Saaxiibo noocee ah ayaad leedahay?

Nin dhalinyaro ah ayaa dhintay, saaxiibadii ayaa u dhisay Masjid (Sadaqo ah). Gabar dhalinyaro ah ayaa dhimatay, saaxiibadeed waxay u qodeen Ceel Biyo si mar kasta oo laga cabo uu ajar ugu socdo. Nin kale ayaa dhintay, saaxiibkii ayaa kafaala qaaday in caruurti agoonta uu ka tagay uu Biilkooda iyo waxbarashadooda bixin doono. Gabar ayaa keligeed korinaysay caruur badan oo Aabahood ay kala tageen, saaxiibadeed ayaa u iman jirtay si ay shaqada guriga uga caawiso.

Kuwani waa miraha saaxiibada wanaagsan oo dhowrsoon laga helo.

Ka taxadar saaxiibada aad leedahay sababtoo ah:

Qofku waxa uu yahay waxa uu saaxiibkii yahay

Saaxiibada beenta ah waa sida harka oo kale, had iyo jeer waa kula socdaan xillga aad iftiinka ku jirto, balse ma arkeysid saacadaha aad mugdiga ku jirto

Saaxiibada xun waa kuwa gadaashaada ka hadla ama ku farxa jabkaaga

Saaxiibka xun wuxuu kuu horseedaa xumaan, wuxuuna ku geliyaa dambi

Saaxiibka xun wuu kaa cararaa xilliga dhibaatada ku heysato, wuxuuna jecel yahay inuu ku isticmaalo xilliga aad barwaaqada ku jirto

Saaxiibka xun waxaa hal-heys u ah “Mudul gubtay mudul gubanaya kama naxo”

Saaxiibka wanaagsan waa kan Alle iyo Aakhiro ku xusuusiya, waa kan wanaaga kuugu yeera, waa kan kuu taageera sida qoyskaaga oo kale.

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

beauty benefits of olive oil,

Beauty Benefits Of Olive Oil And Ways To Use It

Olive oil, often called “liquid gold,” has been celebrated for its numerous health and beauty …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *