Raxmada iyo Kalgaceylka Qoyska: Gabadha Raalliyada Dhabta Ah Iyo Ficilada Aay Ku Dhaqanto

Waa Muhiim in Qoyska Muslimka ah ahaado mid is jecel iskuna kalsoon waxaana Shareecada Islaamka Jaceylka labada Isqabtaa ku tilmaantay inuu yahay mid ka mid ah labada tiir ee ugu waa weyn ee Qoyska ku taagan yahay kuwaas oo kala ah Raxmada iyo Kalgaceylka, hadii labadaas tiir midkood la waayo amaba labadaba aysan jirin suura gal ma aha in Qoyskaas dhisnaan karo asagoo faraxsan nabadna qaba.

Sidaa darteed si loo kobciyo Jaceylka labada isqabtaa loona abaaro halka laga kobcin karo ugu wanaagsan inuu ka kabco ayaan waxaan leeyahay waxaa Xilka koowaad ee Kobcinta Jaceylka saaran yahay Gabadha Reerka Hooyada ka ah maadaama ay wax badan ka gali karto arintaas waxaana looga baahan yahay inay ilaaliso Qodobadan soo socda:

1- Inay Allaah iyo Rasuulkisa Adeecdo oo ay ahaato Saalixad Hanuunsan.

2- In ay Nafteeda iyo Maalkiisa u dhowrto haduu Xaaskeeda joogo ama maqan yahay.

3- Inay ka farxiso haduu ka eego Naf ahaan ama jir ahaan.

4- Guriga inaysan ka bixin asaga oo Moog ama anaan fasaxin.

5- Inay mar kasta u dhoolo cadeyso.

6- In ay Saygeeda uga Mahad noqdaa Ixsaan kasta iyo Galad kasta oo uu u gala ha yaraato ama ha weynaato.

7- Marka ay dan ka leedahay inay la eegato xili Munaasab ah islamarkaana Hab wanaagsan ku weydiisato si uu ugu farxo dalabkeeda, kana digtoonaato inay weydiisato wax ka badan tabartiisa, waa inaysan si joogta ah wax u weydiin.

8- In ay dabeecadeeda wanaajiso marka ay la hadleysa Seygeeda ama Caruurteeda ama Deriskeeda ama Qaraabada Labada dhinacba ka imaan karta.

. 9- Hadiiba ay wax khilaaf ah dhaxsadaan waa inaysan la doodin codkeedana kor u qaadin, waayo raga ma jecla naagta Qeylida badan ama codka dheer.

10- Inay ku Sabarto haduu faqiir yahay, ama uu Bukoodo.

11- In ay ku boorisaa inuu qaraabadiisa Xeriirkooda wanaajiyo Gaar ahaan Labadiisa Waalid iyo Xigtadiisa waayo arintaas saameyn wanaagsan ayay ku yeelataa.

12- In ay Caruurteeda ku barbaariso Jaceylka Ilaah [Cw] iyo Rasuulka [Nabad iyo Naxriias korkiisa Alaha yeelee] bartaana Xushmeynta Aabahood.

13- In ay kaalin ku lahaato faafinta wanaaga, Arageeda Laabto marka ay banaanka dan ugu Baxeyso, kana fogaato Kibirka iyo Isjaljaleecinta Dumarka qaarkood Caadada u ah.

14- In ay ogaato inuu Seygeedu yahay Hogaamiyaheeda gaarka ah kuna Ixtaaramto Go’aanada uu goosto, ayadoo wanaaga kula talineysa kuna Caawineysa Fulinta Go’aanadiisa lana talisaa si wanaagsan.

15- In ay Ogaatahay in Ninkeeda Dadka oo dhan uga xaq weyn yahay, xataa Labadii waalid ee dhashay una Muujisaa inuu darajadaas u heyso.

16- Hadii ay gaf ka gashaana waa inaysan ka labalabeyn inay qaladkeeda qirataa kana raali galisaa si dagdag ah inta aysan dad kale maqal, aydoo ka qancineysa Sababaha ku kalifay gafka kana Codsaneysa inuu ka cafiyo.

17- Inaysan u diidin Seygeeda Rabitaankiisa Gogosha ah goorta uu doono iyo sida uu doono inta Shareecada u ogashay.

18- In ay ku Dadaasho nadaafada jirkeeda Dharkeeda iyo Gurigeedaba oo aysan Xaqiisa kaga mashquulin howlaha Caruurta ama Guriga ay ka qabato.

19- In ay ku Adeecdo Amar kasta oo aan khilaafsaneyn Shareecda Islaamka.

20- Hadii ay galad ninkeeda u gashana waa inaysan ku dhibin galadeysi.

21- Inaysan Soomin Soon Suna ah asaga oo aan u ogolaan ama aanan wargalin.

22- Waa inaysan Qofna u ogolaan inuu faragaliyo arimaha Qoykeeda.

23- In aysan Furiin ka dalban marka ay carooto.

24- Xishoodka waa inaysan marna ka tagin Hadii ay faraxsan tahay ama Xanaaqsan tahay.

25- In aysan Qaabka ay ula dhaqanto iyo habka ay kula Jiifsato ninkeeda Dumar kale kala Sheekeysan.

26- In ay Dhib oo dhan ka ilaalisaa Ninkeeda isuna arkaa markuu Gurigiisa dhex joogo Boqor qasrigiisii jooga oo kale.

27- In ay la kaftantaa lana Ciyaartaa inta badan markuu la joogo si uusan marti oo kale ugu ag ahaan.

28- Hadii ay Dabeecadaha qaar ku dhibsataa in ay u sabarto ayadoo ku tixgalinaysa Dabeecadaha uu ku wanaagsan yahay; mana jiri qof kaamil ah dadka Manta joogaa. 29- In ay daraaseyso Cunooyinka uu jecel yahay iyo Hadalada uu jecel yahay si ay ugu soorto.

30- In ay dareensiiso inuu qiimo weyn ugu fadhiyo aydoo Ixtiraam badana u muujineysa una duceyso haduu jooga iyo asagoo maqanba.

31- In ay ku sagootiso hadalo wanaagsan marka uu guriga ka baxayo, kuna soo dhaweysaa weji furnaan ayadoo u diyaarineysa wax uu ku daal gooyo markuu gurigiisa yimaado.

32- Haduu hadlayo inay dhageysataa ayadoo aamusan, si y ugu muujiso tixgalin. 33- In hadalkeedu yaraado, waxaana la yiraahdaa haduu Hadalku Qiimo ahaan qalin yahay Amuskuna waa Dahab.

34- In ay fiiro u yeelato Labiskiisa si aan loo arag asagoo basaasan ama wasaq ka muuqata.

35- In aysan la saxiibin Haween kale kuna ekaato Gurigeeda iyo Meelaha wanagsan ee Cilmiga ay ka baraneyso.

Tilmaamahan aan soo sheegay inta badan labada dhinacba waa ka dhexeeyaan waayo Gabadha waxa ay Xaq u leedahay sida ninku Xaq u leeyahay oo kale, laakiin waxaa jira Xuquuqo Ragu gaar u leeyhiin sida Masuuliyada Reerka ugu sareysa iyo Maamulka Guud maadama Illaah ku Dheeraadsiiyay Raga iyo ayaga oo Xil gaar ah ka saran yahay Masruufka iyo Marashada Reerka oo dhan.

W/Q: Calinuur Xoogsade

Check Also

khilaaf, isfahanka lamaanaha,

6 Qaab Oo Ninku Ku Xalin Karo Isfahmi-Waaga U Dhexeeya Isaga Iyo Xaaskiisa

Sababaha ugu badan ee muranka iyo mushkiladaha ka dhex abuura lammaanuhu waa kala duwanaanta aragtida …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *