysaa inuu kugu dhaco isla infekshankaas sidaas awgeed waa muhiim in xubnahaas la nadiifiyo galmada ka hor.

Dadka ugu badan oo uu saameeyo infekshanka ku dhaca kaadi mareenka ayaa ah haweenka, waxyaabaha loo sababeeyana waxaa ka mid ah inay ka qaadaan lammaanahooda, maadaama ragga, shahwada iyo kaadida ay hal waddo isla soo maraan, infekshannada ayay si fudud ugu gudbin karaan xaasaskooda.

Kaadida galmada kadib:

Waxaa muhiim ah in dumarku ay kaadiyaan islamarka ay galmada dhamaato maadaama kaadidu ay soo saarto infekshanadda gudaha u geli lahaa xubnaha taranka galmada kadib. Bakteeriyadu gudaha ayay u geli kartaa kaadi mareenka xilliga galmada taas oo kordhinaysa fursadda infekshanka. Marka aad kaadiso waxaad dibada u soo saaraysaa jeermiska.

Kaadida galmada kadib miyay ka hortagtaa uureynta?

In islamarka ay howsha galmada dhamaato la soo kaadiyo kama hortagto uurka, sababtoo ibta (urethra) iyo siilka waa labo xubnood oo kala duwan. Kaadida saamayn kuma yeelanayso shahwada gasha siilka.

Biyo badan cab:

Cabbista biyaha waxay kordhisaa kaadida taas oo jirka ka saaraysa bakteeriyada. Kaadida oo la isku celiyo waxay fursad siisaa bakteeriyada. Caafimaadku wuxuu ku jiraa in aad kaadi-heysta si joogto ah u faarujiso waana sababta dhakhaatiirta ay bulshada kula taliyaan inay biyo badan cabaan si kaadi mareenka nadiif u noqoto, caabuqana uga badbaadaan.

Dhaqidda farjiga galmada kadib:

Waxaa muhiim ah inaad ka taxadarto nadaafadda farjiga galmada kadib si aad iskaga ilaaliso infekshannada. Waxaa habboon in biyo diirran lagu mayro farjiga galmada kadib. Waxaa kaloo habboon in gacmaha la iskaga dhaqo saabuun iyo biyo sababtoo bakteeriyo kaa soo raaci karta taabashada xubnaha taranka ee lammaaanaahaga.

Dumarka qaar waxay u aaminsanyihiin inay tahay in gudaha farjiga lagu soo nadiifiyo biyo iyo dareeyaal baakadaysan oo ay soo iibsadaan, laakiin taasi waxay sii kordhisaa halista infekshannada. Ha dhaqin gudaha farjiga waayo waxay culeys ku noqonaysa iskudheellitirka dabiiciga ah ee bakteeriyada ilaalisa caafimaadka farjiga. Mida kale xusuusnow ur khafiif ah oo uu yeesho farjigu waa arrin caadi ah mana tilmaamayso cillad.

Xiro dhar jilicsan oo aan kugu dheganayn:

Meelaha huurka ah ee dhididka leh waa goobaha ugu fiican ee ay bakteeridu ku kobacdo, sidaas darteed xiro dhar jilicsan oo ay hawadu ka gudbi karto. Ma fiicna xirashada gorgoradaha sababtoo ah marada gorgoroda waxay ka samaysan tahay maadada Nylone-ka taasoo soo jiiddo kuleelka iyo huurka, waxayna abuurtaa dhidid badan, hawadana kama gudubto waana saddexda shay oo u baahan yahay jeermiska fangaska ah ee caabuqa xubnaha taranka ku dhaca keena oo loo yaqaanno “Candida” inuu tarmo.

Lammaanayaasha waxaa lagula taliyaa inay nadiifiyaan xubnahooda taranka galmada ka hor iyo galmada kadiba, si ay iska ilaaliyaan faafidda infekshannada. Dumarku waa inay kaadiyaan galmada kadib si ay iskaga saaraan wixii infekshan ah oo ay kaadida u raacaan.

Check Also

cunto ku bilaabista, caruurta yar yar, nafaqada caruurta,

Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar Yar, Cuntadee Se U Fiican?

Caanaha naaska aad ayay muhiim ugu yihiin ilmaha yar, waana in labo sano la nuujiyo. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *